Beelaha La Hayb Sooco Oo Dalbaday Kuraas Baarlamaan Oo Iyaga U Gooni Ah

22
2613

Hargeysa(Geeska)-Beelaha la hayb sooco ee ku dhaqan Jamhuuriyadda Somaliland ayaa baaq u diray xukuumada iyo xisbiyada siyaasadda, iyagoo u soo jeediyay in la siiyo tiro kuraas baarlamaan ah oo iyaga u gaar ah, doorashada baarlamaanka iyo golayaasha deegaannada ee degoomooyinka ee la filayo in la qabto bisha March ee saandka 2019.

Baaqan ayaa ku soo beegmaya xilli baarlamanka loo soo jeediyay inay wax ka beddelaan xeerka doorashada baarlamaanka gaar ahaan qodobada saami qaybsiga gobollada.

Suldaan Naasir Suldaan Cabdi Ismaaciil oo ka mid ah madax-dhaqameedka beelaha la hayb sooco ayaa u waramay weriyaha BBC-da ee Hargeysa Axmed Saciid Cige, waxaanu ugu horayn yidhi suldaanku “Waxaanu soo jeedinaynaa oo xukuumadda oo madaxweynuhu hormuud u yahay, baarlamaanka iyo saddexda xisbi qaranba, waxaan u sheegayaa mar haddii xeerka doorashada baarlamaanku u xanibanyahay saami qaybsiga haddii saami qaybsigaas gobalada lagu bixiyo in la qadariyo beelaha laga tirada badanyahay ee dalkan ku dhaqan in kuraas kooto ah loo xidho ayaan u soo jeedinaynaa kana codsanaynaa.”

Suldaan Naasir oo la weydiiyay sababta ay wakhti hore u hadli waayeen wuxuu yidhi “Waxaanu hadalnay wakhtigii doorashada, imika doorashadii inoo dhacday madaxweynaha iyo guddoomiyaha baarlamaakaba kulamadii aanu la yeelanay waxaanu u sheegnay inay umaddan kooto u sameeyaan…xisbiyada ayaanan ka soo samaynay oo kulamo ayaanu la yeelanay ahaa inay umadan qadariyaan.”

Suldaan Naasir oo la weydiiyay sababta ay doorashooyinka si toos ah uga qayb geli waayaan maadaama oo doorashadu tahay mid xor iyo xalaal ah, wuxuu Suldaan Naasir ku jawaabay “Distoorku taas ayuu qeexayaa oo muwaadiniintu waa isku xaq, laakiin sidaad la socoto guud ahaanba qaab dhismeedkeena oo hanaan qabiil ku salaysan ayaa ah caqabada ugu weyn ah islamarkaana caqabado badan oo umadayada ku xeeran gaar ahaan annaga [ragga] oo dhaqanka nagaga yimid oo maskax ahaan iyo caqli ahaanba noo naafeeyay ayaa na haysata, markaas intaanu ka soo kabanayno waxaanu leenahay madashaas lagaga tashanayo saami qaybsiga waa inaan lagu ilaabin dadkan laga tirada badanyahay ee ku dhaqan lixda gobalba sidii looga qayb gelin lahaa islamarkaana kuraas u gaar ah oo iyagu isku doortaan looga siin lahaa gobalkiiba qof.”

Suldaan Nasir, wuxuu sheegay inaanay beelahani wax kuraas ah ku lahayn goleyaasha wakiilada iyo deegaanada, waxase jira xubin guurti ah oo isagu ku yimid hab beeleedkii guurtida lagu soo xulay, kaas oo uu isna tilmaamay inuu kursiga waayi doono haddii guurtidu gasho doorasho.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here