Booliska dalka Spain ayaa toddobaadkan xabsiga u taxaabtay tababare Jaamac Aadan (Jaamac Karaaciin) oo tababare orodyahanno ay ka mid tahay Genzebe Dibaba oo Ethiopia u dhalatay oo haysata koobka orodka caalamka ee 1500 mitir. Jaamac Karaaciin ayaa dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland. Jaamac Karaacii ayaa lala xidhay nin kale oo tababare Marooco ka soo jeeda, kadib markii booliska Spain ay xoog ku galeen hotelka ay daganaayeen iyaga iyo ciyaartoy kale, halkaasi oo laga helay nooc ka mid ah daroogada mamnuuca ah ee kordhisa awoodda jirka ciyaartoyda. Xidhiidhka ciyaaraha fudud ee adduunka ayaa sheegay inay darooggadan ka baadheen 28 qof oo ka mid ahaa 30 ciyaarahan oo hotelkaasi daganaa. Jaamac Karaaciin ayaa la sheegay in tan iyo 2013 inuu sannad walba tababar ku qabto halkaasi. In kabadan 60 irbadood oo la isticmaallay ayay booliska hotelka ka heleen, mana sheegin boolisku in dhammaan cirbaddahaasi laga helay qolka Jaamac Karaaciin ama qolka tababaraha kale. Hotelka ay booliska Spain galeen, waxaa kaloo ku jiray orodyahanno ay ku jirto Dibaba, iyo ku kale oo ka yimid waddamada kala ah Somalia, Ethiopia, Djibouti, Algeria, Saudi Arabia, Masar iyo Qatar. Wargeysyada Ingiriiska ayaa qoray in orodyahanka caanka ah ee Mo Faarax uu iska fogeeyay inuu wax xidhiidh wada shaqayneed ah la leeyahay Jaamac Karaaciin.

0
629

Booliska dalka Spain ayaa toddobaadkan xabsiga u taxaabtay tababare Jaamac Aadan (Jaamac Karaaciin) oo tababare orodyahanno ay ka mid tahay Genzebe Dibaba oo Ethiopia u dhalatay oo haysata koobka orodka caalamka ee 1500 mitir. Jaamac Karaaciin ayaa dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland.

1

Jaamac Karaacii ayaa lala xidhay nin kale oo tababare Marooco ka soo jeeda,  kadib markii booliska Spain ay xoog ku galeen hotelka ay daganaayeen iyaga iyo ciyaartoy kale, halkaasi oo laga helay nooc ka mid ah daroogada mamnuuca ah ee kordhisa awoodda jirka ciyaartoyda.

Xidhiidhka ciyaaraha fudud ee adduunka ayaa sheegay inay darooggadan ka baadheen 28 qof oo ka mid ahaa 30 ciyaarahan oo hotelkaasi daganaa.

Jaamac Karaaciin ayaa la sheegay in tan iyo 2013 inuu sannad walba tababar ku qabto halkaasi.

In kabadan 60 irbadood oo la isticmaallay ayay booliska hotelka ka heleen, mana sheegin boolisku in dhammaan cirbaddahaasi laga helay qolka Jaamac Karaaciin ama qolka tababaraha kale.

Hotelka ay booliska Spain galeen, waxaa kaloo ku jiray orodyahanno ay ku jirto Dibaba, iyo ku kale oo ka yimid waddamada kala ah Somalia, Ethiopia, Djibouti, Algeria, Saudi Arabia, Masar iyo Qatar.

Wargeysyada Ingiriiska ayaa qoray in orodyahanka caanka ah ee Mo Faarax uu iska fogeeyay inuu wax xidhiidh wada shaqayneed ah la leeyahay Jaamac Karaaciin.