Cabsi Yey Ku Dilin: Xildhibaan Adan Haji Diiriye

0
935

 

 

Picture1Ayaamahan waxey dadbadan oo reer Somaliland ah hadalheyntoodu iyo sheekadoodu u badneyd socdaalkii uu M/waynaha Somalia ku tegey dalka Mareykanka, taasi oo shaki iyo cabsi laga muujiyey

 

Hadaba aniga oo arinta iyo dhaliilo horeba u jirey dabasocda ayaan goostey inaan qoraalkan kooban usoo gudbiyo dadka reer Somaliland, shicib iyo madax hadallo ka dhaceenba. Waxaan hordhac uga dhigaya: Miiya la hilmaansanyey qodobadan distooriga ah iyo nuxurka sharci ee ku duugan!

Dastuurka qeybta 1aad Xubinta 1aadQodobada 1aad – 7aad,Dastuurka Qeybta 1aad Xubinta 3aad Qodobada 34aad,Dastuurka Qeybta 5aad Xubinta 5aad Qodobada 127aad

Intaasi oo qodob waxey tilmaamayaan jiritaanka dalka iyo dadka Somaliland, madaxbanaanidooda, iney dadku leeyihiin awooda ugu sareysa iyo inaan cidina wax kabedeli karin qaab dhiseedka Somaliland. Iyadoo sida wax u cad cadyihiin ayaa lagsoo bilaabo 1991 xilligii lagu dhawaaqey gooni isu taaga iyo xoriyada lassonoqoshadii Somaliland, waxaan kamaqlaa qeybo badan oo bulshada kamida ah aqoonyahan leh, siyaasiyiin, odayo dhaqameed iyo warbaahinta qaybo ka mida:

Maamulkii ugu horeeyey ee uu hogaminayay

A/rahman Ahmed Ali, Alle ha u naxariistee, dadbaa lahaa Xamar buu innagu wadaa.Mohamed Ibrahim Igal, Alle ha u naxariistee, dadbaa lahaa Xamar buu innagu wadaa.Dahir Rayale Kaahin qolooyin uunbaa lahaa Xamar buu nagu wadaa.Ahmed Mohamed Siilaanyo iyo dowladda uu hogaaminyo markey dan u arkeen, calamkuna usoo jeediyey in wada hadal lala galo Somalia ee uu aqbaley isagoo latashi sameeyey, waxa layiri Xamar buu inagu wadaa.

Aniga oo qaadan kari waayey hadaladaa aan soo sheegey waxan is weydiiyey shacabka iyo dadka masuuliinta ah ee reer Somaliland:

Ma iyagaa doortay oo dirtay oo uu matelaa M/waynaha Somalia iyo cidii kale xilkaheysa Somalia. Halka masuuliyiinta Somalia u socdaalayaan, cidday la kulayaan, waxa aay kawada hadlayaan, maxaa dadka reer Somaliland ka khuseeya: innagoo og halkaynu kala marney, taladdii laga yeeshey iyo go’aankii laga qaatey Somalia iyo midnimadiiba.Madaxda Somaliland mid hore, midjoogta iyo mid danbe oo Alle keenoba ma waxey xilka ku hayaan oo ku shaqeeyaan sharci iyo rabitaanka reer Somaliland mise cidkale ayaa dusha inagaga keenta. Haddaan kalsooniyi jirin maxeynu u doorannaa.

Miyaynu hilmaansanney naf iyo maal wixii lasoo huray. Go’aan iyo rabitaan ummadeed miyeynaan wax ku dhisan oon lagu wada ilaashaneyn.Ma waxeynu hilmaansanney in awoodda u sareysa ee sharciyeed Shacabka (dadka Somaliland) leeyihiin. Qof kasta iyo masuul kasta oo ka horyimadda ama sisiman isu barbardhiga Jamhuuriyadda Somaliland iyo maamul goboleed katirsan Somalia inuu danbiile qaran yahey. Mase laga yaaba in hadalada sida fudud la isaga yidhaado ama la isaga qoraa iney khalkhal iyo khliaaf inna geliyaan, jiritaankeenana wax yeelaan.

Markaan tusaalaha aan ka soo hadley ka tilmaan qaatey waxaan soo jeedinaya:

Shacabka reer Somaliland yaanu lumin isku kalsoonaanta, waxa laqorayo iyo waxa lagu hadlayaa waa iney u hiilinayaan midnimada iyo jiritaanka qaranimada Somaliland. Dabada iyo gudaba waa in umadaha caalamka la tusa midnimadeena iyo mawqifka aan taagganney.Taageero iyo istoosin lagula shaqeeyaa hadba cidda talada dalka loo xilsaaro.Warbaahinta maqal, muuqaal iyo qoraalba leh ee ka howlgala Somaliland waa iney waqti siiyaan oo qabtaan dood aqooneed lagu muujinayo xaqnimada sharciyeed ee jiritaanka Somaliland. Dood xogeeg goobjoogan iyo waayoaragnimo oo dhalinta iyo da’yarta loogu tebinayo wixii jirey, waxa jira iyo waxa la gudboon.

Xukuumadda waxan leeyahay sida xilka u qaadeen xalaal ugu gutta.

Wadahadalka socda ee ka furmey Lancanter, Chatming house iyo Abu-Dabi dalka Imaaraadka waxaa in wixii kasoo baxey noqdan wax dhaqan galkoodii muudqo xagga laba dhinacba.Ururada caalamiga ah iyo dowladaha qabanqaabinayey kuna howlana wada hadalada Somaliland iyo Somalia waxey reer Somaliland ugu martiyiin iney damaanad qaadaan in nebadgelyada xasiloonida iyo xuduudaha Somaliland fargelinta laga ilaaliyo inta wada hadalady socdaan. Cidii xadgudub latimaadana tallabo laga qaado.

Xukuumada Somaliland waa iney wadahadalaka aasaas uga dhigtaa oo dowladaha ku hawlan wado hadalka ka codsatta in loo aqoonsado dhogmanti socdaal oo safarada loogu baxayo wadahadalada iyo kaabayaasha nolosha ee bulshada Somaliland u bahanatahay sida,

a) Caafimaad dibada iyo gudaba

b) Waxbarasho dabadeed iyo gudaba

c) Ganacsiga dabadeed iyo gudaba

d) Xog,koboc dhaqaale iyo xariir dabadeed

e) Dadka reer Somaliland waa iney helaan wixii ku xidhi laha aduun weynaha kale ee nolosha la wadaaga.

Xukuumada Somaliland maaha iney ku akaato oo aayaha wadahadalka ku xidho qof sitta dhogmanti reer yurub ama maraykan ah. Intii suuragal ah waa iney ku dadaasho culaysna ku saarto cid kasta iney aqbalaan dhogmanti socdaal ee Somaliland.

Geba gebo

ü Dadka reer Somaliland waxay aaminsanyihiin iney waajib ku tahay ururada caalamiga ah iyo dowladaha aduunka ee nabadda jecel iney tixgaliyaan heshiisyada iyo shuruucda caalamiga ah ee lagu dhowro ama lagu ilaaliyo

1. Xuquuqda aadamaha (qof iyo wadar)

2. Aayo katashiga umaddeed

3. Isxaqdhawrka

4. Xasiloonida, nabadgalyada iyo farogalin la’aanta

5. Xuquuqda horumarineed ee bulsho kasta

Intaas oo qodob reer Somaliland xaqbay u leeyihiin in lagala hawl galo.

Dadka reer Somaliland waxay soo mareen kana soo gudbeen dulmi, xasuuq iyo dagaal naf iyo maalba sahayday, sidaana lagula soo noqday xoriyadoodii. Sidaa daraadeed waxay caalamka ku baraarujinaysaa go’aankii dowlada Ingiriisku qaadatay 1947 oo ahaa in India xoriyada la siiyo laba dalna loo qaybiyo si looga badbaado dhiig badan oo daata iyo dagaal sokeeya oo dhex mara dadkii wada daganaa, Taasi ayaa keentay in laga dhigo India oo qoomiyado hunuud u badani ka taliyaan iyo Pakistaan oo qawmiyadii muslimka ahaa ka taliyeen inkastoo Bangaldhish go’day 1971.

Reer Somaliland waxey xasuusinayaan ururada caalamiga iyo dowldaha caalamka hadalkii caanka ahaa ee Harlord Macmillan hogaamiyihii dowlada Ingriiska (1957 – 1963) uu ka jeediyay magaalada Cape town ee dalka South Africa  (1960) halkaas oo ahaa

“Isbadal dabayleed ayaa qaarada ka dhacay ama aan jeclaanne ama yeynaan jeclaanne, kobaca dhaqdhaqaaqa wadaniyadeedna waa wax dhab ah oo jira, marka iney siyaasaddeena guud lajaan qaaddo waa wax jira”.Sidaas oo kale waa in caalamka lajaan qaado gooni isutaaga Somaliland waa inaan indha laga qarsan xaqqa aayo katashi ee umadda iyo nabadda geeska

ü Reer Somaliland waxey xasuusinayaa ururada caalamiga ah iyo dowladaha nabadda jecel in dadka reer Somaliland aaminsanyey  qodobadii uu xambaarsanaa heshiiskii     “the 1941 Atlantic Charter by Joint Anglo – American” oo dhigayey in:

1. Dalalku waa in aaney is balaadhin ama isfidin iyagoo xuduud dalkale qaadanaya

2. Dadku waxey xaq u leeyihiin ciddey doonayaan iyo sidey doonayaan iney u dhistaan dowladooda

Heshiiskani waa kii sababey in Jimciyadda Quruumaha ka Dhaxaysa:

A. Dib ugu celiso dawladdii Talyaaniga dhulkii Somalia ee dowladda Ingiriis qabsatey dagaalkii labaad ee aduunka.

B. In dhul badan oo gacanta gumaystaha kujirey lasiiyo xornimadooda oo Somaliland ka mid ahayd.

Dadka reer Somalilandna waa u diyaar iney naf iyo maalba u huraan kana hortagaan isbalaadhin, xudud fidsi iyo xadgudub kaga yimaadda Somalia ciddii doonta hasoo taageerto, mahiiga iyo jaadkiisii.

Qore.

Xildhibaan  Adan Haji Diiriye