Burco: Guddoomiyaha Maxkamadda Gobalka & Ciidanka Qaranka Oo Eedaymo Isweyaarsaday Iyo Hakad Ku Yimid Hawlihii Garsoorka

0
778

Picture5Burco(Geeska)-Maxkamadda Gobalka Togdheer ayaa shalay fowdo noqotay, ka dib markii ay isku dhaceen guddoomiyaha maxkamadda gobalka Togdheer iyo askari ka tirsan ciidamada qaranka oo maxkamadda u tagay dacwad ka dhaxaysa nin shicib ah.

Guddoomiyaha Maxkamadda gobalka togdheer Maxamed Jaamac Cashuur, ayaa saxaafadda u sheegay inuu ninka askariga ciidanka qaranka ka tirsani ula baxay baastoolad akarigii amniga maxkamadda sugayay, taas oo ugu hanjabay, waxase eedayntaas askariga ka difaacay taliyaha ciidamada qaranka ee Togdheer. Guddoomiyaha Maxkamadda gobalka Togdheer, isagoo arrintaas ka hadlayawuxuu yidhi ”Sidaad ogtihiin, anagu waxaanu nahay Garsoor u gar-naqa dadwaynaha dhexdiisa iyo dadwaynaha iyo dawladaba, Garsoorku wuxuu u madaxbanaanyahay awoodiisa garsoor sida sharcigu qorayo ama dastuurku inoo sheegayo, saaka waxa jiray kiis uu dhibane ka yahay ninka la yidhaahdo Maxamed Cali Haaruun, kiiskaas oo ay isku dacwaynayeen, afar askari iyo dad kale oo shicib ah oo hore uga iibiyay isaga, waxaanu kiiskani soo galay Maxkamada 2003 dii oo aanaan anigu Maxkamadan Gudoomiye ka ahayn. dhawr jeerbaa la celceliyay Xukunkii 2003 dii loogu dhawaaqay, Xukunka Maxkamada sarena waxa uu soo baxay 16.3.009 waxaana soo saaray sadex Garsoore oo maxkamada sare ah, aniguna 2011 ayaan ugu imi galkan oo fulin soo dhamaystay, waana laga cashuuray oo tii fulinta ahayd ee ugu danbaysay waxa uu ka bixiyay 10,8650 shillin, kiiska intaas soconayay ee maxkamadu Xukuntay waxa hortaagnaa askarta ciidanka Milatariga ee degan gaaska Gobolka, waxaanu u yeedhnay taliyayaashooda waxaanu isla af-garanay inay iyagoo xidhan maxkamada keenayaan, saaka [shalay] waxa uu noo yimi isagoo ay laba sarkaal la socdaan uuna xidhan yahay darajadiisii, wuxuuna hoosta ku sitaa baastoolad, waxaanuna u sheegnay siday arintani garsoorka hallis ugu tahay, taliyihii la socday ayaa xafiiska igu aflagaadeeyay, askarigiina waxa uu la baxay baastoolad oo askarigii gaadhka maxkamada ayuu ku qabtay Booliskii iyo dhibanihiiba ku dhufo ayuu is yidhi.” Gudoomiyuhu isagoo hadalkiisii sii wata waxa uu yidhi ”Tan oo kaliyana maaha ee ilaa Toban kiis oo fulin ah oo maxkamadaha kasoo dhamaaday oo qaar 2000-dii  kun  yihiin oo aanu sixi la’nahay, marka ay maxkamadu u yeedho ayuu wuxuu soo gashanayaa dirayskiisa iyo isagoo hubaysan oo baastoolad sita, markaad tidhaahdo waa lagugu fulinayaana waxa uu odhanayaa hooyadaa ku fuli, waxaanu u yeedhnaa taliyayaashiisa, waxaanay caadaysteen inay dadka shicibka ah u awood sheegtaan anana aanaan waxba ka qabankarayn. sidaas daraadeed waxaanu qaban karnaa ma jirto, Amaanka Maxkamadu ma sugna kiisaskii noo mudaysnaana way baxsadeen, waxaanu codsanaynaa oo ka codsanaynaa Gudoomiyaha Maxkamada Sare, Jananka Ciidamada Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland in arintaas saaka meesha ka dhacday oo ay markkhaatiyo ka ahaayeen in ka badan 50 qof wax laga qabto oo haybadii Garsoorka dib loo soo celiyo, waxa kale oo iyana jira tan oo kale oo fulin ah oo xataa dhulkii la dhisanayo” ayuu Gudoomiyuu hadalkiisii kaga baxay.”

Hase yeeshe Taliyaha Aaga Bari ee ciidamada qaranka Maxamed Abokor(Joon) oo ka hadlay dacwadan ayaa ku eedeeyay Gudoomiyaha maxkamada Gobolka in uu isagu ka danbeeyo dhibaatadan waxaanu yidhi” Gudoomiyahaa ka danbeeyay waxan anagu ku idhi askarigii waanu xidhnay, waxaanan filayaa inuu Gudoomiyuhu isaga badheedhay inuu ciidanka qaranka dhaleeceeyo waana gef cad oo uu kula kacay ciidanka qaranka, waxaan askarta ugu diray in lasoo hubsado kiiska, dabadeedna askarigii oo labisan ayuu askarigii ku amray. Labadii askari ee hubka sidayna midba hubkiisa ayuu la soo baxay, gafkaasna waxa ka masuul ah guddoomiyaha maxkamadda, waxaan u arkaa in uu u badheedhay isagoo dano gaar ah ka leh Gudoomiyuhu.”