Cabdiraxmaan Cirro Oo Ka Hadlay Khilaaf La Sheegay Inuu Soo Kala Dhex Galay Isaga Iyo Guddoomiye Ku Xigeenkiisa Xisbiga Waddani

0
553

waddaniHargeysa (Geeska)-Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdiriaxmaan Cirro), isla markaana ah Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ayaa ka ka hadlay xifiltan la sheegay inuu soo kala dhex galay isaga  iyo Guddoomiye ku xigeenkiisa Axmed Muumin Seed oo la sheegay inuu ka ololaynay, doonayana in aanu ka dhigan Musharaxa Madaxweyne ku xigeen, waxaanu xusay aanu jirin wax khilaaf ah oo ka dhexeeya labadooda.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdiriaxmaan Cirro),oo Shalay warbaahinta ugu waramaya Xarunta Golaha Wakiilada, ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay kulamo la sheegay inuu la yeeshay isbahaysiga Kulmiye ka cadhooday, waxaanu xusay inay ilaa hadda ay xubnahaasi yihiin Kulmiye, balse haddii ay isku dayaan inay ku soo biiraan Waddani inay wada hadli doonaan.

Cabdiriaxmaan Cirro  oo warbaahintu waxa ka weydiinay inuu kulamo la yeeshay isbahaysiga Kulmiye ayaa ku jawaabay sidan "Kulamada cid kasta waa lala yeelan  karaa, laakiin Nimankaasi isbahaysi kulmiye ah ayey wali yihiin, marka ay u soo diyaargaroobaan inay Waddani noqdaan waanu wada hadli doonaa".

Cabdiriaxmaan Cirro ayaa mar wax laga weydiiyey inuu jiro khilaaf ka dhexeeya isaga iyo Guddoomiye ku xigeenkiisa Axmed Muumin Seed, ayaa ku jawaabay "Axmed waa aasaasayaashii waana saaxibkay wax xifiiltan ah oo naga dhexeeyana ma jiraan".

Cabdiraxmaan Cirro ayaa mar wax laga weydiiyey goorta la qabanayo Shirka Golaha Dhexe ee Xisbigiisa ayaa ku jawaabay "Iska suga dhawaan uu iman doonaa haddii ILLAAHAY ka dhigo"

dhinaca kale mar wax laga weydiinay inuu Musharaxa Madaxweyne ku xigeen ee Xisbigiisa uu la doonayo Wasiirka Caafimaadka Saleebaan Xaglootiye ayaa beeniyey, waxaanu hadalkiisi ku soo koobay  "wararkaas waxba kama jiraan"