Bayaan Laga Soo Saaray Kulamo Uu Qaban-qaabiyey DYDO Oo Ah Urur U Dhaqdhaqaaqa Xuquuqda Beelaha Laga Tiro Badan Yahay

0
527

Hargeysa (Geeska) – Bayaan ayaa laga soo saaray kulamo uu qaban-qaabiyey DYDO oo ah urur u dhaqdhaqaaqa xuquuqda beelaha laga tiro badan yahay.

Bayaankan oo baaq loogu diray Madaxweynaha Somaliland, Xisbiyada Qaranka iyo Komiishanka doorashooyinka ayaa u qornaa sidan “Kulamo isdaba jooga oo beryahan u socdey bulshada beelaha laga tirada badan yahay ee Somaliland ayaa waxaa ka soo baxay bayaan dhowr qodob ka kooban, kuwaas oo loo kala direy xisbiyada siyaasadda iyo gudida doorashooyinka JSL, kulamadaas oo ay soo qaban qaabiyey ururka DYDO oo ah urur u dhaqdhaqaaqa xuquuqda beelaha laga tiro badan yahay, bayaankaas wuxuu u dhigna sidan:-

  1. Waxaanu ayidsanahay heshiiskii Saddexda xisbi ee siyaasadda Somaliland Kulmiye, Waddani iyo UCID ee 3 Sep 2020, kaas oo ujeedkiisu ahaa ka qeyb gelinta musharirixiinta beelaha laga tiro badan yahay ee doorashooyinka goolayaasha wakiilada iyo deegaanka
  2. Waxaanu u soo jeedineynaa in gobol walba laga soo sharaxo hal musharax oo goolaha wakiilada ah iyo hal musharax oo goolaha deeganka u tagaan.
  3. Waxaanu ugu baaqeynaa Madaxweynaha JSL in bulshadan loo magacaabo xilalka sar sare ee qaranka sida Wasiir, Agaasimeyaal guud iyo madaxda hay’adaha madaxa banana.
  4. Waxaanu ugu baaqeynaa Xukuumadda JSL in beelahan qayb galiyo mashaariicda samafalka iyo barnaamijyada horumarinta ee ay waddanka ka socda
  5. Waxaanu u soo jeedinaynaa dhamaan hay’adaha qaramada midoobey, kuwa caalamiga ah, deeq bixiyayaasha dawladaha Somaliland ka taageera dhanka horumarka iney beelaha laga tiro badan gaadhsiiyaan caawimooyinka bani aadaminimo

Geeska.net/Hargeisa Office