Boogta Xukumaddeena Iyo Baaqa Wasiir Baashe Laba Isku Marag Ah! Barkhad Jaamac Batuun

0
712

1QODOBKA 8AAD 

SINNANTA MUWAADINIINTA 

1. Muwaadiniinta Somaliland iyadoon lagu kala saarayn midabka, qabiilka, dhalashada, luqada, lab iyo dhedig, hantida, mudnaanta, afkaarta iwm, waxay sharciga hortiisa ku leeyihiin xuquuq iyo waajibaad siman. 
2. Kala sarraynta iyo takoorka ku salaysan issirka, abtirsiga, dhalashada iyo deegaanku waa reebban yihiin, isla markaa barnaamijyada lagu cidhib tirayo dhaqamada xunxun ee soo jireenka ah waa waajib Qaran.

Nidaamka dawladnimo waa hal irmaan oo shacabka dalku ka nuugaan, caano ka macaan malabka oo ah: Caddaalad, sinnaan, horumark, walaaltinimo, midnimo, is-xurmeyn iyo is xaq dhowrid iyo ku dhaqanka nidaam sharci oo lagu kala xaq qaato.

Wasiirka biyaha Somaliland Mudane, Baashe. Wuxu si qalbi taabad ula hadlay bulshada Somaliland ee baadigoobka ugu jirta Sinnaanta, caddaaladda, wada-jirka, midnimada, iyo horumarka dalka. Wuxu wasiirku sheegay nidaam baal marsan anshaxa dawladnimo iyo milgaha maamul. Taas oo uu wasiirku yidhi: Waxaan ahay wasiir amarkeygu ma soconayo, amarada aan soo saaro ma fulayaan. Agaasimaheygii guud ayaan xilka ka qaaday kadib markaan arkay isagoon guddan Karin waajibaadkisa shaqo. Waxaa la ii sheegtay awood reernimo oo amarkaygii ayaa socon waayey!

Waxaan sidoo kale amar xafiiskayga ka soo baxay ka shaqeyn waayey magaalada berbera.

Oo iyadana awood reernimo ayaa la ii sheegtay! 
Iyadoo aan wasiirka ka tacsiyadeynayo dhaqamada baal marsan nidaamka dawladnimo ee ka jira xukumadda xurmo darran ayaan haddana waxaan is waydiinayaa su’aalo dhowr ah?

1. Digreetooyinka Madaxweynuhu ma waxay kala leeyihiin laan-dheere iyo laan-gaab?
2. Goormay wasiiradda qaarkood gun noqdeen qaarna gob noqdeen? 
3. Sharcigii dalku miyaanu shaqeynin?
4. Nidaamkii dawladnimo ee

aqoonta iyo awooda maamul lagu kala sareeyey mee?
5. Dawladnimo ma mid la isugu awood reero sheegtaa?