Cajalad Uu 14 Sano Ka Hor Ammaanaystay Ayaa Aanu Soo Celin, Markaasaa Xabsiga Loo Taxaabay

0
643

Washington (Geeska)- “Mudane, ma garanayo si aan kuugu sheego, laakiin waxa aan ku qasbanahay in aan kuu xidho sababta warqad sannadkii 2002dii ay maxkamadi in lagu xidho u soo jartay. Waxa aan filayaa in cajalad Fiidyow ah oo aad ammaanaysatay aanad dib u soo celin” Kelmadahaas ayaa askari ka tirsan bilayska gobolka North Carolina si ixtiraam leh balse aan dhayalsi iyo kaftan ka muuqan ugu yidhi muwaadin Maraykan ah oo lagu magacaabo James Myers, kaas oo uu doonayey in uu xabsiga u taxaabo.

1

Warkan xiiisaha leh oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda Al-Carabiya ayaa intaas ku daray in Myers oo 37 sano jir ah xabsiga loo taxaabay xilli uu doonayey in inantiisa uu gaadhiga ku geeyo iskuulka.

Marka hore sababta uu askarigu u joojiyyey Myers waxa ay ahayd in lagu qabsado laydhka joojiyaha (Biriigga) la shidma eegaadhigiisa oo jabnaa, laakiin waxaa u qaadan waa noqotay markii askarigani uu arkay in ninkan Myers uu yahay nin muddo 15 sano ah uu raadinayey bilaysku, kadib markii uu cajalad nooceedu yahay VHS oo filim ku duuban yahay uu meherad kiraysa ka kiraystay kadibna aanu dib ugu soo celin.

Waxaa iyaduna xusid mudan in cajaadda hadda soo celin la’aanteeda loo haysto Myers lagana yaabo in xukun adag lagu ridaa ay tahay cajalad aan imika cidi isticmaalin oo laga guuray.