Burco (Geeska)- Waxaa habeenimadii Sabtida ee August 12, 2016 magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer lagu qabtay munaasibad uu suugaantiisa ku soo bandhigaayay Nageeye Cali Khaliif oo ka mid ah suugaanyahanka dalka.
Munaasibadan oo ay soo agaasimeen “Naadiga Akhriska & Qoraalka ee Halkaraan” waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiinta heer gobol, halabuurka, guddoonka saxaafada, maamulka jaamacadaha iyo boqolaal ka mid ah dadweynaha reer Burco.
Waxaa ugu horayn munaasibadaasi ka hadlay masuuliyiinta “Naadiga Akhriska & Qoraalka ee Halkaraan” oo Nageeye ku soo dhaweeyey magaalada Burco. Waxaa iyaguna munaasibadaasi ka hadlay xubno metelaayay qaybaha bulshada gobolka Togheer iyo qaar ka mid ah naadiyada akhriska ee Gabiley iyo Berbera.
Guddoomiye ku xigeenka Ururka Saxafiyiinta SOLJA Kayse Axmed Digaale oo munaasibada hadal ka jeediyay ayaa sheegey in suugaanta Wadaniyada ah ka sokow, Nageeye yahay saxafiga kaliya ee Somaliland jooga ee shahaadada sare ee Master ku sameeyey culuumta saxaafada, waxaanu Digaale tilmaamay in loo baahanyahay in saxaafada gobolka Togdheer iyo tan Somaliland ba ay talaabadaasi ku daydaan.
Dhinaca kale, xubnaha ugu magaca weyn suugaanyahanka magaalada Burco oo xafalada ka hadlay ayaa iska daba maray in Nageeye yahay mid ka mid ah tiirarka waaweyn ee suugaanta Soomaaliyeed ay isku taagi doonto mustaqbalka dhaw, iyagoo tilmaamay in Nageeye iyo suugaantiisu ay aad u kala da’ weynyihiin.
Abwaan Nageeye ayaa munaasibadaasi ku soo bandhigay suugaan u badan Wadaniyada iyo hoggaanka bulshada Soomaaliyeed; waxaanu madashaasi ka akhriyay gabayada: Waan Diiday Reernimo, Dhaygag, Amakaag iyo Qurbe-diid waxaanu mid mid uga sheekeeyey qisooyinkii ay gabayadaasi ku curteen, taas oo si weyn u bedeshay jawigii madashaasi.
Dhinaca kalena, abwaan Nageeye ayaa gabagabadii munaasibadaasi ka akhriyay gabayo jacayl ah oo kaga ilmaysiiyay dhalinyaradii munaasibadaasi soo buuxdhaafiyay.
Ugu dambayntiina, abwaan Nageeye ayay bulshadii munaasibadaasi isugu timid ay halkaasi su’aalo ku waydiiyeen, su’aalahaasi oo uu mid mid uga jawaabay.