Burco: Bulshada Abokor Axmed Oo Taageeradii Ku Wareejisay Waddani

0
642

Burco (Geeska)-Bulsho ka soo jeeda Beesha Abokor Axmed Baaruud oo kamid ah Beelaha Habarjeclo, ayaa cududoodi tageero waxay u weeciyeen Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI. Beesha Abokor Axmed oo kamid ah Beelaha ugu deegaanka ballaadhan Gobolka Togdheer, xaflad ay ka soo qayb galeen Siyaasiyiinta , madax dhaqameedka, aqoonyahanka iyo dhalinyaradda beeshaas oo habeen hore  ka qabsoontay Burco ayay ku shaciyeen inay cududoodii tageero isugu geeyeen Xisbiga WADDANI oo ay ku tilmameen inuu la biliyahay beesha Abokor Axmed.

1

Siyaasi Cabdillaahi Axmed Dhuxul (Abgaal) oo kamid ah ganacsatada iyo siyaasiyiinta waa weyn ee Gobolka Togdheer, ayaa sheegay in Beesha Abokor Axmed ku hungobeen Xisbiga KULMIYE oo ay muddo dheer beeshu tageero la garab taagnayd doorashooyinkii dalka ka soo qabsoomay. Chief. Caaqil Cabdi Saleebaan Yuusuf, oo kamid ah cuqaasha waa weyn ee Gobolka Togdheer iyo beesha Abokor Axmed ayaa kamid ahaa Cuqaashii ka hadlay xafladii Caawa ay beesha Abokor Axmed ugu digo rogotay Xisbiga WADDANI, wuxuuna sheegay inay is macasalameeyeen Xisbiga KULMIYE oo uu sheegay inay beeshu ku hungoqday, waxaana hadaladiisi kamid ahaa. "KULMIYOW Nabad gelyo Sheeg Sheegena hadhan".

Oday Maxamed Cabdi Yaasin oo kamid ah Golaha dhexe ee Xisbiga WADDANI, kana mid aha Odayaasha beesha Abokor Axmed ayaa isna kamid ahaa masuuliyiintii madashaas ka hadashay, wuxuuna ku dheeraday Maxamed Cabdi Yaasin sababaha keenay isbadalka beeshu ku talaabsaday dhanka Siyaasadda.

"Beesha Abokor Axmed Baaruud oo 15000, oo ruux iska diwaangaliyeen oo la ogyahay cududooda 25-ka sanno ee ay Somaliland jirtay Koontiinar ayay Siyaasadda dalka kaga jirtay kowna waxa ka ah KULMIYE oo ay ku hungowday waxaanu maanta cadaynaynaa dib inaanay ugu jirayn, beeshu waxay cududoodii taageero ula guurtay Xisbiga WADDANI oo la bili ah oo ay ka helidoonaan wixii ay KULMIYE ka waayeen" . Sidaa waxa yidhi Siyaasi Abgaal.

Waxaa iyaguna munasibadaas ay beeshu ku shacinaysay inay u digo rogteen Xisbiga WADDANI oo ay ka soo qayb galeen in ka badan 2000, oo ruux ka hadlay madax dhaqameed , haweenka iyo Aqoonyahan kala duwan .

Xisbiga WADANI ayaa saami mugleh wuxuu beesha Abokor Axmed ka siiyay xunaha Golaha dhexe iyagoo ku leh 4 xubnood , halka uu u ballanqaaday xubno inay ku yeeshan Guddida Fulinta Xisbiga iyo Xoghayaasha, haddii uu Xisbiga WADDANI ku guulaysto doorashadana ay beeshu ka helidoonto saami u qalma sida laga shaaciyay xafadaas habeen hore.