Caafimaadka Iyo Cilaajka Iyo Dawo Raadsashada

0
1524

Waxa qoraalkan igu kalifay laba arimood

Wacyigelin Umadda

In aan soo bandhigo waxa aan xaq u arko ee aan ku qanacsanahay  oo dadka aqoonta ii lii ogyihiin waligay halka aan arinkan ka taagnaa

Waxa aan iyana tilmaamayaa inaanan marna u jeedin in aaan cid ku xumeeyo ama si gaar ah ugu maago ogolahayna in fikirka iyo fahamka lagu kala duwanaado.

Hadaba, 

Ma jirtay goobo ama xarumo dadka lagu daweeyo qur’aanku seddexdii qarni ee ugu fadhiga badnaa?

Waa qarnigii taabiciinta iyo qarnigii taabiciinta taabicoontoodii? Mise waa wax cusub oo xaliyadan danbe inagu soo kordhay?

Nabigu(NNKHA) xanuunka ma waxa uu ku dawayn jiray qur’aanka mise waxa uu adeegsan jiray sunaha ilaahay arlada dhigay iyo dhakhaatiirta barigaa jiray itaalkoodu intuu doono ha ahaade eh?

Oo asxaabtiisana ku waanin jiray inay raadsadaan dhakhtarada khibrada leh? Isagu se ma is daweeyay mise qur’aanka oo kaliya ayuu ku ekaaday?

Muxuu islaamku ka qabaa in dhakhtaro loo furto si jinka looga saaro jidhka dadka?

Culimadu ma ku kulan sanyihiin in jinku dadka jidhkiisa galo? Mase jiraa (NAS) cad oo sugan oo mala awaal aan ahayn oo cadaynaya in jinku dadka galo?

(Nasku waa aayada ama xadiis sugan) su’aalahaa mid kastaa waxa ay u baahan tahay in gaar ahaanteeda muxaadaro looga galo, hase ahaatee imika qoraalkan aniga oo umada u naseexaynaya waano iyo wax ku qaadashana u jeeda ayaan waxoogaa ka odhanayaa ilaah dhamaanteen xaqa iyo dawga tooasn ha inagu hagaajiyo eh.

Waxa aan ugu horaynba leeyahay Islaamku waxa uu inoo jideeyay in aynu caafimaadka ilaalino isna dawayno daawayna raadsano jidhka iyo naftana ka ilaalino halaag waxa Ilaah Qur’aanka inagu yidhi, “Hana dilina nafihiina ilaaha waxa uu idiin yahay naxariis badne eh” Al-Nisa 29

“Hana ku tuurina gacmihiina(naftiina) halaag) waxa uu yidhi imaamka Ibnu Xajar daawayntu waa laba nooc, mid jidhka iyo mid qalbiga ah(ta qalbigana) daawaynteedu waa wixii uu inoogu keenay Rasuulkeenu(NNKHA) xaga Ilaahay sareeye.

Waxa uu Imaam Bukhaari ku sheegay saxiixiisa isaga oo ka wariyay Abu-Hurayra(IRHN) in Nabigu yidhi,”Ilaaha sooma dajin cudur haduu soo dajiyayna haduu soo dajiyayna waxa uu soo dajiyay dawadiisii”

Xadiis kale oo uu Wariyay Usaama Bin Shurayk waxa uu yidhi Nabigu “Adoomihii Ilaahayaw is daweeya, maxaa yeelay Ilaah ma keenin xanuun, haduu keenayna waxa uu keenay dawadiisii, xanuun kaliya mooyaane, waa da’da”

Waxa soo saaray Imaam Axmed iyo Bukhaari oo ku sheegay Kitaabkiisa Al-adab Al-mufrad

Inaku muslimiin muuminiina ayaynu nahay, waxaana aynu rumaysanahay in Qur’aanku yahay hanuun iyo shifo(Dawo) sida ilaah Qur’aanka inagu yidhi “waxa dadka ku tidhaa hanuun iyo shifo ayuu u yahay muuminiinta” 44 Fuslat

 

“Waananu ku soo dajinaa Qur’aanka wax shifo iyo naxariis u ah muuminiinta”

Al-Israa 82

Sheekh Yuusuf Al-Qardani oo ah Caalim wayn oo culumada ehlu sunaha ka mid ah ayaa is waydiinaya maxaa shifada halkan ku timid looga jeedaa?

Ma daawaynta xubnaha jidhka ayaa looga jeedaa, oo markaa noqonaysa hadii qofku uu xanuun ka dareemo caloosha, ama isha ama jidhkiisa kale(sida hadii lafi jabto), maxaa la gudboon inuu falo ma waxa uu tagayaa rugta Qur’aanka dadka lagu daweeyo?

Mise waxa uu u tagayaa dhakhtarkii ku takhasusay xubintaa bugta?

Ta aynu ka aragnay dhaqankii Rasuulka iyo hanuunkiisii waxa uu inoo jideeyay in la is daweeyo oo dawo la raadsado Nabiguna (NNKHA) waa uu is daweeyay, asxaabtiisana waxa uu faray in ay dawo raadsadaan waxaaana uu asxaabtiias Qur’aanka ku yidhi, “Ilaah dhammaantood raali haka noqdo eh)

“u taga Al-Xaaris bin Kilda Al-Saqafi”

Kaasi oo ahaa dhakhtar caan ah islaamka xiligiisii iyo ka horaba, oo carabtu taqaanay.

Waxa kale oo aynu ognahay in Islaamku inoo jideeyay dawada ruuxiga ah (nafta) sida in Ilaah la magan galo, la ducaysto, lana akhristo ducooyin ruqya ah, ama adigu iskaa ama cida bugta aad ku akhrido, ducooyin iyo Qur’aan sida ducooyinkan

Suuradaha Ilaah lagu magan galo waxa weeye Suuradaha Al-samad, Al-NAAS, Al-FALAQ

Ducooyinka”

“Ilaahii Aadamahaw, dhibta qaad, caafimaadina, adiga uun baa wax caafimaadiya, shifo aan shifahaaga ahayni ma jirto, shifee shifo aan xanuun ka tagin.

Iyo ducooyin kale oo kutubta ku taal.

Waxa uu leeyahay Sheekhana Dr. Yusuf Al-Qardani “kuma aynu arag asxaabtii qof gurigiisa furay oo yidhi, waxa aan ku takhakhusay Cilaajka Qur’aanka, xataa Nabigii(NINKHA) oo ahaa sayidka cid wax dawaysa, ahaana sayidka dhakhtarada nafta sidaasi ma uu samayn waxase uu jieeyay in sawo la raadsado oo la isku daweeyo waxa kolba dadka khibradoodu gaadhsiiso ee la yaqaan.

Waxyaalahan muuqda maanta ee dadku soo kordhiyeen (Bidcada ah), waa xarumihii Cilaajka

Qur’aanka wax ku dawaynaya, ma aha hanuunkii Islaamka mana aha wax ay faleen asxaabtii mana aha wax ay sameeyeen seddexdii qarni eek u dayashada mudnaa (salafkii) ee waa bidco  dadku casrigan samaysteen, bidco kastaana waa baadi iyo halow naarta dadka ku hagaysa.

Ilaahayna Quraankeena barakaysan umuu soo dajin umuu soo dajin si uu u daweeyo xanuunada xubnaha jidhka inaga soo gaadha e sida la ogahay dadku waxa ay isku daweeyaan kolba khibradii cilmi ee arladan laga helo ee ilaah galiyay Qur’aankuna inoo sheegay inay tahay mid aan is badalayn” halkaa ayuu ku dhamaaday hadalkii Sheekh Qardani

Waxa aynu ognahay maanta heerka ay gaadhay dhakhtarnimadu oo mudo (20) sano ku dhaw tacliin uu baranayo qofku marka uu dugsiga hoose ka soo bilaabo kadibna uu awood u yeelanayo inuu xubin kaliya oo jidhka ka mid ah ku takhakhuso, wixii xubintaa ka baxsana odhanaya dhakhtarkeeda raadso.

Waxa aynu ognahay in jaamacado, dhakhtaro, machadyo cilmiga dhakhtarnimada ku takhakhusay caalamka oo dhan laga furay oo waliba ay jiraan dkhataro cilmi badan oo muslin ah oo lagu kalsoon yahay diintooda iyo iimaankoodaba.

Waxa markaa la gudboon qofka muslinka ah inuu caafimaadka ka raadado goobaha takhakhuska leh ee haboon hana iskaga tago khuraafaadka iyo jinka iyo jaanka waxa uu leeyahay Sheekh Yusuf Al-Qardawi

Waxa uu Qur’aanku inoo sheegay in aadamuhu adeegsaday uu ku shaqaystay jinka.

Waxa aynu ku haynaa axaadiista nabiga in jinku cuno hambada aadamaha, aadamuhu hilibka ayuu cunaa, jinkuna lafaha ayuu feentaa, xoolaha jinkuna waxa ay quudsadanaan saalada xoolaheena.

Side hadaba inaka oo sidaa uuga sarayna uu jinku bani’aadamka u xukumi karnaa, oo u gali karaan oo siday doonaan uuga yeeli karaan oo carabkooda uugu hadli karaan?

Axaadiista dadka qaar daliishadaan in jinku galo jidhka aadamaha, iyo in rasuulku(NINKHA) ka saaray jidhka dadka qaar oo uu yidhi, “Bax cadawgii ilaahayaw” oo ku soo arooray musnadka imam axmad waa xadiis sanadkiisu daciif yahay, sida ay sheegeen culumadii taxqiiqiyay musnadka axmad xadiis sidaa u daciifa ihina ma sugi karo arinkan way nee aynu ka hadlayno.

In la yidhaa xanuunka suuxdintu shaydaanka ayuu ka yimid, ma aha arinkaasi xaga cilmiga dhakhtarnimada mid sugan, sida ay sheegeen dhakhaatiirtu xaga diintana ma aha mid la qaadan karo. Maxaa yeelay caqligal ma aha in nabigu raali ka noqdo in gabadh muslimad ah uu dulmiyo oo ku xadgudbo  jin isaga oo karaya inuu dulmigaa kaga qaado eray kaliya oo ah “Cadawgii Ilaahayaw ka bax” e gabadhaa muslimada ihi waxa ay u sabirtay xanuunkeeda sida muslimiinta kalaba xanuunadooda iyo tabashooyinkooda uugu sabraan.

Xadiiska odhanay shaydaanku aadamaha halka dhiigu maro ayuu ka markaa.”

Macnihiisu ma aha in shaydaanku jidhka aadamaha ku jiro oo halka dhiigu maro, hadalkaa waligii ma odhan qof culumida ihi, lamana hayo qof culuma ah oo xadiiska sidaa u fahmay, maxaa yeelay hadii arinku sidaa yahay bani aadam dhamaantii shaydaan ayaa ku jira oo siduu doona ka yeela.

Sidee ay u dhici kartaa in shaydaan sidaa inooga xoog roonaado oo inoogu jiro isaga oo ilaah Qur’aanka inagu yidhi, “Adoomahayga(Shaydaanaw) awood kuma lihid” Al-Isra 65

“Dagmada(Dhagarta) shaydaanka ku waa mid liidata”

Al-Nisa 76

Waxa aan ku xasilay (oo arkaa) marka la eego arinkan khatara ah (ee aan halkan kaga hadlay), in dadka leh in jin galay ay qabaan xauuno nafsi ah ama xaga dareenka ah sida xanuunka qofka oo isu arka inuu “inuu laba qof yahay” (oo laba codleeya)

Halkaa ayuu ku dhamaaday hadalkii aan ka soo guuriyay Sheekheena way nee Dr. Yusuf Al-Qardawi

Hadaladani waa qaar aan filayo in culumo badani akhriyeen kuwan iyo qaar kale oo badan oo arimaha bulshada la xidhiidha oo dhib badani inaga haystaana ma aha in culumidu hoos u akhrisato oo bulsha waynta ka qariso.

Ugu dambayntii umadaada dhib badan oo haysata ka qaad ayaan is leeyahay ee qof muran iyo dhaleecayn u jeeda ma ihi hadaan hadalka soo ururiyo

Jinku waa makhluuq jira oo Qur’aanku inoo sheegay, waxa uu imam Shaafici yidhaa, “Qofka sheegta inuu jinka arko, marag nooma galayo, hadii aanu nabi ahayn”

Waxa ay culumadu sheegaan inuu goobaha xun-xun galo, sida meelaha qashinka, dadka xun, meelaha nijaasta ah, qof ilaahay ku xidhan oo ilaahay digrigiisa badiya iyo guriga Qur’aanka lagu akhriyo gaar ahaan suurada Al-Baqra jin uma soo dhawaado, khayrka alla ha ina waafajiyo hana inagu sugo

Sheekh Maxamed Xaaji Maxamuud Xirsi