Canada: Soomaali Imaam Masjid Ahaa Oo Maraykanku Ku Soo Oogay Dacwad La Xidhiidha Dhaqan Xumo

0
562

Picture1Calgary (Geeska)- Booliiska deegaanka Woodbury ee dalka Maraykanka ayaa shaaca ka qaaday in Laba dacwadood oo la xidhiidha dembiyo dhinaca jinsiga ahi ay ku socdaan Cabdi Xirsi oo ah Soomaali Imaam Masaajid ah oo qaxoontinimo ku deggen dalka Canada.

Warkan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda CBC oo ah shabakadda wararka ee rasmiga u ah dowladda Canada ayaa lagu yidhi, “CBC News waxa ay ogaatay in shakhsi caan ka dhex ahaa jaaliyadda Soomaalida ee Calgary dalka Maraykanka looga haysto dacwado ah xidhiidho dhinaca jinsiga ah”

Wadaadkan oo ay Booliisku sheegeen in ka shaqayn jiray sidii uu dhalinyarada Soomaalida ah uga wacyigelin lahaa ku biirista ururrada xag-jirka ah, isla markaana booliiska uu uga caawin jiray ka hortagga arrimaha argagaxisada la xidhiidha ayaa dacwaddan Maraykanka kaga socota lagu sheegay in mar uu sannadkii 2006da dalka Maraykanka ka shaqaynayey cisbitaal uu sifo sharciga baalmarsan xidhiidh jinsi ula yeeshay laba dumar ah oo bukaankii uu daweynayey ka mid ahaa.

Cabdi Xirsi oo ku shaqaynayey xirfadda ah daweynta hab-dhiska neefsiga ayaa labadan dumar ah oo uu xaalkooda gacanta ku hayey waxa ay ku andacoonayaan in markii uu caafimaadkoodu soo kabanayey uu Cabdi Xirsi ku bilaabay xod-xodasho iyo in ay gacmihiisu gaadhaan. Det. Jeffrey Zerwa oo ah dembi baadhe ka tirsan booliiska Woodbury oo kiisan baadhaya ayaa sheegay in labadan dumar ahi ay ficilkan aad uga xumaadeen.

Gabadha hore oo sheegaysa in Cabdi Xirsi uu ficilkan kula kacay bishii Julaay 2006da ayaa uu dambi-baadhuhu sheegay in ay muddo ka warwareegaysay inay kiiskan cid u sheegto, laakiin aakhirkii ay isku qancisay in ay sheegto si aanu cid kale falkan oo kale ugu dhicin. Gabadha labaad ayaa iyaduna ku andacoonaysa in Cabdi Xirsi uu kula kacay dhaqan xumo uu ugu sheegi jiray in ay qayb ka tahay daweynteeda, laakiin ay ka muuqatay in ay ujeedo kale ahayd. Gabadhani waxa ay ku doodaysaa in Cabdi Xirsi uu doonayey in uu xidhiidh jinsi la sameeyo.

Markii ay dacwadahani soo baxeen ayaa golaha sare ee caafimaadka degmadu go’aansaday in Cabdi Xirsi lagala noqdo rukhsadda shaqada. Dacwadda lagu soo oogay Cabdi Xirsi ayaa lagu sheegay in markii uu kiiskani dibadda u soo baxay ee shaqadii cisbitaalka laga eryey, baadhisna lagu bilaabay in uu si kedis ah ugu soo gudbay xadka dalka Kanada, isaga oo talefankii uu kala soo xidhiidhi jiray dembibaadhahana ku xidhay farriin sheegaysa in uu u baxay dalka Kanada wixii su’aalo ee uu u qabana uu kala xidhiidhi karo qareenkiisa.

Imaam Cabdi Xirsi oo isagu waraysi siiyey Talefishanka CBC ee dalka Canada ayaa si adag eedahan isaga fogeeyey, waxa aanu sheegay in eedahaas lagu soo oogay mar hore laakiin uu awoodi waayey in uu iska difaaco sababo la xidhiidha sharciyadda joogitaankiisa Maraykanka awgood. “Kanada iyo Maraykankaba waa in la iila dhaqmaa in aan ahay Beri, illaa la igu caddaynayo dembiga aan galay” ayaa uu yidhi, Cabdi Xirsi.

Cabdi Xirsi oo 46 jir ah, waxa uu ahaa maamulaha Masaaidka Abu Bakar Musallaah oo ku yaalla Koonfurta-Bari ee Calgary, laakiin isla markii ay eedahani soo baxeenba waxaa shaqadii Imaamnimada ee Masaajidkan ka eryey masuuliyiinta jaaliyadda Muslimka ah ee degmada Calgary. Cabduljaliil Al-Qadri oo ah guddoomiyaha golaha Muslimiinta ee Calgary ayaa sheegay in Cabdi Xirsi uu Masaajidkan Imaam ka ahaa muddo 4 sano ah, laakiin xagaagii dhowaa Masaajidkaas laga eryey, kadib markii golaha muslimiintu ay ogaadeen in dacwado noocan ah loo haysto waaran xadhig ahna maxkamadi u jartay. Waxa aanay sheegeen in hadda kadib aanay cid dambe Masaajid ku aamini doonin illaa uu Booliisku soo caddeeyo in aanu wax dembi ah glein.

Qareenka difaacaya Imaamka oo lagu magacaabo Raj Sharma ayaa isna ku doodaya in eedahan aanay waxba ka jirin, “Intii uu joogay Kanada, waxa uu udub dhexaad u noqday jaaliyaddiisa, waxa aanu la shaqeeyey haayadaha ammaanka ee magaalada Calgary, iyo si gaar ah taliyaha booliiska Rich Hanson, oo uu ka caawiyey dembi ku soo oogidda dadka loo haysto in ay ku kaceen falal sharciga baal marsan iyo ka hortagga in argagaxisonimada lagu faafiyo bulshada dhexdeeda” ayaa uu yidhi garyaqaanka difaacaya Cabdi Xirsi.

Cabdi Xirsi maadaama oo uu qaxoontinimo ku joogo dalka Kanada waxa uu sharcigu siinayaa xasaanad laakiin dowladda Kanada markii ay ogaatay in maxkamad ku taalla Maraykanku ay u jartay waaran qabasho waxa ay isku dayday in ay kala noqoto xasaanaddaas.

Xirsi markii uu Kanada tegey waxa uu dalbaday qaxoontinimo, isaga oo laanta qaxoontiga u qaabilsan dalka Kanada u sheegay in uu ka dhashay qabiil laga tiro badan yahay oo Soomaaliyeeed. Cabdi xisri waxa uu codsigiisan ku qoray in uu Soomaaliya ka soo qaxay markii xaaskiisa iyo wiil uu dhalay ay koox jabhad hubaysan ahi ku dileen Muqdisho sannadkii 1991kii. “Waa xaqiiqa in la igu dili doono Soomaaliya, haddii qasab la iigu celiyo” ayaa uu ku qoray codsigan oo sabab u noqday in sannadkii 2008da la siiyo ogolaanshiyaha qaxoontinimada ee uu dalkaas ku joogo.