Caqbaddaha Walli Hor-Taaggan Musharax Muuse Biixi Cabdi?W/Q:Mohamed Hassan Daacad

0
657

1Waa sunnaha siyaasadda in siyaasi kasta oo han-yeeshaaba uu lahaado Siyaasiyiin kale oo aragti ahaan kaga fikir duwan habka uu wax-u-waddo. Haddii aynu dhinaca kale ka eegno inay siyaasaddu lahaato Mucaarad iyo Muxaafad,waa waxa nuxurka u yeella saaxadda siyaasadda ee walliba sii kordhiya dhadhanka loolaanka nidaamka Xisbiyadda badan ee ay Dimuqraadiyaddu ku salaysantahay. Waxa kala duwan dhinacyadda ay kaaga imanyso mucaaradadaas,taas oo u baahan inaad feejigni dheeri ah u yeelato,si uu u meel-maro hanka siyaasi ee aad leedahay,isla-markaasna aad rabto inaad Bulshadda codka bixisa ka

iibiso,kalsoonidoodana aad ku hanato.

Musharax Muuse Biixi Cabdi,waxa loo arkaa inuu ka mid-yahay siyaasiyiintii doorka weyn kulahaa in Beesha Galbeedka Hargaysa iyo Gobolka GABILEY ay si buuxda taageerro ugu muujiso Musharaxii Jagadda Madaxweyne-nimo u matalayay Xisbigga KULMIYE doorashaddii 26 JUNE,2010-kii,MD.Axmed Maxamed Maxamuud (Axmed-Siilaanyo),kaas oo aqlabiyad balaadhan kaga guulaystay Labaddii Musharax ee kale Eng.Faysal Cali Waraabe Iyo Daahir Rayaale Kaahin.

Muuse Biixi Cabdi,ayaa waxa uu ka mid ahaa Siyaasiyiin ku midoobay Ururkii SAHAN ee uu gudoomiyaha ka ahaa Dr.Maxamed Cabdi Gaboose,xiligii la-furay Ururadda Siyaasadda,wakhtigaas oo siyaasiyiin Sooc ahi ay ka-jabeen Ururkii SAHAN,isla-markaasna ay qaarkood Xukuumaddii Wakhtigaas dalka ka-talinaysay ay Xilal waa-weyn ka helaan,halkii kuwii kalena ay ku biireen Ururkii KULMIYE oo markaas tartan ugu jiray inuu ka mid noqdo Saddexda Xisbi qaran ee

Somaliland.Siyaasiyiintii wakhtigaas kasoo goostay Ururkii SAHAN waxa ka mid ahaa;Muuse Biixi Cabdi,Iskaarse,Ismaaciil-Yare iyo Abiib Timacad.

Intii uu Xisbigga KULMIYE Mucaaradka ku ahaa Xukuumaddii uu hogaaminayay Daahir Rayaale Kaahin,waxa jirtay dhawr jeer oo ay siyaasad-ahaan si-weyn iska hor-yimaaddeen Gudoomiyihii wakhtigaas ee Xisbigga,hadana ah

Madaxweynaha

Somaliland,MD.Axmed

siilaanyo,khilaafkaas oo gil-gilay Xisbiggii ugu weynaa Mucaaradka wakhtigaas ee KULMIYE,waxaana guud ahaan khilaafkaasi salka ku hayay hawlaha maamulka Xisbigga iyo damacii Siyaasiyiinta.Mid ka mid ah dhacdooyinkii ugu xiisaha badnaa ee dhex-mara Madaxweyne SIILAANYO iyo Musharax Muuse Biixi Cabdi,waxay ahayd sannaddii 2008-dii,wakhtigaas oo uu Xisbigu soo xulayay cidda rasmi-ahaan uga qeyb-galaysa Tartanka Doorashadda Madaxweynaha,waxaana uu Muuse Biixi la-shir-yimid wakhtigaas aragti odhanaysa inuu Musharax Madaxweyne Ku-Xigeen u noqdo Axmed-SIILAANYO,taas oo ka-dhigaysa inay soo baxaan Musharax Iyo Ku-xigeen kasoo wada-jeeda Beesha dhexe,waxaana loolaankaas kusoo biiray siyaasiyiin kale oo ay Muuse Biixi isku beel-yihiin,kuwaas oo ay mid ahaayeen;Ibraahim Meecaad,Cali-Maarshaal iyo rag kale,kuwaas oo rabay inay Muuse Biixi kula-tartamaan Jagadda Madaxweyne Ku-Xigeen ee Xisbiga KULMIYE,inkasta oo markii ay xoog badatay aragtidii ay qabeen siyaasiyiinta kale ee odhanaysay in Musharax Iyo Ku-xigeen isku beel ahi ay dhaawac ku tahay awood-qeybiga Beellaha wada-dega Somaliland,isla-markaasna Kursigga Madaxweyne Ku-Xigeenka la-siiyo siyaasi kasoo jeeda Gobolka AWDAL.

Kala-aragti duwanaanta u dhexaysay Madaxweyne SIILAANYO iyo Musharax Muuse Biixi Cabdi,kalliya may curranin intii ay ku-wada-jireen KULMIYE,balse waxay ahayd soo-jireen tan iyo wakhtigii Halgankii Hubaysnaa ee Ururkii SNM uu duurka ugu jiray inay xukunka ka tuuraan Xukuumaddii Milatarigga ahayd ee uu hogaaminayay Maxamed Siyaad Barre.Muuse Biixi Cabdi,ayaa waxa uu ka mid ahaa siyaasiyiin ay is-qabteen Gudoomiyihii SNM ee wakhtigaas Axmed-SIILAANYO,taas oo keentay in Siyaasiyiin iyo Saraakiil  uu ku jiro;Ibraahim-Dhegaweyne,Muuse Biixi Cabdi iyo rag kaleba xabsigga loo-taxaabo Sannadkii 1987-kii,inkasta oo dedaal ay sammeeyeen Rag aqoon-yahanno dibadda joogay u badnaa oo ay ka mid ahaayeen Ismaaciil Buubaa iyo Ibraahim Maygaag Samatar ay saaraakiishaasi dib xoriyadoodii u helaan sannadkii 1988-kii.

Inkasta oo Muuse Biixi Cabdi kasoo gud-bay qardoofooyin badan oo siyaasaddeed,isla-markaasna ay ilaa maanta kula-waji-dadbaan rag badan oo ay waayo badan oo siyaasi ah soo wada-mareen,haddana walli waxaad moodaa inay wax-badanni u dhiman-yihiin inuu guulaysto hanka musharax-nimo ee Gudoomiye Muuse Biixi Cabdi.Caqabaddo badan oo aan qallin lagu kaabi Karin,ayaa wallo la-deris ah Musharax Muuse Biixi Cabdi.

Waxaynu si kooban u qodobayn doonaa caqabaddaha walli hor-yaalla Muuse ee ka-gudbisteeduna wakhti badan u baahan-tahay;

ü  Soo celinta kalsoonidda Codkii uu Xisbigga KULMIYE Kusoo baxay doorashaddii Madaxtooyadda ee 2010-kii oo haatan u muuqda mid xataa ay su’aalli dul-hoganayso deegaamaddii uu Muuse kasoo jeeday oo aan ugu fur-furayn sidii ay Axmed-Siilaanyo ugu fur-furnaayeen Lix sanno ka hor.

ü  Qancinta deegaamaddii KULMIYE soo saaray Doorashaddii Madaxtooyadda oo si weyn uga cabanaya Xukuumadda ka dhalatay Xisbigga oo ay ku eedeeyeen inay Lixdaas sanno ka waayeen saammigii ay xaqa ugu lahaayeen inay ka helaan.

ü  Ka go’aan qaadashadda Damaca aan walli si toos ah usoo shaac-bixin ee Wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi oo quud-daraynaya inuu noqdo Gudoomiyaha Xisbigga ee Muuse Biixi ku-xiga.

ü   Soo af-jaridda Muddo-kordhinaha Tusbaxa furan noqday ee Xukuumadda iyo Gollahayaasha Baarlamaanka oo loo arko inay Xukuumadda KULMIYE ka gaabisay doorkii fullineed ee ay qaadan-lahayd inay doorashooyinku wakhtigii loo asteeyay ku dhacaan.

ü  Madaxweyne SIILAANYO oo aan walli si toos ah ugu sheegin Beeshiisa inay si buuxda u taageeraan Muuse Biixi Cabdi.

ü  Dhayista boogiihii ay reebeen murrankii Xoogaanaa ee ka dhex-curtay Madaxweyne SIILAANYO iyo Muuse Biixi ,sannadkii 2014-kii,wakhtigaas oo taageerayaasha Muuse ay si weyn hadallo  xanaf leh ugu ganneen Beesha uu Madaxweynuhu kasoo jeedo,taas oo si weyn u-kala fogaysay Siyaasadda labadda dhinac.

La-soco.. Qeybaha danbe,Haddii Eebbe Idmo.

W/Q:Mohamed Hassan Daacad,Suxufi,qoraa ah,l: Daacad461@gmail.com