Bayaan Ka Soo Baxay Madaxda Dhaqanka Koonfurta Hargeysa

0
514

Picture1Hargeysa (Geeska)-Hogaaanka Dhaqanka ,  Waxgaradka , Odayaasha  Beelaha Degta Koonfurta ,Bariga iyo Badhtamaha Hargaysa Ee  Daa’uud Ismaaciil (Ciidagale) oo uu hor kacayo Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland Ahna Suldaanka Guud ee Beelaha Ciidagale Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir , Boqor Raabi Yuusuf C/laahi , Salaadiin ,Cuqaal Ayaa si wada jir ah shir jara’iid  oo ay ku qabteen Magaalada Hargeysa ku shaaciyey   qodobbada ka soo baxay Shir muddo maalmo ah socday oo lagu lafa gurayay xaaladda Guud ee Beesha Gaar ahaan Xaalad ka Taagnayd Dhul Dan Guud ah oo ku yaalla xaafadda Masallaha, waxaana shirkaas  laga soo saaray  saddex Qodob waxaana Warbaahinta u akhriyay Suldaaanka Guud Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir Waxaanu Hadalkiisa ku Bilaabay, waxaanu yidhi “ Dhammaan Umadda Reer Somaliland waxaan halkan uga sheegaynaa Maanta oo ay bishu tahay 3/5/2015 in halkan Golaha Salaadiinta Iyo Cuqaasha ee Beesha Ciidagale iyo Waxgaradkooduba ay ku go’aansadeen 3-Da Qodob ee aan halkan ka jeedin Doono , Qodobka Kowaad waxa weeye Guddidii ay Beeshu hore u lahayd saacadda aan immika hadlayo waanu kala Dirnay taasina waxaanu ogaysiinaynaa Xukuumadda iyo umadda Reer Somaliland wax danbe iyo magac danbe oo ay ku matalayaan Xaqa Beesha ma jirto , Qodobka Labaad waxaa weeye Ducadii hore loo ballan qaaday waxaanu isla garannay in sideeda loo qabto oo la isugu yimaadoo oo Reerku sidaa ku ducaystaan , Ducaadaasa waxaa hore ugu baaqay Boqor Raabi waanan isla qaadannay , Qodobka Sadexaad waxaa weeye Arrinta Dhulka , Dhulkaas waa Dhul Ciidagale Leeyahay wixii ay iyagu u gartaan , Waxaan isla garannay dhulkaasi in uu noqdo Dhul Ciidagale leeyahay horena uu u lahaa , Go’aankayaguna wuxuu Yahay Meesha MCH- yo kuma lihin , Iskuullo kuma Lihin , Jaamacado Kuma lihin . Dhakhtarro kuma lihin Beeshu dhinaca way ka arradantahay wixii halkaa lanoogu sameenayo Annaga Gadaal ka soo sheegaynaa Taladeedana anna hogaaminaynaa Cid kalena noogu talin mayso ”

Waxaa isna Halkaasi ka hadlay Boqor Raabi Yuusuf C/laahi waxaanu yidhi “ Beeshu way isku Raacday Saddexdaa Qodob ee uu Suldaanku ku dhawaaqay Salaadiinta kalena ay ku raaceen Go’aankayaguna waa Kaa , Cidna aflagaadeen Mayno , Cidna Xumeen mayno Xaq aanaan lahaynna Dooni mayno , Midnimada Reerkana aad iyo ad ayaan u soo dhaweenayaa ”

 Suldaan Cawil Fiiqle Iyo Caaqil Cabdiwali oo iyana halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay ka tirsanaayeen Guddidan la kala diray isla markaana ay Taageersanyihin Saddexda qodob ee lagu Heshiiyay .

Waxaa Sidoo kale Halkaasi ka hadlay Salaadiin , Cuqaal oo dhamaantod iska daba maray Saddexdan Qodob iyo siday u taagersanyihiin waxaanay Tilmaameen in muxaafadnimo ay ugu horaysay intii xukuumaddani Talada Haysay taasina ay keentay in ay ku khasaaraan Muxaafadnimadii .

Si kastaba ha ahaate Shirkan maanta la soo Gunaaday ayaa waxaa ka qeyb galay 45 Caaqil ,  7 Suldaan iyo Boqor waxaanay si buuxda u cadeeyeen in ay Saddexda Qodob ku midaysanyihiin .