Boqor Buurmadoow Oo Eeddo U Jediyay Madaxweynaha Iyo wasiirkiisa Macdanta Iyo Biyaha

0
494

Picture4Hargeysa(Geeska)-Boqor Cismaan Aw Muxumed ( Buur-madaw), ayaa Madaxweyne Siilaanyo iyo Wasiirkiisa Macdanta iyo biyaha  ku tilmaamay inay ka danbeeyaan in deegaanda shidaalka laga baadhayo dhibi ka timaado.

Waxa uu boqorku sheegay in odayaasha deegaanku ay si hufan uga hadleen saluuga ay saluugeen qaabka wax loo maamulaayo, balse madaxweyne Axmed Siilanayo uu ugu jawaabay hanjabaad. Waxa uu sida oo kale boqoorku uu ku tilmaamay xadhiga boqor Raabi  mid aan sharci ahayn.

Waxa uu sidan ku sheegay Boqor Cismaan Buurmadaw mar uu shalay la hadlaayay warbaahinta waxaanu hadalkiisa ku bilaabay sidan  “ Khayraadka in la soo saaro oo shacbiga waxii khayraadka u soo baxaa uu ka dhaxeeyo oo aanu ardaa kaliyaata isku koobin oo aanay beel kaliyaata lahayn ayaanu qiraynaa, waxaan qabaa waxii halkaas ka xumaaday waxaan qabaa inay masuul ka haayeen wasiirka macdanta iyo biyaha oo ah nin aan dhaqanka waxb ka aqoon iyo  deegaanka iyo sida loo kala yaalo iyo cidii shirkada maamulaysay ee Soomaalida ahayd, waanu soo dhawaynaynaa shirkada shidaalka oo marna dadka deegaanku may odhan hanaga baxaan wax dhib ahna kalamay hor iman.” Boqorka oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi “ Laakiin waxaan odhan karaa xukuumadu iyada yaa ka danbaysay dhibtii timaada, dadka deegaanku waxbay ka tirsadeen sida wax loo wado iyo qaabka wax loo maamulay si wanaagsan oo hufan ayaanay odayaasha deegaanku uga hadleen  waxaana loogu jawaabay hanjabaad iyo hadidaad, waxana leeyahay taasi ma dhaqi karto dalka, awood sheegasho iyo laabgaraacna waxba inuugu hagaagi maayaan, is soo jiidasho iyo walaaltimo ayay wax ku hagaagayaan, digreetadaas madaxweynaha ayaa dhibaatada keenatay loomana baahnayan ciiidamaduna amniga iskood ayay ugu xil saaran yahiin oo dastuuri weeyaan.Laakiin digretadan mid siyaasadaysan oo waxna looga jeegay ayay nuugu muuqatay hadaanu nahay dadkii deegaanka.”

Ugu danbayntii Boqor Buurmadaw waxa uu ka hadlay xadhiga Boqor Raabi “ Waxaan leeyahay Raabi xadhigiisu maaha mid xaq ah ayaan leeyahay ragii ka qaybgalay shirkii Xamar muu ahayn ragii xildhibaanada qorayna muu ahayn.”