Cabdillaahi Cadmaawi Oo Bogaadiyay Guddiga Wadada Baligubadle iyo Hargeysa

0
652

cadmaawiHargeysa(Geeska):-Md:Cabdilaahi Ibraahim Cilmi(Cadmaawi) oo ah siyaasi dhalinyaro ah ayaa si wayn u bogaadiyey gudida dhismaha wada isku xidha Hargeysa illaa Bali-gubadle oo uu ku tilmaamay in ay si hagar la’aan ah ay u qabteen hawlaha dhismaha wada Bali-gubadle ee ay gacanta ku hayaan.waxaana uu sida oo kale uu ku amaanay qaabkii ay marti qaadka ugu sameeyeen madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland Md:Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ee uu ku tagay magaalada Bali-gubadle.

Md:Cabdilaahi Ibraahim Cilmi(Cadmaawi) ayaa hadalkan ka sheegay shir-jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Hargeysa."Waxaan hambalyo aan u diraya gudida horu-marinta wadada bali gubadle,nimankaas oo waajibkii iyo masuuliyadii saarnayd ka soo baxay iyo marti qaadkii sharafta lahaa ee ay madaxweynaha u sameeyeen,taas oo ahayd waajib iyaga saaran in ay tahay aanu anagu u aragnay,oo ay ka soo baxeen,waxaan kale oo aan tilmaamaya in ay wadadani ay tahay wado horumarineed,oo ay leedahay gobalka hawd,oo dadka horumarinta u qaabilsan haddii ay yihiin gudidada horumarinta wadada iyo haday yihiin dadka aqoon yahanada,siyaasiyiinta,a u furan tahay cid walba,oo ka soo jeeda jamhuriyada Somaliland haday wax ku darsanayaan haday tahay xukuumada maanta oo saamigii wadada ee horumarinta laga sugaayo,iyo haday yihiin xisbiyada mucaaradka ah iyo dad kale ee ganacsatada ahba,maha aha mid siyaasi ah.Xaga xukuumadana waxaan filaynaa in ay waajibaadkooda ay iyaguna ka soo bixi doonaan oo ay xaga horumarinta ku darsan doonaan"Ayuu yidhi Cabdilaahi Cadmaawi.

Md:Cabdilaahi Cadmaawi oo sida oo kale hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu ka hadlay khilaafka muddoomiyinkii danbe ka taagnaa aqalka golaha wakiilada Somaliland.

"Arrinta baarlamaanku waa arrin bulshada Somaliland oo dhanba saamaysay,waxaan jecel nahay in arritaas oo ay guurtidu gacanta ku hayso in ay si nabad galyo ah oo xala ay ku dhamayso,in baarlamaankuna uu isna waajibaadkiisa uu garto,oo ah waxii masuuliyad ah oo ay kow ka tahay komishanka qaranku in ay siiyaan,oo ay dalka gaadhsiiyaan doorasho,waxii khilaafaad ahna uu ku dhamaysto gudihiisa"Ayuu yidhi Cadmaawi.

Ugu danbayntiina Md:Cadmaawi waxaa uu sida oo kale ka hadlay murashaxnimada xisbiga KULMIYE ee muddooyinkii danbe khilaafka ku ka taagna."KULMIYE waa xisbi balaadhan oo xukuumi ah,waxaana maanta la gudboon in madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland oo murashax ka ah Xisbigaas,in si dhakhso ah loo qabto,ee golahii dhaxe ee xisbiga,si halkaas loogu soo bandhiga murashaxa madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka,si sharciyana-na loo gudbiyo"Ayuu yidhi Siyaasi Cabdilaahi Cadmaawi.