Bulshada Oo Ku Jaho-wareertay Siyaasaddii Dibadda Ee Madaxweyne Siilaanyo Oo Gelinba Cayn

0
812

Siilaanyo-MJHargeysa(Geeska)-Bulshada Somaliland ayaa u muuqata inay ku jaho-wareersantahay siyaasadda dibadda ee Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, oo dhawrkii toddobaadba uu ka soo baxayo war ka duwan warkii ay hore umadda ugu sheegtay.

Ficilo iyo hadalo is burinaya ayaa tan iyo dabayaaqadii sannadkii hore ka soo baxaya siyaasadda dibadda Somaliland, wakhtigaas oo ku beegnayd xilligii ay dawladda Ingiriisku ku dhawaaqday inay Somalida u qabanayso shir balaadhan, waxaanay arrimahani soo baxeen xilli ay siyaasadda dibadda ee Somaliland soo waajaheen culaysyo diblomaasiyadeed oo lagaga bixi karayay talo qaran iyo khibrad.  Tusaale ahaan bishii November ee sannadkii hore waxa ay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland sheegtay inaanay Somaliland marna ka qayb geli doonin shirka Ingiriiska.  Wasiirka Arrimaha dibadda Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, oo horaantii December ee sannnadkii hore u waramay wargeyska Geeska Afrika ayaa dafiray ka qayb galka Somaliland ee shirkaas London ee qabsoomay febarwari,  “Waxaa dhowaan saxaafada qaarkeed qoreen in wefdigii Madaxweynahu hogaaminayey ee dhowaan Ingiriiska tegay ay aqbaleen oo xukuumada Somaliland ogolaatay inay ka qeybgasho shirka Raysal Wasaaraha Ingiriisku ku baaqay inuu xalinta arrimaha Soomaaliya u qabanayo sannadka dambe. Waxaaan leenahay warkaasi mid xaqiiq ah maaha. Waxaanu wefdigii Madaxweynaha Somaliland hogaaminayey iska taageen mowqif cad oo ah inaan xukuumada Somaliland ka qeybgelayn shirkaa, maadama uu yahay shir u muuqda mid arrimaha gudaha Soomaaliya iyo siyaasada isku haya loo qabanayo. Somaliland kama qeygelayso, mowqifka ay iska taagtayna waa sidaas.” Sidaas ayuu yidhi wasiirku, waxaanu intaas ku daray  “Arrimahaasi kulamo aanu la yeelanaynay masuuliyiinta Ingiriiska oo lagaga hadlayey xidhiidhka Somaliland iyo Ingiriiska ka dhexeeya iyo iskaashiyada kale ee na dhexmara iyo qadiyada Somaliland ee aanu doonayno inaan taageero uga helno Ingiriiska ayey dooda shirkaasi ku soo baxday, markaa intaan la gaadhin in casuumado loo soo diro Somaliland, ayey markiiba wefdigii madaxweynaha Somaliland cadeeyeen mowqifkooda arrimahaa ku saabsan, oo sheegeen inaanay ahayn kuwo Somaliland khuseeya.  Xukkumaduna diyaar u ahayn ka qeybgalka shirkaa.” Sidaas ayuu yidhi Wasiir Maxamed Cabdillaahi Cumar.

Iyadoo uu xaalku halkaas marayo ayuu wasiirka arrimaha dibaddu mar labaad bishii Febarwari horaanteedii sheegay inay shirkaas Ingiriiska ka qayb galayaan, waxaanu xusay inay Somaliland dani ugu jirto. Isagoo wasiirku ka hadlayay kulan uu Madaxweynuhu la yeeshay labada gole, kuna saabsanaa shirka Ingiriiska, wuxuu yidhi“Waxaanay nala qaateen ooy-nala arkeen in dan-caama oo dalkani leeyahay ay arintaas ku jirto, loona baahan yahay in laga shaqeeyo sidii dalkan ictiraaf iyo iskaashi uu caalamka ula yeelan lahaa, labada gole baarlamaan oo isku jira oo aan maanta la kulanayna iyaga qudhooda waxa nooga muuqatay is fahan wanaagsan iyo yuhuun  aad u wanaagsan oo na dhiiri galinaysa, waxaan se jecelnahay baritoole galinka hore arinta labada gole inaan halkaas ka sii wadno.”

Markii laga soo noqday shirkii Ingiriiska, waxa soo baxday in dawladda Turkigu bisha June ee sannadkan qabanayso shir la meeqaam ah kaas Ingiriiska, oo ay weliba Somaliland ku casuuntay. Wasiir Maxamed Cabdillaahi ayay wakaalad warareed oo shisheeye weydiisay aragtida Somaliland ee shirkaas, “Aragtidayda, waa danta Somaliland inay sii wado habka aanu isku barayno xubnaha bulshada caalamka ee aanu taageero ugu helayno qaddiyadayada.” Ayuu yidhi wasiirkeenu. Mar kalena, wuxuu sheegay inay Somaliland shirkaas ka qayb galayso, kumana xidhin wakhtigaas wax shuruud ah.

 

 

Hase yeeshe dawladda Somaliland, haddana toddobaadkan ayay sheegtay inaanay shirkaas ka qayb galayn haddii aanay dawladda Turkigu wax ka bedelin meeqaamka ay Somaliland ku casuuntay. “Shirkaasi imika sida loo soo dhigay ma ah si aanu ku tagi karno, waxaanu dalbaynaynaa dawladda Turkigu anagoo danaynayna qeybo ka mid ah arrimaha lagaga hadlayo shirkaa qeyb ka mid ah oo xagga dhaqaalaha iyo horumarka u badan inay dib u eegto nidaamka ay Somaliland kaga soo qeyb galayso Somaliland oo aanu jecel nahay inuu noqdo mid la mid ah kii shirkii London aanu kaga qeyb-galay bishii febarwari ee sanadkan,” sidaas ayuu Axadii yidhi sarkaalka ugu sareeya diblomaasiyadda Somaliland oo ah wasiirka arrimaha dibaddu.

Waxa iyaduna jirta dhaliil ka soo if baxday qaabkii uu Madaxweynuhu u magacaabay safiirada cusub ee uu toddobaadkan soo saaray. Tusaale ahaan waxa uu xilalkii ka qaaday laba masuul oo Somaliland u fadhiyay dalalka Sweden iyo Ingiriiska oo kala ah Caydaruus Sheekh Aadan oo dalka Sweden fadhiyay iyo Axmed Cumar Sangore oo isna qaabilsanaa dalka Ingiriiska. Mudane Caydaruus ayaa si weyn ugu dhex jira siyaasadda dalka Sweden, waxaanu ka shaqeeyaa wasaaradda maaliyadda ee dalkaas, halka wiil uu dhalayna ka mid yahay mudanayaasha baarlamaanka ee Sweden. Mudane Axmed Sangore ayaa isna ah siyaasi da’yar oo si weyn uga dhex muuqda siyaasadda Ingiriiska, waxaanu mar noqday maayarka xaafadda Tower Hamlets oo ah degmo ku taala bariga Caasimada Ingiriiska ee London, waxaana lagu tilmaamaa inuu yahay muwaadin reer Somailland oo guul ka soo hooyay siyaasadda magaalada London oo uu si weyn uga dhex muuqday. Waxase ayaan darro ah in labadan nin lagu bedelay laba masuul oo aan xog badan ka hayn islamarkaana u dhuun daloolin siyaasadaha dalalka ay degenyihiin ee Ingiriiska iyo Sweden. Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xil ka qaadista uu Madaxweynuhu ku sameeyay ay sababtay ka dib markii ay masuuliyiintani dhaliileen siyaasadda dibadda ee xukuumadiisa.

Intaas waxa dheer shirka wada hadalka Somaliland iyo Somaliya oo iyadoo aanay xukuumadu ku eegin indho fiiqfiiqan ay markiiba magacowday guddi wasiiro ah oo Somaliya la furta wada xaajoodka, maalmo ka dib markii uu Sheekh Shariif soo xulay guddi ay xubno reer Somaliland ahi ku jiraana, waxa ay Somaliland sheegtay inay wada hadalkii ka baxday.

Saddexdan qodob iyo xil ka qaadista wakiiladaas ruug cadaaga ahi oo dhacay dhawr bilood gudahood, waxa ay dad badani u arkayaan inay ka turjumayso dheeldheeliga ka muuqda siyaasadda dibadda ee xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo. Waxase cad oo halkan laga akhrisan karaa in siyaasadda dibadda ee Somaliland lagu saleeyo go’aamo aan aad loo gorfayn oo aan talladeeda la rogrogin taas oo sabab u noqota in mar dambe la akro cawaaqib xun oo aan markii hore aad loo falanqayn. Waxaanay haddii ay waxyaabahani sii socdaan halis gelin karaan qaranka Somaliland oo siyaasadiisa dibadda ay gaadh ka hayaan cadow badan oo u heelan inay warmo afaysan ku weeraraan. Sidaas daraadeed Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, waxa la gudboon inuu dib ugu noqdo istaaratajiyadaha lagu saleeyo siyaasadiisa dibadda si aanu qaranku halis u gelin.