Hargeysa(Geeska)Cirro yidhi” anigu heshiiskaas kamaan soo horjeedin ee xukuumadda KULMIYE Ayuun baa berigaasna fidinaysay waxaas ee anigu waan taageersanaa, wixii horumar ah ee wadanka u soo kordhanayana waan taageersannahay. Waxaanse anigu diidanaa hal qoddob oo ah xaq baad u leedihiin inaad heshiis gashaan xukuumad ahaan ee wixii aad ku heshiiseen golaha wakiillada hor keenna, intaas uun baanu isku haysannay. Anigu DP world waan soo dhawaynayaa heshiiska ay gashay berigaas iyo wixii kale ee ay immika gashaba, waxaanan is leeyahay dekedda shaqo wanaagsan bay ka qabteen immika, way casriyeeyeen dekeddii adeegeediina way tayeeyeen”. Dhinaca siyaasadda arrimaha dibeda mar BBCdu wax ka weydiisay Cirro sida uu arko heshiisyada ay xukuumaddu la gashay, gaar Ahaana wadanka Taiwan, in haddii uu doorashada ku guulaysto uu halkaa ka sii wadayo iyo inuu wax ka bedeli doono waxaa uu si guud mar ah u yidhi “Wxii Somaliland u dan waanu sii wadaynaa laakiin mararka qaarkood dib u qiimayn baa la samayn doonaa odhanaya dalalka aynu xidhiidhka la leennahay maxay yihiin iyo maxaynu soo kordhin karnaa. Run ahaanna innaga dalalka aynu xidhiidhka la leennahay way inoo kala qiimaysan yihiin marka diblumaasiyadda laga hadlayo , waxa jira dalal aynaan ka maarmi karin gobol ahaan iyo siyaasad ahaanba sida Itoobiya iyo Kiiniya oo kale iyo dawladaha waaweyn ee kale ee maraykanka iyo ingiriisku kamid yihiin, iyo dawlado kale Hargeysa (Geeska): Murashaxa Kursiga Madaxweynaha ee xisbiga mucaaridka ah ee WADDANi Md. Cabdiramxaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa markii u horeysay ka hadlay qoddob khuseeya siyaasadda arrimaha dibeda Somaliland iyo xidhiidhada ay xukuumadda Madaxweyne Muuse la leedahay wadammada Caalamka oo ay Taiwan iyo Itoobiya kamid tahay. Sidoo kale waxaa uu faahfaahin ka bixiyey sida uu arko heshiisyada caalamiga ah ee dalalkaas ay Somaliland kula jirto, kuwaas oo dabcan uu kamid yahay is afgaradkii ay horraantii sanadkan Somaliland la saxeexatay Itoobiya.Cabdiraxmaan Cirro waxaa kale oo uu ka hadlay qoddobo ku jira heshiisyadii uu xisbiga WADDANI la saxeexday ururrada siyaasada Somaliland ee uu isbahaysiga la galay, kuwaas oo urur siyaasadeedka KAAH kamid yahay. Waraysi arrimahaas iyo kuwo kale xambaarsan oo dhawaan uu Murashaxa Cabdiraxmaan M. Cabdillaahi (Cirro) bixiyey ayaa waxa kale oo uu ka hadlay qoddob uu sheegay in guul darradii xisbigiisu kala kulmay doorashadii madaxtooyada ee 2017kii ay ka faaiideen, kaasi oo sabab u noqday in doorkan ay shacbiyad iyo taageero badan ku kasbaday “ Xisbiga WADDANI waa xisbigii ugu horreeyey ee soo bandhiga barnaamij siyaasadeedkiisa, kaasi oo ka kooban lix tiir oo uu ugu horreeyo difaaca qaranku: sidaas ayuu Cirro yidhi,mar uu waraysi magaallada Hargeysa ku siiyey laanta af soomaaliga ee BBCda, waxan uu intaa ku daray “waxa kale oo qoddobada barnaamiyka WADDANI kamid ah, garsoorka, arrimaha Bulshada, maamul wanaaga, dhaqaallaha iyo qodob aan doorkii hore ku jirin oo aanu immika ku Darnay kaasi oo ah doorka dhalinyada iyo haweenka” ayuu ydihi. Mar la weydiiyey waayo aragnimada xisbi ahaan iyo musharax ahaan ay ka korodhsadeen doorashadii hore ee madaxtooyada iyo guulo darradii ay kala kulmeen waxaa uu yidhi “guul darradii sanadkii hore waxaanu kabaranay wax badan oo dabcan Kalsoonidu ka mid tahay, iyo xisbiga qaab dhismeedkiisii oo aanu dib u habanyn ku samaynay, taasina waxay sababtay in xisbigu noqdo ka ugu shacbiyada iyo taageerada badan dalka”. Mar la weydiiyey isbahaysigii uu xisbiga WADDANI dhawaan la saxeexday urur siyaasadeedka KAAH iyo ujeedada uu daarnaa waxaa uu Cabdiraxmaan Cirro ku sababeeyey “ markii ay xukuumaddu diiday doorashooyinka, dadku intii isbedelka doonaysay way is bahaysatay, taasna xukuumadda ayaa ku kelliftay waayo sharcigiina way diiday, doorashadiina way diiday, sharcigiina way diiday. Isbahaysigaasna waxaanu heshiis kula galnay in dalka isbedel ka dhaco, maadaama oo urursiyaasadeedka Kaah iyo ururrada kale aanay murshaxa madaxweyne lahayna ay taageeraan murashaxa madaxweynaha ee WADDANI oo aniga ah” ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cirro, waxana uu intaa ku daray mar uu ka jawaabayay suaal laga weydiiyey haddii uu kursiga madaxweynaha ku guulaysto doorka uu ururrada siyaasadda ee ay isbahaysiga la yeesheen ku yeelan doonaan xukuumadiisa, gaar ahaanna ururka KAAH waxaa uu yidhi Mr., Cirro “Isbahaysigu wixii ay xukuumadda WADDANI ka noqonaynaan qoddob baa ku jira heshiiska ah in wax laga siiyo (Magacaabista) xubnaha xukuumadda”. Geesta kale mar murashaxa WADDANI wax laga weydiiyey Mawqifkiisa ku wajahan heshiiskii ay xukuumadda KULMIYE markii uu hoggaaminayay Axmed Siilaanyo la gashay shirkada dekeddaha adduunka ee DP World, kaasi oo ay kula wareegtay gacan ku haynta iyo maamulka dekedda Berbera, heshiiskaas oo doorkii uu guddoomiyaha golaha Wakiillada ahaa, sidoo kalena murshaxa Xisbiga WADDANI uu kasoo horjeestay, bal in ay aragtidiisii hore wax iska bedeleen iyo in kale iyo waxa uu haatan ka qabo heshiiskaa waxaa uu Cabdiraxmaan oo Afirka ka mid ah oo aad inoo danayn jiray sida koonfur afrika oo aan is leeyahay xukuumadda KULMIYe albaabada ayay u soo xidhay”. “Dawladaha waaweyn waxaa kamid ahaa Ingiriiska oo ay ka jiraan qolo laba gole ee dalkaas kamid ahaa oo Somaliland u ololayn jiray kuwaas oo aan imika Somaliland aan u ololeyn, sababtaasna waxaan is leeyahay waxa leh maamulkeennii somaliland ee inna maamulayay”. Intii waraysiga Cirro uu siiyey BBCda, waxaa kamid ahaa waxyaabaha wax laga weydiiyey ama la odhan karo waxa uu ahaa qoddobka ugu muhiimsan ee dhegta loo taagayay heshiiskii is afgarad ee bilowgii sanandkan uu madaxweynaha Somaliland Md, Muuse Biixi magaallada Addis ababa kula saxeexday raysal wasaraaha dalkaas Abby Ahmed, heshiiskaas oo aan weli sharci noqon ee is afgarad ahaa waxaa uu Cirro isaga oo ka hadlaya mawqifkooda yidhi “heshiiskaas is afgarad 1dii January ayaa la saxeexay, WADDANIna mawqifkiisii waxaa uu soo saaray bisha labadeedii, guud ahaanna waxaanu tilmaanay in Somaliland danaheeda wixii sookordha aanu waafaqsannahay, sidaanu hore u sheegnayna xukuumaddu heshiis way geli kartaa laakiin xeerka iyo shuruucdu waxa ay tilmaamayaan in wixii ay gasho la hor keeno baarlamaanka. Madaxweyne Muuse waxaa uu sheegay markii uu heshiiska saxeexay in bil gudaheed uu heshiiskaas ku hor keeni doono golaha baarlamaanka, taasina may dhicin oo waxa aynu hadda maraynaa in bishii tobnaad dhammaatay, muddo toban bilood ah ayaa ka dembeeyey sida laga warqabana lama hor keenin baarlamaanka shacibiga looma soo bandhigin”. Sidaas ayuu yidhi, waxana uu intaa kuladhay isaga oo ka jawaabaya in haddii uu madaxweynenimada ku guulaysto uu sii wadayo iyo in kale “horta heshiiska maanu arag laakiin markaanu aragno waxaanu doonaynaa in uu dariiq sharci ah maro, annagunasi guud wixii Somaliland u soo kordha waanu sii wadaynaa wixii u baahan in xukuumaddu kala hadasho dawladaha ay khusaysana waanu kala hadlaynaa”