Kamaal Marjaan
Siyaasi la loodin waayey
Sannadkii 2007 ayaa uu xisbiga AK mar kale ku guulaystay doorashadii baarlamaanka, 2009 kii ayaa uu haddana ku guulaystay doorashadii dawladaha hoose, in kasta oo markan dambe uu helay codad boqolkiiba 39 ah oo ka hoosaysa intii hore looga bartay. Waxa aanay dadka siyaasadaha Turkiga falanqeeyaa, waqtigaas sheegeen in sababta hoos u dhaca codadku ku timi, dadka oo ka biyo diiday hoos u dhac ku yimi dhaqaalaha Turkiga, xilligaas oo ay jirtay dhibaatadii dhaqaale xumo ee dunida oo dhan gaadhay.
2011 Xisbiga AK waxa uu ku guulaystay 327 kursi oo ka mid ahaa kuraastii baarlamaanka, waxa aanu mar labaad raysalwasaare u doortay Rajab Dayib Erdogaan, oo noqday siyaasiga keliya Turkiga, ee saddex doorasho oo is xiga ku guulaystay kursigan.
2014 kii Ayaa Erdogaan loo doortay madaxweynaha Turkiga, waxa aanu mar labaad doorasho waqtigeeda laga soo hormariyey oo madaxweynenimo ku guulaystay 25kii Juun 2018. Doorashadan u dambaysay ayaa ujeedadeeda ugu weyni ahayd in uu madaxweynuhu helo awooda dheeraad ah, maadaama oo dastuurka cusub ee Turkiga ku dhaqankiisa iyo isticmaalka awoodaha uu siinayo madaxweynaha loo ogolaa oo keliya, madaxweynaha ku yimaadda doorashada dastuurkaas ku salaysan.
Madaxweyne Rajab Dayib Erdogaan oo dadka aad ugu dhow ugu yeedhaan, ‘Beyefendi’ (Afturki) oo macnaheedu yahay, ‘Mudanaha’ dadka la dhacsanina ku magacaabaan, ‘Reis’ (Afturki) oo macnaheedu yahay ‘Madaxweynaha’, Waxa uu hibo u leeyahay xodxodashada dadka ka shakisan, ol’oleyaashiisa aan daalka lagu aqoon. Waxa aanu noqday siyaasi marka guusha doorasho laga sheekaynayo calaamad iyo tusaale u noqon kara. Mar keliya ee abid guusha uu filayey ay hoos u dhacday, waxa ay ahayd doorashadii Juun 2015 kii. Xisbiga AK inkasta oo uu codadkii dalka ugu badnaa urursaday, haddana waxa uu xilligaas lumiyey aqlabiyaddii uu ku fadhiyey golaha baarlamaanka. In badan oo nacabkiisa ah ayaa u sacabbo tuntay hoos u dhaca xisbigiisa, waxa aanay ku faaneen in Erdogaan uu soo dhisi doono dawlad awooddeeduu daciif tahay oo aan baarlamanka isku hallayn karin, ama dawlad wadaag. Sidaa awgeedna wax badan oo qorsheyaashiisa ka mid ahi aanay socon doonin. Laakiin Erdogan oo lagu tilmaamo nin xariif ku ah ka faa’iidaysiga fursadaha siyaasadda ayaa sheegay in aanay isaga u qalmin dawlad awoodda baarlamaan laga haysto, isaga oo sheegay in dawlad noocaasi ay tahay tii ‘Turkigii hore ee guunka ahaa lagu yaqaannay’.
Doorashadan uu hoos u dhacay awgeed, dad badani waxa ay qabeen in ay calaamad u tahay hoos u dhac hadda kaddib u bilowday Erdogaan, haddana cabsidaasi isaga ma’ay gelin oo waxa uu Afar bilood kaddibba bishii Noofambar 2015 ku dhawaaqay doorasho baarlamaan oo waqtigeedii ka soo horreysa. Doorashadaas ayaanu xisbiga AK dib ugu soo ceshaday aqlabiyaddii baarlamaanka.
Bishii Afaraad ee 2017 ayaa uu Erdogaan soo dhigay dastuur cusub, oo meesha ka saaray xilkii raysalwasaarenimo, in kasta oo ay dawladaha reergalbeedka iyo kuwa la siyaasadda ahi dacaayado aad u badan ku fureen dastuurkan, kuna sheegeen in uu Erdogaan ka dhigayo ‘Suldaan’ la mid ah kuwii Cusmaaniyiinta oo sida boqorrada kelidii taliya, dhalleecayntaas oo meel kasta ka socotay ayaa dad badan oo aan siyaasadda Turkiga hoos ula socon shaki ka gelisay in Erdogaan doorashadan ku guulaysan karo, waa se ay beenowday. Afti dastuurkii cusbaa loo qaaday ayaa uu Erdogaan u helay cod dadweyne oo ansax ka dhigay.
Shan iyo toban sano oo uu Erdogaan xilal magacyo kala duwan ku hoggaaminayey dalka Turkiga, waxa uu galay 14 doorasho – 6 doorasho golaha sharcidejinta ah, saddex aftiyood, saddex doorasho gola deegaan iyo laba doorasho madaxweyne, dhammaantoodna guul nadiif ah ayaa uu ka gaadhay.
Warbaahinta Israa’iil
Doorashada Erdogaan oo ay markan awooddiisii sii korodhay, ayaa ah waran ku taagan wadnaha Israa’iil. Wargeyska caanka ah ee Yedicoot Axranoot ayaa mar uu ka faallooday guusha Erdogaan waxa uu qoray, “Turkigii waxa uu yeeshay nidaam madaxaweyne, Erdogaan waxa uu xoojiyey kursigiisii, oo uu noqday madaxweyne awood badan” Wargeysku waxa uu intaas ku daray in ol’olihii doorashadu muujiyey in madaxweyne Erdogaan uu weli awood ku dhex leeyahay dadka Turkiga, isaga oo sheegay in dadaalladii mucaaradku ay waxba ka tari waayeen shacbiyaddaas, “Mucaaradku waxa uu abaabulay isu soo baxyo waaweyn oo dalka oo dhan ka dhacay, si uu u gaadho ujeeddo midaysa mucaaradka oo dhan, oo ah in la daciifiyo Erdogaan, laakiin doorashadii ayaa burburisay rajadii isbeddel ee ay qabeen” ayaa uu wargeyskani ku yidhi warbixintiisa.
Waxa aanu intaas ku sii daray in madaxweyne Erdogaan uu hadda dalka Turkiga ka noqday hoggaamiye waddaniya, oo aan laga maarmi karin. Laakiin wargeysku waxa uu qiray in shacbiyaddaasi aanay ahayn mid Erdogaan nasiib uun ku helay ama xoog kula soo baxay, balse ay tahay mid uu ku kasbaday midhii ka dhashay hoggaamintiisa fiican, “Taageerayaashiisu waxa ay ku faanayaan, xasiloonida siyaasadeed iyo dhaqaale ee uu dalka u soo jiiday iyo mashaariicda waaweyn ee dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha, waxa aanay u arkaan in uu yahay hoggaamiye haybaddii Turkiga meel sare dunida ka gaadhsiiyey” ayaa uu Yadicoot Axranoot ku yidhi warbixintiisa.
Wargeyska kale ee Macaariif oo isna ka soo baxa Israa’iil ayaa warbixin uu kaga warramay awoodda Erdogaan oo uu sheegay in ay sii korodhay, waxa uu is weydiiyey, ‘Mawqifka uu madaxweyne Erdogaan ka qabo xidhiidhka Turkiga iyo Israa’iil?’
Waxa uu wargeysku walaac ka muujiyey Erdogaan haddii uu beddeli waayo siyaasadihiisii adkaa ee ku jihaysnaa Yuhuudda, oo sabab u ahaa in ugu dambayntii uu dhowaan danjirihii Israa’iil iskaga huleelo Turkiga.
Wargeyska oo arrintan aragtidiisa ka dhiibanayaa waxa uu sheegay in arrintani ay ku xidhan tahay, hadba sida uu noqdo xaalka amni ee Qasa, oo haddii isku dhacyada xamaas iyo ciidamada Israa’iil kordhaan ay u badan tahay in Madaxweyne Erdogaan oo caan ku ah in uu garbaha saarto cumaamadda calaamadda u ah halganka Falastiiniyiintu uu sii kordhin doono hadalladii qallafsanaa iyo siyaasadihii kakanaa ee ku jihaysnaa nidaamka Yuhuudda.
Wargeysku waxa uu gorfayntiisa ku sheegay in Erdogaan dadaalkiisa ugu badani aanu ahayn in dan Falastiin la gaadho, balse ay tahay in dhaawac la gaadhsiiyo Israa’iil, laakiin Israa’iil danteeda ay u aragtay in ay aanay colaad u muujisan Turkiga, “Xukuumadda Israa’iil waxa ay go’aansatay in aanay awood buuxda kaga jawaabin xumaanshiaha xidhiidhka ay la lahayd Ankara” ayaa uu wargeysku qoray, isaga oo sheegay in intii ol’olaha doorashadu socday ay Israa’iil iska ilaalisay in ay xoog ugu jawaabto Falastiiniyiinta oo kacdoonno sameeyey, sababtuna ay ahayd cabsi ay ka qabtay in ay dhalato cadho, uu Erdogaan shacbiyad dheeraad ah ku sii helo, fursaddiisa guusha doorashaduna sii weynaato. Si kastaba ha ahaato ee Erdogaan oo mar kale la soo doortay waa shaqo cusub oo u soo korodhay maamulayaasha Israa’iil. waana sababta abuurtay walaaca badan ee ay Israa’iil ka qabto doorashada madaxweyne Erdogaan. La soco…