Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyayaasha xisbiyada mucaaradka ee Waddani iyo UCID Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo Md. Faysal Cali Waraabe, ayaa ka hadlay xidhitaanka xafiiska Midowga Yurub ee Hargeysa oo la xidhayo, lagagana tagayo laba qof oo qaban doona waxyaabaha deg dega ah. Sidoo kale wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Md. Maxamed Biixi Yoonis ayaa isna arrintan ka hadlay, isagoo sheegay in Midowga Yurub uu hoos u dhigayo xafiiskooda Hargeysa.
Wargeyska Geeska Afrika, ayaa cadadkiisii shalay wuxuu baahiyay xoggo uu helay oo sheegaya in Midowga Yurub go’aamiyay in la xidho xafiiskooda Hargeysa, lana fasaxo guriga ay ku jiraan iyo shaqaalaha marka laga reebo laba qof oo qaabilsanaan doona arrimaha deg dega ah ee soo kordha.
Haddaba, labada hoggaamie mucaarad ayaa Midowga Yurub ugu baaqay inaanay xidhin xafiiska Hargeysa, iyagoo xukuumadda ku canaantay inay leedahay sababta xidhitaanka xafiiska Midowga Yurub ee Hargeysa.
Cabdiraxmaan-Cirro
Hoggaamiyaha xisbiga Waddani Md. Cabdiraxmaan-Cirro oo si gaar ah saxaafadda ula hadlay ayaa yidhi “Waxaad moodaa xukuumadda Somaliland xilkii umadda ka saarnaa inay gabtay, waxay ku mashquushay inay dadka Waddani ka saarto laakiin maanta waxaad arkaysaan in beeshii caalamku ka baxayso wadankii markaas indhaheeda inay halkan ku soo jeediso ayaa looga baahanyahay.” Ayuu yidhi Cirro, isagoo intaas raaciyay “Maanta oo ay Somaliland amni tahay 100% waxa keenay macaamiil xumada iyo diblomaasiyadda xukuumadda maanta. Tani waa bilow, waxaana laga yaabaa inay xafiisyo kale ku xigaan, waxaanay taasi hoos u dhigaysaa meeqaamkii ay Somaliland caalamka ku lahayd. Diblomaasiyada macaamilkoodu wakiilo ayay ka bilaambaan, qunsuliyad; safaarado ayaa jira, imika kani wuxuu ahaa wakiil waxaanu doonaynaynaa inuu xafiisku dalaco oo uu noqdo safaarado laakiin imika xafiiskii waa la xidhayaa, waxaana laga yaabaa in qof iyo laba laga reebo oo xafiis kale la hoos geeyo, waxaanay ila tahay waxay saluugeen xukuumadda Somaliland dhaqankeeda iyo macaamilkeeda. Waxaanu ka codsanaynaa beesha caalamka gaar ahaan EU inay kala reebaan dhaqanka xukuumadda ay saluugeen iyo shacabka reer Somaliland, waxaanu jecelnahay in xafiiska meeqaamkiisii aan wax laga bedelin, waxay saluugeen waxa ka mid ah xorriyatal qawlka, xuquuqal insaanka iyo dib u dhaca doorashooyinka.”
Wuxuu Cabdiraxmaan-Cirro xukuumadda ugu baaqay inay shacabka la hadasho oo ay mawqif cad ka qaadato xidhitaanka xafiiska Midowga Yurub ee Hargeysa.
Faysal Cali Waraabe
Md. Faysal Cali Waraabe guddoomiyaha xisbiga UCID, oo isaguna saxaafadda si gaar ah ula hadlay ayaa yidhi “Haddaan ka soo baxay wakiilka EU ee Somaliland jooga, arrintaas oo Nayroobi la iiga soo sheegay ayaan kala hadlayay, arrintaasi way jirtaa, warbixinta waa la ina siiyay in xafiiska hoos loo dhigay, waxaanay arrintu daba socotaa murankan siyaasadeed iyo doorashadan la laalay iyo heshiiskii hirgeli waayay, arrintani waana ta’ u horaysa waxa jira tallaabooyin kale oo ay beesha caalamku qaadayso. Waxaan shacabka u sheegayaa khasaarihii u horeeyay ee ay guurtidu ina gaadhsiisay ee ay ku laashay go’aankii komishanka iyo heshiiskii xisbiyada waa taas maanta inoo bilaabantay ee xafiiskii ugu weynaa ee Midowga Yurub la xidhayo.”
Wuxuu Faysal Cali Waraabe, xukuumada u soo jeediyay in arrimaha dibadda loo daba fadhiisto wasiirka arrimaha dibadda Maxamed Biixi Yoonis, isagoo sheegay inuu shakhsi ahaan ka hawlgeli doono sidii Midowga Yurub loogu qancin lahaa inaan la xidhin xafiiskooda Hargeysa.
Faysal wuxuu ugu baaqay xubno ka tirsan xukuumadda inay joojiyaan hanjabaado uu sheegay inay u jeediyaan dad madax ka ah hay’adaha caalamiga ah ee wadanka jooga.
Wasiir Biixi
Wasiirka khaarajiga Md. Maxamed Biixi Yoonis, oo isna ay saxaafadu waraysatay ayaa yidhi “Xafiiska Midowga Yurub waa xafiis cilaaqaad badani naga dhexeeyo oo aanu wadashaqayn wanaagsan leenahay in badana dalka ka jiray, wali warqad rasmiya nama soo gaadhin laakiin waxaanu ognahay in xafiiskaasi dhimayo shaqaalaha iyo kharaashaad xafiiska Somaliland meel kalena u guurayo, si ay kharashkooda iyo lacagtooda u yareeyaan. Qadiyadu waxay ku salaysan tahay in ay iyagu yareeyaan kharashaadkooda Somaliland oo kaliyana maaha ee waxay shaqo dhimista ka wadaan xafiisyo badan oo dunida ku yaala”.
Wasiirka oo ka hadlaya sida ay mucaaradku arrintan uga hadleen wuxuu yidhi “Mucaaridku xaqbay u leeyihiin inay siday doonaan wax u fasirtaan, Haseyeeshee xaqiiqadu waxaa weeyi inaanay midowga yurub ku sababaynayaan bixitaankooda kharashaadka inagoo kaliyana maaha ee wadamo kale ayaa inala qaba.”