Caawa Iyo 20 Guurada Ka Soo Wareegtay Xasuuqii Jasiira

0
852

Picture3Hargeysa(Geeska)-Caawa oo ay taariikhdu tahay 17 Julay 2014, waxa ay ku beegantahay sannad guuradii 25aad ee ka soo wareegtay xasuuqii xeebta Jasiira ee 17 Julay 1989, oo ay dawladii Maxamed Siyaad Barre dhegta dhiiga u dartay 47 qof oo reer Somaliland ah oo xilligaas ku noolaa magaalada Muqdisho.

47-kaas qof oo aan waxba galabsan, waxa dawladii Maxamed Siyaad Barre ku ururisay halka loo yaqaan Xeebta Jasiira ee duleedka Muqdisho, oo lagu khaarajiyay 46 qof oo dadkaas ka mid ahaa. Mid ka mid ahaa dadkaas oo ay ciidamadii arxanka darnaa ee xasuuqa sameeyay u haysteen inuu geeriyooday ayaa ka badbaaday. Dadkaas sababta lagu laayay waxay ahayd oo keliya qabiilka ay dhalasho ahaan ka soo jeedeen ee Isaaq.

Haddaba, waxa habeenkaas Magaalada Muqdisho ku sugnaa Dr. Maxamed-Rashiid Sheekh Xasan oo xiligaas ahaa Suxufi ka tirsan laanta afka Somaliga ee BBC-da, haddana ah wasiirul dawlaha arrimaha dibadda Somaliland. Dr. Maxamed-Rashiid waxa uu wakhtigas Muqdisho u tagay inuu kaga qayb galo shir caalami ah oo halkaas ka socday iyo inuu ka soo tabiyo wixii warar ah ee ku saabsan xaaladii Somaliya ee cakirnayd.

Dr. Maxamed-Rashiid, waxa uu markii xasuuqu dhacay ka dib magaalada Muqdisho kaga baxay si qarsoodi ah, maadaama ciidamadii ammaanka ee Siyaad Barre raadinayeen, iyada oo lagu eedaynayay inuu ka soo horjeedo rajiimkaas, waxaanu magaalada ka baxay subaxnimadii ku xigtay habeenkii xasuuqu dhacay.

Haddaba, wargeyska Geeska Afrika, wuxuu sanand kasta marka ay taariikhdu wakhtigan oo kale gaadho akhristayaashiisa u soo bandhigaa waraysi aanu sannadkii 2007 xasuuqan foosha iyo xogtii uu ka hayay kala yeelanay Dr. Maxamed Rashid, waxaanan cadadkan maanta akhristayaasha ugu soo gudbinaynaa xog warankii Maxamed-Rashiid Sheekh Xasan. Ugu horayn waxa uu Geeska Afrika Dr. Maxamed-Rashiid Sheekh Xasan weydiiyay suaal ahayd.

Xog waran naga sii Xasuuqaas Xeebta Jasiira, adiga oo xilligaas ahaa Suxufi ka tirsan BBC-da oo Muqdisho ku sugnaa?, waxaanu ku jawaabay “Horta inaynu maalintaas xasuusano oo xusnaa waxay inaga mudantahay qadarin, waayo dad badan oo dhallinyaro ah ayaan la socon taariikhdaas. Xasuuqaasi waxa uu ku yimid arrimo badan oo ka horeeyay. Waxa jiray laba arrimood oo kala ah Dawladii Siyaad Barre oo markaas doonaysay inay xukunka sii hayso iyo dadkii doonayay inay ridaan oo ay hormood ka ahayd Jabhadii SNM. Siyaad Barre waxa uu isticmaalayay hababka kelitaliyayaasha sida inaan la iska warqabin. Markaas anigu habeenkaas oo ahayd 14 July 1989, waxaan joogay Muqdisho. Waxay ahayd markii ugu horaysay ee nidaamkii Maxamed Siyaad Barre Muqdisho lagaga kaco ee Mudaharaad lagu soo qaado. Waxa uu Mudaharaadkaasi socday toddobaad, waxaanu ka soo kacay markii ugu horaysay dhinaca Masaajidada, waayo kelitalisnimadiisii waxay taabatay Diinta, Sidaas darteed ayay Ehlu diinku si gaar ah uga damqanayeen. Markii dadkii kaceen, waxa uu kala hortagay quwad, waxaanu adeegsaday koofiyad casta oo isaga (Siyaad) si gaar ah uga amar qaadanayay.
Markii mudaharaadkaasi dhacay, waxa ay dawladii Siyaad Barre mudaharaadkaas saldhiga uga dhigtay dagaalkii ka socday Somaliland ee SNM hoggaaminaysay. Markii uu arkay in dagaalkii lagaga guulaystay ayuu isticmaalay inuu dadkaas si gaar ah ula soo baxo oo uu cabudhiyo, waxaanu si gaar ah yoolka u saaray dadka ka soo jeeda Somaliland weliba kuwa Isaaqa ah. Waxa la raadsaday guryahoodii, dabadeedna waxa la yidhi dhallinyarada da’daas ah ee aad guryahaas ku aragtaan soo ururiya, dabadeedna habeen madow ayaa gawaadhi lagu qaaday, halkaas ayaana lagu xasuuqay. Eebe amarkiisa qof ay aaseen oo ay u haysteen inuu dhintay ayaa xasuuqaas ka soo badbaaday oo umadii soo gaadhsiiyay wixii dhacay.

Anigu markaas waxaan ka tirsanaa BBC-da waxaanan Muqdisho ka dirayay warbixino, oo waxaan Muqdisho kaga qayb galay shir caalami ah oo ka dhacay. Dawladda Maxamed Siyaad Barre aniga xilligaas way I raadinaysay, waayo waxa ay xog ku haysay inaan ka mid ahay dadka ka soo horjeeda. Nin aanu saaxiib nahay ayaa habeenkii xasuuqu dhacay Telefoon ii soo diray waxaanu igu yidhi “Laba arrimood ayaan kuu sheegayaa, midi waxa weeye in dawladu adiga (Dr. Maxamed-rashiid) ku raadinayso ee haddii aad ka bixi karayso si dhaqso ah uga bax magaalada. Midda labaadna waxa weeye waxa la xasuuqay dad reer Somaliland ah. Markaas warkaas ayaa jira ee raadso.”

Warkii ayaan xaqiiqadisii raadiyay, markii aan helayna waxay ila noqotay inaanan warka warqad ku qorin, sababtoo ah maadaama dawladu I raadinayso waxaan is idhi haddii aad warqad iyo qallin ku qorto arrintu way ka sii darnaanaysaa, markaas warkii maskaxda ayaan ku qabsaday, diyaaradiina waxa ii soo diyaariyay dad aanu asxaab ahayn, waxaanan magaaladii ka baxay markii dadkaas reer Somaliland xalay oo kale la dilay. Diyaaradii u horaysay ayaan ka raacay Muqdisho, Frankfort (Jarmalka) ayaan BBC-da kala hadlay, waxaana la igu yidhi “Warkaas (Xasuuqa) waa la raadinayaa ee diyaaradda ugu soo horaysay ka soo raac Frankfort, waxaana Madaarka London ee Heathrow kugu sugaya gaadhi BBC-du leedahay, sidaad u soo socotana waxaad imanaysaa xarunta BBC-da ee Bush House.”

Sidaad la socoto, reer galbeedka oo Maraykanku ugu horeeyay waxa ay la socdeen Siyaad Barre, waayo waa kuwii yidhi Ruushka ka saar Somaliya ee uu isna ka saaray, haddana ururada xuquuqal insaanka iyo diblomaasiyiinta dunidu waxay ogaayeen inuu Siyaad gacmaha dhiig kula jiro, waxase la raadinayay wax xaqiiqo ah, markaas waxa la doonayay wax xaqiiqadaas ka warama. Sidaas darteed ayay BBC-du garatay in warka aan sidaa uu yahay warka dunida ugu mihiimsan ee uu caalamku markaas u baahnaa.

Waxa aan Madaarka ka soo baxay iyada oo gabadhii BBC-da qaybta Somaliga haysatay igu sugayso kadinka madaarka, waxaanay igu tidhi “Waxa warkaaga sugaysa Idaacada oo dhan sida Ingiriisida, Carabiga iyo Sawaxaliga iyo Somaliga, waayo waa war la wada raadinayo.”

Waxaan ku idhi warkii madaxa ayaan ku sidaa waxaanay tidhi “Haye; gal barnaamijka BBC-da ka baxa ee 24 hours.”  Waanan ka waramay warkii, dadka Somalida ahina waxay ogaadeen markii uu warkii ka baxay laanta Afka Somaliga.”

Arrintaasi waxay ahayd arrin taariikhi ah, waxaanu warkaasi keenay inuu Siyaad Barre ka baaqdo shir Midowga Afrika ku lahaa Addis Ababa, waxaana markaas la ogaaday oo ay xiitaa Madaxdii reer Somaliland ee dawlada Siyaad ku jirtay dareentay in aqalkii ku dumayo oo way ka soo baxeen.

Dhacdadaas uu 47-ka qof Siyaad Barre ku dilay ee uu qarin kari waayay, waxaan odhan karaa waxay ahayd waxyaabihii ugu waaweynaa ee dedejiyay inuu meesha ka baxo.”

Maxamed Rashiid oo la weydiiyay su’aal  ahayd Digtoore, markii adiga oo Muqdisho ku sugan aad warkan xasuuqa maqashay ee haddana aad maqashay in adigiina lagu raadinayo maxaad dareentay?, waxa uu yidhi “Markaan runta kuu sheego anigu ismaan lahayn waad ka bixi karaysaa oo diyaaradda waad raaci karaysaa, laakiin dad reer Somaliland ah oo ay ku jireen rag aanu saaxiibo nahay oo uu ka mid ahaa Marxuum Ibrahim, ayaa mahadda ugu weyn iska lahaa. Sidii Muqdisho la iiga soo saari lahaa waxa uu la kaashaday dad kale oo reer Somaliland ah, waxaana lagu guntaday sidii magaalada la iiga saari lahaa.”