Bulshada Sheekh Oo Mudaharaad Kaga Jawaabtay Xukunada Dilka Ah Ee Ragga Loo Haysto Dilka Taliyihii Booliska Saaxil

0
550

Hargeysa(Geeska)-Mudaharaad xoog badan oo lagaga soo horjeedo xukunka dilka ah ee ay maxkamadda ciidamada Somaliland ku fulisay qaar ka mid ah raggii loo haystay inay dileen taliyihii booliska gobalka Saaxil, ayaa shalay ka dhacay magaaladaas.

1

Mudaharaadkan oo ay sameeyeen dhallinyaro iyo haween, ayaa waxa jidadka magaalada lagu gubay taayiro badan, waxaana sidoo kale dhagaxaan lagu xidhay jidka dawga ee degmada Sheekh, halkaas oo ay ku xanibmeen baabuurtii u kala socday bariga iyo galbeedka dalka.

Sidoo kale dadkii mudahaaradka dhigaayey ayaa waxa ay khasaare xoogan soo gaadhsiiyeen baabuurta u kala gooshaysay magaalooyinka Berbera iyo Burco.

Dadweynaha ayaa ku dhawaaqayay ereyo ay ku cambaararynayaan xukunka maxkamadda.

Hase yeeshee ciidamada Booliska ayaa markii dambe dadweynihii kala dareeriyay islamarkaana furay jidka dawga Sheekh ee ay dhagaxaanta ku xidheen dadka gadoodsani.

Maxkamadda ciidamada ayaa xukuno isugu jira xabsi iyo dil ku riday kooxdaas loo haystay inay dileen taliyihii booliska gobalka Saaxil Marxuum Casayr. Ragga xabsiga lagu xukumay waxa ku jira badhasaab-xigeenkii gobalka Saaxil oo xilka laga qaaday markii uu dilku dhacay, isagoo la socday taliyaha la dilay.