Bisha Cas-Somaliland Oo Iyada oo Ah Laan Ka Mid Ah SRSC Somaliya Qatar Kaga Qayb Gashay Shir

0
882

Picture3Dowxah (Geeska)- Xoghayaha guud ee haayadda Bisha Cas ee dalka Qatar ayaa heshiis isfaham la saxeexday haayadda Laanqayrta Case ee Soomaaliya oo ay ku jirto Laanqayrta Cas ee Somaliland oo kulankaas kaga qayb gashay in ay tahay Laanta Somaliland ee Laanqayrta Cas ee Soomaaliya.

Heshiiskan oo lagu sheegay in uu yahay mid laba geesood ah (Soomaaliya iyo Qatar) waxaa dhinaca Qatar u saxeexay Saleh bin Ali Al-Muhannadi oo ah xoghayaha guud, dhinaca kalana waxaa u saxeexay Dr. Axmed Maxammed Xasan oo ah madaxweynaha haayadda Laanqayrta cas ee Soomaaliya, waxa aanu heshiisku dhigayaa in Qatar ay Soomaaliya siiso caawimo dheeraad ah, iyo taageero dhinaca horumarinta iyo tayeynta ah oo la siinayo Laanqayrta cas ee Soomaaliya oo magaceeda loo soo gaabiyo SRCS.

Heshiisku waxa uu dhigaya in la xoojiyo isu kaashiga iyo ka wada shaqaynta hawlaha samofalka Soomaaliya ee la xidhiidha cawimooyinka la gaadhsiinayo dadka ku wax-yeellooba abaaraha iyo duufaannada ee Soomaaliya oo dhan, si gaar ahna looga caawiyo caafimaadka, biyaha, tayeynta iyo awood dhiska, iyo sidoo kale soo kabashada dadka ay dhibtu gaadho. Sidaa waxaa lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Laanqayrta Cas ee Qatar oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay wargeyska dalkaas ka soo baxaa ee The Peninsula Qatar.

Waftiga Laanqayrta Cas ee Soomaaliya waxa uu ka koobnaa madaxweynaha haayadda Dr. Axmed Maxammed Xasan, madaxweyne-ku-xigeenka haayadda Dr. Yuusuf Xasan Maxammed iyo Axmed Bakaal oo Somaliland ugu magacaaban guddoomiyaha haayadda Laanqayrta Cas, balse warkani uu caddeeyey in uu waftiga kula socday isaga oo ah Isu-duwaha Laanqayrta cas ee Soomaaliya, Laanta Somaliland isla markaana ay isku mansab yihiin Maxamed Axmed Cadli oo isaguna ah Isu-duwaha Laanqayrta Cas ee Soomaaliya, laanteeda Muqdisho.

Dr. Xasan oo isaga iyo weftigiisu ay booqdeen xarunta Laanqayrta Cas ee Qatar ayaa sheegay in heshiiskani uu caawin doono sidii loo  gaadhi lahaa tirada ugu badan ee dadka Soomaaliyeed ee baahan, loona horumarin lahaa noloshooda. Waxa aanu Laanqayrta Cas ee Qatar uga mahadnaqay caawimada ay siiyaan walaalahooda Soomaaliya.