Berbera(Geeska)-Musharax Saalim Cubeyd Saalim oo degmada Berbera ee gobalka Saaxil uga sharaxan urur siyaasadeedka Wadani, ayaa maalintii Sabtidii ee uu ururku u lahaa ololaha doorashada, waxa uu magaalada Berbera ku soo bandhigay taageerayaashiisa oo tiro badnaa.
Murashax Cubayd, waxa ay taageerayaashiisa oo ruxayay sawiradiisa iyo calanka ururka WADANI, ay isugu soo baxeen fagaarayaasha Berbera iyagoo baabuur badana ku marayay jidadka waaweyn ee magaalada. Murashax Cubayd, oo taageerayaashiisa hadal u jeediyay ayaa uga mahadceliyay sida ay isugu soo baxeen "Waxaan aad idiinkaga mahadnaqaya sida aad isugu soo baxdeen ee aad u muujiseen cududiina waxaan aaminsanahay inaad maalinta doorashada sidan usoo camiri doontaan sanaaduuqda si aan guul u soo hoyno" ayuu Saalim Cubeyd yidhi, waxaanu ka waramay barnaamijkiisa wax qabad haddii uu doorashada ku guulaysto, "Waxaan qabaa in la ii doortaa inay ka dhabaynayso dimuqaraadiyada Somaliland oo laga qeybgaliyey beelaha carabta Somaliland, maadaama ay ku leeyihiin kuraas wadamada jaarka goleyaashooda qaranka sidaa darteed waxaan ka codsanaya bulshada reer Somaliland inay codkooda igu taageeraan guud ahaan anoo si gaar ah ula hadlaya reer Berbera waxaan leeyahay codkiina I siiya oo ii codeeya maadaama aanay jirin cid iga reer berberaysan karaamada magaaladani kor ayey u kacaysaa hadii aad codkiina igu taageertaan waxaanan wax ka qaban doonaa arimaha bulshada iyo inaan la xisaabtamo waaxyaha hawlahaasi qaabilsan" ayuu ku soo gunaanaday hadalkiisa Caalim Cubeyd oo ka sharaxan urur siyaasadeedka wadani.
Musharaxa Saalim Cubeyd Saalim ayaa noqonayaa musharixi u horeeyey ee beelaha carbeed ah ee iska soo sharaxay magalada Berbera iyo guud ahaan Somaliland.