Beesha Subeer Celi Oo Shir Balaadhan Ku Qabsatay Hargeysa

0
663

Hargeysa(Geeska)-Shir balaadhan oo ay ka soo qayb galeen qaybaha kala Duwan ee bulshada beelaha Subeer Celi ee Arab ayaa habeen hore Ka qabsoomay hotel Hadhwanaag ee Magaalada  Hargeysa.
Shirkan oo ahaa mid muhiim ah , ayaa waxa uu Daba socday shir waynihiin dhawaan beeshu ku yeelatay tuulad Bargo ee gobolka Hawd.

Waxa laga soo saaray warsaxaafadeed sidan u qornaa “Shirkan ayaa waxa si mug leh Usoo qaban qaabiyay una maamulayay gudiida siyaasada iyo horumarinta beesha Subeer Celi ee Muraad iyo Midnimo. Haddaba shirkan oo Ajendihiisu  ahaa xoojinta qodabadii kasoo baxay shirwaynihii muraad iyo midnimo Ayaa waxa si Wayn beeshu ugu lafa gurtay laba arimood oo aad muhiim u ahaa, qodabka kowaad Xoojinta midnimada beesha subeerceli iyo qodobka labaad oo aha itijaaha siyaasadeed ee beesha subeer celi.
Shirkan oo muddo saacado ah ka socday hotel Hadhwanaag oo ay Ka Hadleen aqoonyahanka,madax dhaqameedka,haweenka, Ardayda jamacadaha,siyaasiyiinta beelaha Subeer Celi ayaa waxa Ka soo baxay go'aamo iyo qaraaro beeshu isla qadatay ku dhaqangalkooda waxanu u dhignaa sidan.
1- In la xoojiyo midnimadii beeshu ay  ku soo qaadatay shirkii bargoo ee muraad iyo midnimo lana dhamaysatiro waxii Ka qabyo ah ee xeerar ah iyo waxii laysla qaatay ee fulin u baahan.
2-Waxa ay beeshu ku qanacday in Maamulka kulmiye ee uu hogaaminayo Madaxweyne Axmed Siilaanyo  oo ah maamul ku dhisan eex, Dulmi iyo cadaalad daro  oo ay beeshu saamigii, xaqii iyo milgihii ay ku lahayd wadanka ay ka wayday mudada shanta sano ah ee uu talada wadanka hayay.
3- In aanay beeshu ku qanci doonin, una cuntami doonin xalna u noqon doonin tabashada beesha in masuul beesha ah xilka laga qaado midkalena loo magacaabo waxii laga sugaana uu yahay ciyi waa ka baryay, codna aanay Kaga heli doonin beesha subeer celi.
4-In aanay masayrka beesha subeerceli Cid gaar ah oo madaxtooyada u dusta aanay ka talin karin,ee uu yahay wax ku yimaada talo midaysan oo hareeraha laga fadhiyo,cidii talada beesha maroorsatana cawaqib xumo iyo tikoor beesha kala kulmidoonto.

5-Beesha Subeer Celi Ma ogala wax mudo kordhina oo loo sameeyo maamulka Talada haya,waxanay ka taagantahy halka ay ka taagan yahiin axsaabta mucaaradka ahi

Gebo gebadii iyo gunaanadkii shirkan ayaa Lagu sheegay in  beesha Subeer Celi Ka tashatay Nidaamda talada haya ee kulmiya oo muda xiloodkoodii distooriga ahaa uga hadhsantahay 5 bilood oo Keli ah, uguna baaqay beel waynta Arab ee ay walaalaha yahiin inay iyana  Ka qataan mawqif la mida ka beesha subeer celi.

Gudida beesha subeerceli ee muraad iyo Midnimo