Cali-Gurey Oo Ku Hanjabay In UCID Dhisi Doono Dawlad Dalka Doorasho Gaadhsiisa

0
487

Picture5Hargeysa(Geeska):-Xisbiga mucaaradka ah ee Ucid, ayaa ku dhawaaqay in ay wadaan qorshe ay doonayaan in ay ku soo dhisaan dawlad ku meel gaadh ah oo dalka ka hir galisa doorashooyinka madaxtooyada iyo aqalka golaha wakiilada Somaliland, waxaana ay carabka ku dhufteen in  isla bisha May ay qabanayaan shir wada-tashi ah kaas oo loogu sii gogal xaadhayo sidii loo soo dhisi lahaa dawlad ku meel gaadh ah oo ka kooban guud ahaan saddexda qaybood golaha fulinta, sharci dejinta iyo xeer illaalinta dalka sida oo kalena ay ka dhex muuqan doonaan beelaha dega Somaliland.

Guddoomiye ku xigeenka Saddexaad ee xisbiga Ucid Mujaahid Cali Gurey, ayaa hadalkan ka sheegay mar uu shalay qaar ka mid ah warbaahinta kula hadlaayey magaalada Hargeysa, waxaana uu sida oo kale uu sheegay in cashuurtii dadka loo adeegsanaayo sidii muddo kordhin aan sharci lahayn loo samaysan lahaa isaga oo carabka ku dhuftay in dadka taageeraya go’aanka Guurtida Somaliland lagu burburinaayo lacagtii laga soo ururiyey shacabka Somaliland, waxaana uu ugu horeyn faah faahin ka bixiyey kulan ay xisbiyada mucaaradka ee Waddani iyo Ucid la qaateen madasha wada-tashiga.

"Laba u jeedo ayaan halkan u nimi, midi waxaa uu ahaa qoladii madasha wada-tashiga in aan soo gaadhsiiyo fariin aan ka sido guddoomiyaha Ucid oo ah in aan hormood ka noqono oo aanu fidino gogasha shir lagaga wada-tashanaayo oo wada-tashi qaran ah oo aanu ku soo dhisi doono dawlad dalka gaadhsiisa doorasho, dawlad marka aan leeyahayna xukuumad uun maaha, waxa weeye 82kan Guurtida ah 82doodii mudane ayaanu keenaynaa haddii Alleh yidhaahdo, balana waxaan ugu qaaday qolada reer Buuhoodle iyo Laascaanood in aan Garoowe tago oo aan ka soo qoro Garaadadoodii iyaga badeli lahaa, waxaa ay noqotay la'isu joojin maayo, waxaa ay noqotay shan farood iyo calaan cal ayaan ku talinayaa, waxaa ay noqotay sida aan doono ayaan yeelayaa, cashuurtii laga qaadayey dadka masaakiinta ah ayaa shalay codaynaayey, waxan gacmaha taagayey dad may ahayn ee gacmaha waxaa taagayey Lacago, kuwan aad Guurtid ka arkaysaan ee leh waxa aanu taageersanahay go'aankii la'gaadhay, dad ma hadlayaan, waxaa hadlayaa waa lacag, lacagtuna waa lacagtii umadda laga qaaday. Marka annagu waanu bixinaynaa gogashaa haddii Alleh yidhaahdo sida ugu dhakhsaha badan waxaanan filaynaa in ay bishan May dhexdheeda ay noqoto bilowga shirkaasi, Axmed Siilaanyana waxaan uga digayaa Cali Gurey, Xasan Ciise Iyo Faysal Cali waraabe Hargeysa shir kuma qaban karaan haddii uu yidhaahdo, waan uga digayaa haddii kale Muuse Biixi ha noo soo diro annaga ha na xidh xidhee.”.Ayuu yidhi Muj.Cali Gurey

Guddoomiye ku xigeenka Saddexaad ee xisbiga Ucid Muj.Cali Gurey oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa waxaa uu yidhi:“Qodabka kale ee aan u nimi waxaa uu ahaa in aanu madasha ka wada tashano waxa ay ka yeelayaan muddo kordhintan Labada sannadood ah ay ka yeelayaan iyagu madal ahaan iyo waxa go'aamada ah ee aanu annagu qaadanay aanu u soo gudbino.".