Belad-weyn(Geeska):-Ciidamada booliska magaalada Belad-weyn ayaa gacanta ku soo dhigay nin la sheegay in uu muddo saddex sano ah ka ganacsanayay hilibka Dameeraha.
Ninkan oo ciidanka booliska magaalada Belad-weyne ay ku soo qabteen isaga oo dameer qalaaya ayaa waxaa la sheegay in uu muddo saddex sano ah uu sariibadaha hilibka magaalada Belad-weyne uu ku iibin jirey hilibka dameeraha ee uu soo qalo.
Dhacdadan naxdinta leh ayaa waxaa ay arrin la yaableh ku noqotay dadka ku dhaqan magaalada Belad-weyne, iyada oo guud ahaanba shacbiga ku dhaqan magaaladaasi ay si xooga u hadal hayeen labadii cisho ee ugu danbeeyey.
Waxaana ninkan oo ay ciidamadu gacanta ku hayaan ay markiiba u taxaabeen mid ka mid ah saldhigyada booliska magaalada Belad-weyne, waxaana la filayaa in si dhakhso ah sharciga loo horkeeno.