Cabdillaahi-Jawaan Oo Baaq U Diray Madaxweyne Siilanyo Iyo Gudoomiye-Cirro

0
665

Picture5Hargeysa(Geeska)-Siyaasiga Cabdillaahi Cabdi Xaaji Cumar (Cabdillaahi-Jawaan) ayaa ugu baaqay Madaxweyne Siilaanyo iyo guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro,  inay khilaafkooda u xaliyaan si ay danta guud ee wadanku ku jirto islamarkaana ay yeeshaan kulan deg deg ah.

Cabdillaahi-Jawaan oo ahaa guddoomiye xigeenkii guddigii u horaysay ee doorashooyinka qaranka, marna ka noqday guddoomiye, wuxuu labadan masuul ugu baaqay inaanay danta qaranku dhexdooda ku lumin. “Waxaan jecelahay inaan wax ka idhaahdo  arrinta baarlamaanka ka dhex jirta iyo tabashada uu guddoomiyaha Baarlamaanku muujiyay inay dawladu farogelin ku hayso. Khilaafka siyaasiga ahi dal iyo dad midna uma wanaagsana, nidaamkeena dawliga ah waxaynu halkaas ku soo gaadhnay isu tanaasul, wada tashi iyo in la wada hadlo si danta guud loo laaliyo.” Ayuu yidhi Cabdillaahi-Jawaan, waxaanu isagoo si toos ah ula hadlaya Madaxweyne Siilaanyo iyo Guddoomiye Cirro, uu yidhi “Madaxweyne Siilaanyo iyo guddoomiye Cirro  laba masuul ayaad tihiin oo qaran, arrinta salka u dhiga, labadiinu ka wada hadla. Sidaad isku qabateen guddoomiyuhu wuu muujiyay, laakiin madaxweynaha weli wax war ah kama hayo, balse waxa wanaagu ku jiraa in khilaaf kasta oo yimaada lagu dhammeeyo si ay danta guud ee qaranku ku jirto. Waxaan idiinku baaqayaa inaad  labadiinu [Siilaanyo iyo Cirro] si deg deg ah isu aragtaan oo si odaytinimo ku jirto u xalisaan arrimaha khilaafka keenay, qarankana khilaafka iyo muranku uma wanaagsana oo waxay keenaan in danta guud laga mashquulo.”

Ugu dambayn wuxuu Cabdillaahi yidhi, “Baarlamaanku inuu isku bedleo guddiyadiisa xaq ayuu u leeyahay laakiin haddii khilaaf yimaado waxaan leeyahay waar taloow colka jooja oo khilaafka iyo middi middi ku taag qaranku ma qaadi karo ee halaga daayo. Waxaan ku soo gunaanadayaa Labadiina oday is arka oo arinta rog roga, oo khilaafka taagan ku dhammeeya wada hadal iyo wanaag.”