Bayaan Laga Soo Saaray Toddobaadkii Barakaysnaa Ee Waynaynta Kitaabka Alle

0
822

 

 

1-Waa todobaad si gaar ah loo waynaynayo Kitaabka illaahay

2-Waa todabaad la dhiiri galinayo dhalinyaradii Qu’raanka kariimka ah xifdiyay

3-Waa todabaadka culimadii dalka in badan oo kamid ah oo meelo iyo gobo kala duwan. Kitaabka illaahay ka fidinaysay la isugu keenay meel qudh ah si ay weedhooda xaqa ah ee Qu’raanka ku saabsan ay u soo jeediyaan.

4-Waa todabaad la doonayo in Qu’raanka illaahay dadwaynaha inbadan oo kamida inuu gaadho iyaguna ay u noqdaan gudbiyayaal

5-Waa todabaad xiisabta lagu darsanayo waqtigeenii qayb ka mida ah in diinta illaahay la galiyay si uu waqtigaasi inoogu markhaati kaco maalinka culus ee danbeeya.

Hadaba kadib markii uu dhamaaday tafsiirka Qu’raanka ee ka socday masjidka Cali Mataan markii sideedaad ee waliba Sheekh Cabdiraxmaan Axmed uu soo akhriyay Alle ha ka abaal mariyee ayaa culimadu waxa ay go’aansadeen barnaamijkan aynu soo gabagabaynayno.

 

 Dardaarano, Talosoo Jeedin Iyo Baaq Ka Soo Baxay Todabaadkii Qu’raanka

 

1-In kitaabka kor loo qaado sharaftiisa, xurmayntiisa, nadaafadiisa, barashadiisa, kudhaqankiisa iyo waynayntiisa, sanadkanina uu noqdo sanadkii ilaalinta kitaabka Qu’raanka

 

2-Inuu kamuuqdo shaqsigeena,reerkeena,xaafadeena,magaaladeena iyo dalkeenaba.

 

3-Inuu kamuuqdo ganacsigeena, dhaqaalaheena,shirkadaheena, garsoorkeena golayaasheena iyo maamulkeena oodhan.

 

4-In ummadeenu ay ka dheeraato wax alle waxii dhaqan xumo iyo ceeb ah ee ay diintu inaga reebtay sida Illaah cayga, Nabi cayga, Aabo cayga, Qaadka sigaarka, Tuugada, Boobka, Xijaab la’aanta, Qabyaalada, Dulmiga I.W.M

 

5-In garsoorka iyo cadaalada la sugo oo maraya meel aad u liidata sida madaxwaynuhu xusay

 

6-In laysu kaashado wixii wanaaga iyo alle ka cabsi ah sidii Qu’raanku ina farayo, taas oo ay maanta ay waajibtahay in laysu kaashado sidii loo samayn lahaa dhaamam iyo biyo xidheeno.

 

7-In dawladu si gaar ah u ogaato inay tahay masuulka koowaad ee illaahay kala xisaabtamaayo arimaha diinta ku dhaqankeeda iyo hirgalinteeda sidaas darteedna ay waajib kutahay inay dadaalkeeda ugu badan galiso Diinta.

 

8-Waxaanu si gaara ugu mahadnaqaynaa Wasaarada Diinta iyo Aw-qaafta oo si lixaad leh uga qayb qaadatay hirgalinta barnaamijka khayrka leh

 

9-Waxaanu sida oo kale u mahadnaqaynaa una ducaynaynaa shirkada Dahabshiil oo barnaamijkan maalgalisay.