Cali-Sanyare Oo Ka Hadlay Dhul Wadada Cad Madaxweynuhu Siiyay Oo Ay Kooxi Hunguraysay

0
523

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha guddiga dhisaysa wadada cad ee isku xidhaysa Hargeysa iyo Salaxley Dr. Cali Ibraahim Maxamed (Cali-sanyare), ayaa ka hadlay xiisad dhawaan ka soo korodhay dhul ay wadada cadi lahayd oo uu Madaxweyne Siilaanyo siiyay oo ay dad hungureeyeen.

1

Dr. Cali, ayaa qoraal uu soo saaray wuxuu kaga hadlay arrintan, waxaanu yidhi “Dhawr jeer ayey dadka ku mamay dhulka ay duulaan ku soo qaadeen Baloog dhul ah oo mashruuca waddadu ku leedahay Xaafada Masalaha.Dhowrka jeerna anaga oo la kaashanayna Dawladda Hoose iyo Wasaaradda Duulista Hawada ayaa seeskii cadaalad darada lagu dhistay la burburiyey,Hase yeeshe bishan gudaheeda ayaa weerarkii ugu weynaa lagu soo qaaday dhulkayagii iyagoo , sida warku nagu soo gaadhay, isbaheysteen dadkii hore loo maquuniiyey ee Maxkamadda dalka ugu sareeysa xukunka xadhiga ah ku riday , laba Xildhibaan oo deegaanka ka tirsan ,Sarkaal sare oo Dawladda hoose ka tirsan iyo deegaanka ay khusaayso . Waxa kale oo la tilmaame dad kale oo musdambeedka shaqsiyaadka  ka dhaq-dhaqajinayey oo shaadh xukuumadeed huwan.

Cali Sanyare oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Waxa kale oo aanu ku baraarugnay dhulkayagii oo habeenimo la dhistay, dhagaxaan iyo camuudna dhinacyo kale lagu rogay, subixii dambena waxaanu aragnay Bino cusub oo la wado iyo dad xaashiyo lacag cashuureed degmadu kaga qabatay oo ku andacoonay in dhulka loo xalaaleeyey.

Waxa maalintii ku xigtay Xafiiska Dawladda Hoose ka helnay Meeyar ku xigeenka wakhti wakhtiyada ka mid ah anaga oo dacwad u socona, nasiib wanaag markii uu si fiican noo dhagaystay waxa uu amray in seeskii iyo dhismayaashiiba la burburiyo, amarkiisina waa la fuliyey, waana u mahadnaqayna, Meeyarkuna muu joogin Xafiiskiisa, balse Meeyar ku xigeenka ayaa noo diray Xoghayaha Dawladda hoose si aannu uga codsano in galkii ama faylkii dhulkayaga ugu wareejiyo Xafiiska Meeyar  Ku-xigeemka  , si uu isna u saxeexo, una sii gudbiyo Meeyarka.

Markii aanu tagnay Xafiiskii Xoghayaha waxaanu la kulanay Xoghayihiisii,bacdama uu ka maqnaa Xoghayaha weyni xafiiskiisia. Waxana  Xoghayaha yar ka wareysanay heerka uu marayo nidaamkii sharciyeed ee dhulka waddadu, Wuxa  uu noo sheegay Xoghayaha yari in Degmadii uu dhulku ku yaalay laba fayl oo kale ay ka soo daba rartay faylkayagii, oo isla dhulkayagii sheeganaya, markaasna uu Xoghayaha weyni xanibay faylkayagii. Fariintii uu noo sheegay Xoghayaha yari ayaanu sidii ay ahayd ugu warcelinay Meeyar  ku xigeenka, anaga oo fajacsan oo fahmi kari la'a waxa socda. Wuxuu nagula taliyey Meeyar ku xigeenku in aanu la kulano Guddoomiyaha Degmadii ay khuseeysay, ee la leeyahay faylal kale ayey dad kale u soo sharciyeysay, si annu u ogaano xaqiiqada meesha taala. Talo soo-jeedintiisiina waano ka ajiibnay.

Cali Sanyare mar uu ka hadlaayey Degmadii ay arintani khuseeysay ay tageen iyo waxa ay kala kulmeen ayaa yidhi “Markii aanu Xafiiska Degmada tagnay waxa si masuulnimo ku jirto noo soo dhaweeyey Xoghayaha Degmada, waxaanu na fadhiisiyey Xafiiska Guddoomiyaha Degmada, oo markaas shaqada soo galaayey, abaaro 10:30 subaxnimo, isla markii uu na arkay Guddoomiyuhu wejiga ayuu noo bedelay, isagoo ku tilmaamsanaa maahmaahdii Soomaaliyeed ee ahayd "dhagar qabe dhulkaa u dhaq-dhaqaaqa". Intuu isku laba rogay kursigiisi xafiiska ayuu af ka baxsan milgaha dawladnimo iyo masuulnimo oo dhagareysan uu noogu jawaabay, isagoo na jidh diidaya. Xubnihii kale ee ila socday ayaa isku dayey inay u caqli celiyaan, balse markii aan arkay in aanu diyaar u ahayn inuu nala xaajoodo ayaanu mahadnaq ugu darnay aflagaadadii uu noo gaystay, kana dalbaday saaxibaday inay I soo raacan, sidaas baanu shirkii ku dhammaaday mudo dhawr daqiiqo ah”.

Cali Sanyare mar uu ka hadlaayey talabaadii ay qaadeen kadib markii ay weji gabax kala kulmeen Guddoomiyaha Degmada ayaa yidhi “Wax ay soo socotaba maalintii arbacada ahayd ee 17/8/2016, ayaanu shir balaadhan oo arintan lagaga tashanayo ayaanu ku qabanay, Xarunta Xafiiska Mashruuca Waddada Cad. Waxa shirkaas ka soo qayb galay Guddida Sahan Barwaaqo, oo ah Guddida guud ee deegaanka, Guddida Mashruuca Dhismaha Wadada Cad, Guddida Nabadgalyada, Guddida Dhakhtarka Caalamiga ah oo dhammaantood arintani khuseeyso. Waxa shirkaas wada tashi lagu gudoonsaday in Meeyarka loo tago, si waxna looga weydiiyo arimahan murgay, ee la xidhiidha dhulkii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland  digritada ku soo saaray ee Wadda cadna ku siiyey laba Baloog, xukun Maxkamada Sare-na, oo lama taabtaan ahina lagu sii xoojiyey. Marna lama fileen, meeshana kumay jirin in ash-khaas dawladda hoose ka tirsani carqaladeeyaan.

Anagoo qodobadaas ka duulayna ayaanu balan la soo qabsanay Meeyarka maalintii Isniinta ee 22/8/2016, si aanu uga codsano inuu wax uga qabto wax aanu u aragnay ku takrifal awood xafiis sifo sharciga dalka iyo kala dambaynta dawladnimo ka baxsan, oo keeni karta isku dhac, nabadgalyada-na wax yeelayn kara.

Cali Sanyare ayaa wuxuu intaas raaciyay “Hadhimo sharafeedkii loo sameeyey Meeyarka iyo kooxdiisa, (Meeyar ku xigeenka iyo Xoghayaha) waxa kale oo ka soo qayb galay Guddidayadii arimaha waday iyo xubno ka tirsan Dawladda sare oo uu hogaaminayo Wasiirka Xanaanada Xoolaha oo ay ku jireen Agaasimaha Wasaaradda Duulista iyo Hawada, Agaasimaha Qorsheynta ee isla Wasaaraddaas, iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Ciyaaraha.Waxa kale oo goob joog ahaa Xildhibaan Axmed Siyaad oo ka tirsan Golaha Deegaanka ee Caasimadda, Xildhibaanadii kale ee deegaanku kamay soo xaadirin madasha inkastoo la ogeysiiyey. Markii wada hadalkii furmay waxaanu si tafatiran ku soo bandhignay cabashadaydii. Waxaanu ka codsanay Meeyarka inuu taloobiyinka soo socda ka qaado arintan si sharciyadii dhulku u soo noqoto.

 1-In Sharciyada dhulka ee ku xanibneed  Xafiiska Xoghayaha Dawladda Hoose, nidaamkeedii la mariyo, sida uga degdegsiimada roona loo dhamaystiro.

2-In dhulka dhammaantiis oo ay ku jiraan afartiisi waddo, sida   ku cad khariidaada dhulka, lagu soo celiyo mashruuca dhismaha waddada cad, lana burburiyo,si dhakhsi ah, binada ka socota dhulka ee sharci darada lagu dhistay.

Waxaanu markaas ka rajaynaynaa Meeyarka inuu ILLAAHAY khayarka waafajiyo, cadaaladana ku soo dhawaado.,Waxa kale oo aanu Meeyarka ka raali gelinaynaa warkii warbaahinta ku soo baxay ee ku eedayey Meeyarka inuu  iibiyey dhulkii waddada cad.Waxaanu u caddeyneyna Meeyarka  in aanu warkaasi ka soo bixin mashruuca waddada cad, talona anaan ku lahayn. Waxa  dhici karta in dad raali ka ahayn wada hadalka labada dhinac inay arintan ka dambeeyeen, iyagoo is lahaa ka ciideeya shirka, si aanu is fahan u dhicin.

Cali Sanyare ayaa ugu dambeyntii yidhi “Waxaan halkan ka qirayaa inuu Maayarku ,shaqsi ahaan, uu noo caddeeyey in haba yaraate duulaanka dhul boobka ah aanu lug ku lahayn,waxna ka ogeyn dhacdadan hore loo arag ee burinaysa amar Madaxweyne iyo xukun ka soo baxay Maxkamada sare ee Jahmuuriyada Somaliland”.  Waxaanu u mahad celinayaa dhamaan kasoo-qayb-galayaashii Shirka, gaar ahaana, Meeyarka Caasimada.