Cabdilaahi Daamur Dhaliilay Hoggaaminta Guddoomiyaha WADDANI, Rejo-xumana Ka Muujiyey Inuu Shirweynaha Xisbigu Qabsoomo

0
754

Hargeysa (Geeska)- Siyaasi Cabdilaahi Axmed Maxamed (Daamur) ayaa dhaliilo culus u soo jeediyey Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro, waxaanu sheegay in aan hoggaaminta dalka iyo dadkaba lagu aamini karin, isagoo xusay in hoggaamintiisu jilicsan tahay.

Siyaasi Cabdilaahi Axmed Maxamed (Daamur) ayaa sidoo kale sheegay in Shirweynaha Xisbiga Waddani aanu qabsoomaynin, haddii uu qabsoomana uu juujuub ku qabsoomayo, isagoo tilmaamay in Xisbiga dhexdiisa aanu ka jirin nidaam iyo kala dambayn, waxaanu ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Shirweynaha Xisbigu waa markii shanaad ee uu dib u dhaco, haddana waxaan filayaa inuu dib u dhacayo, waa shimbarayahoow heesa, sababtoo ah markii hore ayaa si khaldan wax la isku dulsaaray, hoggaanka imika jiraa waa hoggaankii la doortay 2012-kii, kii sharciga ahaa waxaa ka jooga saddex, xubnihii kale ee lala doortay daaqadda ayaa laga wada saaray, sifo sharci daro ah walibana, imika in hoggaan cusub la doortaa waa qasab, waxaase ka horeeysa Xisbigii oo toban jeer la iibiyey oo mar walba la yidhi cid baa la siinayaa, oo haddana meel kale u raran oo aanu ognahay, jihadii mooye jiho kale ayuu u raray, jihadaas kale ee uu u raray way soo bixi doontaabe, iyada rarnaantaas uu keenayo ama dib ay wax u dhacaan ama meeshaba lagu kala yaaco, haddii ay wax qabsoomaana juujuub ayey ku qabsoomayaan iyo shimbarayahoow heesa ama waxay noqonaqysaa in meesha lagu kala yaaco”.

Mar uu ka hadlaayey Guddoomiyinimada Xisbiga Waddani wuxuu yidhi “Waxaa jira Guddooomiyinimada Xisbiga oo dhawr jeer la bixiyey, markii hore waxaa la siiyey Ibraahim Dubad, markii dambe Jirde ayaa la siiyey, haddana waxay maraysaa magac kale oo gudaha ku jira, wuu soo bixi doonaaye, haddana Nairobi ayuu shirar ka dhacay, oo qolo dibed wareega ah ayaa wada hadal lala furay,intaas oo qolo oo is daba jooga ayaa meeshii taalla, dadkoodii iyo reerahoodii iyo deegaanada ay ka soo jeedeen Madaxdadaasi dhammaan balan baa loo qaaday waa lala hadlay, way ku dagaal galeen, way ku qorshe galeen,  haddana waxoodii waa hal bacaad lagu lisay, hore ayey u dhacday, hadda ayey dhacday, way dhici doontaa, sababtu waa hoggaamintu arintu kama soo hadho, go’aanka kama soo hadho, inaad yeelato shan xubnood ama lix xubnood oo hoggaan ah, inaad yeelato soddon ama afartan fulin ah, inaad yeelato laba boqol ama saddex boqol oo Gole dhexe ah, oo la garanayo oo hebelo leh, waxaas ayaa Xisbi la yidhaahda, haddii hoggaanka la garan waayo, oo fulintaada la garan waayo oo Golahaaga dhexe la garan waayo, oo siday dadku iskugu xigaan la garan waayo, oo nin walba awood yar xagga hoose ugu laaban tahay, oo nin walba nin iska eegayo, mushaakil bay noqonaysaa, ninka noocaas ah haddii aad tidhaahdo dal dhan qabo maxaad ugu hunguroonaysaa Xisbi qudha ayaad kala hagaajin wayday, xafiiskaaga hagaaji, oo sida loo kala horeeyo iyo sida uu kala yahay ninka alifka khaldaa albaqra muu saxaa ma sixi karo, Xafiiskan lagu dholalaayo ee uu u socdaa shaqo adag baa taalla, waxaa taala inaad cashuurta gurto, nin isaga in cashuur laga qaado mooye aan guran karin oo aan awooddaas lahayn uu cashuur ku gurto, markaas inaynu dalka qaribno maaha”

Mar uu ka hadlayey hoggaaminta Cabdiraxmaan-Cirro ayuu siduu u arko wuxuu yidhi “Ninkaas wax hogaaminayaa nin gool dhaliye ah maaha, dhalin kari maayana, haddii Kursiga halkaas loo dhigana waxaan aaminsan nahay in aanu ku fadhiisan karayn, dadku sawir iyo xaflad bay iska daawadaane isma garanayaan,khasaare ayey umadda ku tahay, dadka ku tahay, umaddana ordaysa ku tahay, dadkan daba jooga ku tahay, hadhawna amnigeena wada jirkeena iyo is jeclaanteena ayey ku soo noqonayana waxani Somalidu waxay tidhaahda intaad fogtahay ayaa la faytaaye dhibaato inagu soo noqon doonto inaynu imika isku sheegno weeye”.

Geeska.net/Hargeisa Office