Cabdillaahi-Cirro Oo Madaxweyne Siilaanyo, Wasiir Sacad Iyo Marwo Edna Ku Bogaadiyay Jawaabaha Ay Ka Bixiyeen War-murtiyeedkii IGAD

0
552

Hargeysa(Geeska)-Wasiirkii arrimaha gudaha ee xukuumadii Madaxweyne Rayaale Md. Cabdillaahi Ismaaciil Cali (Cirro), ayaa Madaxweyne Siilaanyo, Dr. Sacad Cali Shire iyo Marwo Edna Aden ku bogaadiyay jawaabaha ay ka bixiyeen war-murtiyeedkii IGAD soo saartay.

1

Md. Cabdillaahi-cirro oo ah siyaasi aan lagu arag saaxadda warbaahinta, ayaa wuxuu sheegay inuu la dhacay hadalada jawaabta ahaa, “Waxaan doonayaa inaan madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, Wasiir Sacad Cali Shire iyo Marwo Edna Aden ku bogaadiyo jawaabaha ay ka bixiyeen warkii IGAD ee ku saabsanaa midnimada. Waxaan leeyahay jawaabo wanaagsan oo waafiya oo bulshada wadaniyiinta ahi ku farxeen ayaad ka bixiseen. Waxaad cadayseen qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland iyo sida shicib iyo dawladba diyaar loogu yahay ilaalinteeda iyo difaaceeda.” ayuu yidhi Cirro.

Cabdillaahi oo caan ku ah af-gaabni iyo inaanu warbaahinta la hadal ayaa yidhi, “Anigu warbaahinta kuma badni, laakiin hadda waxa I soo jiitay dareen wadaniyadeed, waxaanan shacabka Somaliland leeyahay dawladiina garab taagnaada oo wixii wanaagsan ku taageera.”