Cabdiqaadir Jirde Oo Geeska Afrika Uga Waramay Sababta Uu Uga Baaqday Shirka Golaha Dhexe Ee Xisbiga Waddani

0
880

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha ku-meelgaadka ah ee xisbiga mucaaradka ah ee Waddani xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde, ayaa Geeska Afrika uga waramay sababta uu uga baaqday shirka golaha dhexe ee xisbiga Waddani oo shalay ka furmay magaalada Burco.

Xildhibaan Jirde oo ku sugan magaalada Liverpool ee dalka UK, waxa uu maqnaanshihiisa shalay abuuray su’aalo badan oo la iska weydiiyay sababta keentay inuu ka baaqdo ka qaybgalka shirkan, balse wuxuu xildhibaan Jirde Geeska Afrika oo uu u waramay u sheegay inuu ku maqanyahay hawlo isaga u gaar ah, laakiin aanay jirin sabab kale oo siyaasadeed oo uu shirka uga baaqday, waxaanu intaas ku daray inuu isagu lahaa hawsha qaban qaabada shirka, isagoo magacaabay guddiga qaban qaabada shirkan. Xildhibaan Jirde wuxuu hadalkiisa ku bilaabay “Qaban qaabada Shirka aniga ayaa waday intii Cabdiraxmaan maqnaa ee uu shirku soo jiitamaayay,markii danbena gudi qaban qaabo ayaanu saarnay, aniga waxba markaas iguma baaqan. Waxa ii soo dhacday balan aan sugayay sanad iyo dheeraad, hawshaas ayaan u soo baxay oo ii dhammaan wayday. Marka ay ii dhammaatana si deg deg ah ayaan u imanayaa oo hawlahayga u bilaabayaa una gudanayaa shaqadayda.”

Jirde, oo hadalkiisa sii wataa wuxuu yidhi “Waan bogaadinayaa shirka xisbiga waanan ka xumahay inaan ka maqnaado; inaan kaalintayda ku yeesho oo aan dhamaystirto hawshayda waan jeclaa laakiin rag ku filan waa ay joogaan, si wanaagsana waa loo qaban qaabiyay,waana la maqnaan karaa oo ragu meesha kuma wada dhamaanayo markay maqnaayeenba aniga ayaa hawsha sii hayay mar uu Cabdiraxmaan Maqnaa iyo mar Xirsi maqnaaba oo sanadkaas inta badan aniga ayaa hawsha xoogeeda waday. Markaas rag ku filan oo mudakar ah way joogaan xisbiguna nin kaliyaata maaha waa xisbi intaas ka balaadhan, waxii hawl igu soo hagaagana imika waan qabanayaa oo insha allaah hawshu markay I idhammaato sida ugu dhakhsaha badan waan u soo baxayaa.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here