Barnaamijka ‘Swift’ Iyo Basaasidda Bangiyada Caalamiga Ah

0
822

Waxaa turjumay: Kamaal A. Cali

Weligeedba waa ay dhici jirtay in wakaaladaha sirdoonka ee dawladaha waaweyni u dhacaan nidaamyada bangiyada caalamiga ah, iyada oo ujeedadoodu ay tahay in ay baadhaan oo fahmaan akoonnada iyo xiisaabaha gaarka ah ee dadka siyaasiyiinta waaweyn ah, gaar ahaan dadka ay dano sirdoon ka leeyihiin ee ay doonayaan in ay xogtooda dhinaca maaliyadda helaan, sida lacagaha u yaalla bangiyada, cidda ay xidhiidhada maaliyadeed leeyihiin, ilaha lacagaha ay ka helaan iwm, si ay uga dhigtaan hub ay ku haddidaan oo ku qab jebiyaan siyaasiyiintan, marka ay doonayaan in ogolaysiiyaan waxa ay rabaan.

Waxa ay ahayd xeelad uu sirdoonku isticmaalo marka ay wakaalad sirdoon doonayso in ay hoggaamiye siyaasi ah qasab ku ogolaysiiso dano iyo qorshayaal ay wadato ama in uu ka tanaasulo arrin uu marka hore ka rabay ama shuruud uu ku xidhay hawlo ay wateen, waayo haddii uu diido waxa ay wakaaladdu u sheegaysaa in xogtaas maaliyadeed ay ka hayso oo haddii uu ogolaan waayo waxa ay ka rabaan ay sirtaas fashilin doonaan, taasina ay khatar gelinayso mansabkiisa.

Waxa kale oo iyaduna caado ahaan jirtay in wakaaladaha sirdoonku ay u dhacaan xogaha gaarka ah ee bangiyada qalabkooda ku kaydsan si ay u dabagalaan dhaca lacagaha iyo qaabka lacagaha la dhacay ay isugu gudbiyaan dad gaar ah oo dabagal lagu waday. Gaar ahaan xisaabaadka gaarka ah ee dadka lagu tuhumayo dembiyo in ay galeen ama ka tirsan yihiin kooxaha maafiyada ah. Laakiin, haddana dabagalkaas iyo jabsashadaas xogta xisaabaha bangiyadu aad ayaa ay u koobnaayeen, sida oo kale marar badan sirdoonnada waa ay ku adkayd in ay dabagalkan sameeyaan, maadaama oo bangiyada qaar nidaamka ammaanka qalabka xogta ay ku kaydiyaan aad u adag yahay, sida keliya ee lagu jabsan karaana ay ahayd in wakaaladda sirdoonku ay hesho cid ka mid ah shaqaalaha arrimahaasi khuseeyaan ee bangiga.

Markii la soo gaadhay Qarnigan 21naad, gaar ahaan intii ka dambaysay maalintii ay bisha Sabtembar 11 ahayd ee sannadkii 2001-da, oo ah maalintii ay weerarradii dhiigga badan daadiyey ku dhaceen magaalooyinka Washington iyo New York ee dalka Maraykanka. Waxaa weji cusub yeeshay hawlgalladii dhexgelidda iyo jabsashada nidaamyada xog-kaydinta bangiyada iyo shirkadaha maaliyadda ee dunida. Waxaa isbeddelay qaabkii ay hore u ahayd hawlaha la socoshada iyo dabagalka xisaabaha bangiyadu.

Haddii hore cid gaar ah iyo bangiyo gaar ah sirdoonku xisaabahooda u dabageli jiray, waxa ay noqotay in ay ka sinnaadaan dhammaan bangiyada iyo shirkadaha maaliyadda meel kasta oo ay dunida ku yaallaanba iyo in la’ la socdo dhammaan xisaabaha, nidaamka lacag isu gudbinta iyo akoonnada dadka la macaamila bangiyadaas kala duwan. Haddii hore sirdoonnada oo sirdoonka Maraykanka ugu horreeyaa hawlahan si qarsoodi ah u qaban jireen, 11 Sabtembar kadib waxa ay noqotay in si toos ah oo dunida oo dhami maqlayso uu madaxweynaha Maraykanku ugu dhawaaqo barnaamij sirdoon oo kumannaan milyan oo lacag ahi ku baxayso, kaas oo wakaaladaha sirta ee dalkiisa ku waajibinaya in ay dhexgalaan oo jabsadaan nidaamyada xogkaydinta ee bangiyada dunida oo dhan, lana socdaan oo dabagal ku sameeyaan Malaayiin lacago ah oo maalin kasta dunida la isu xawilo.

Sannadkii 2006 wargeyska New York Times waxa uu fashiliyey barnamaij sir ahaa oo xukuumaddii Maraykanka ee madaxweyne George Bush dhaqangelisay sannadkii 2001-da. Kaas oo wasaaradda maaliyadda ee dalka Maraykanka u suurtogeliyey in ay dabagal iyo la socosho ku samayso Malaayiin lacago xawaaladaha la isugu gudbinayey ah dunida oo dhan, gaar ahaan dalalka Carabta. Waana barnaamij ay dadka arrimahaas ka faalloodaa ku tilmaameen dhexgalkii iyo jabsashadii ugu weynayd taariikhda ee lagu sameeyo nidaamka xogkaydineed ee bangiyada caalamiga ah.

Warbixin cinwaankeedu ahaa, “Xogo bangi oo Maraykanku uu baadhay; si looga hortago argagaxisada” ayaa uu wargeysku si faahfaahsan ugaga warramay macluumaad qarsoonaa oo la xidhiidha barnaamij sir ahaa oo lagu magacaabo ‘Swift’ kaas oo ay wakaaladda sirdoonka Federaalka Maraykanka ee CIA samaysay dabayaaqadii bishii Sagaalaad 2001-dii, maamulkiisana ay ku lug leedahay wasaaradda maaliyadda ee Maraykanka. Waxa ay shaqadiisu tahay in la mariyo xog kasta oo la xidhiidha lacagaha dunida ee bangiyadu isu gudbinayaan iyo dhaqdhaqaaqyada maaliyadeed.

Wargeyska New York Times waxa uu warbixintan ku sheegay in masuuliyiinta dawladda Maraykan ay wargeyska New York Times ka codsadeen in aanu faafin warbixintan ka hadlaysa barnamaijkan sirta ah ee Marayakanku kula soconayo dhaqdhaqaaqa maaliyadeed ee dunida ‘Swift’ iyo xogaha uu helay ee arrintaas la xidhiidha, laakiin uu wargeysku diiday. Iyada oo sirdoonku markii uu arkay in masuuliyiinta wargeyska New York Times ay ku adkaysanayaan faafinta warbixintan, ay ogolaadeen in la siiyo fursad ay kaga hadlaan doodda dhinacooda ee la xidhiidha barnaamijkan, si ay u yaraato saamaynta khatarta ku noqon karta ee warbixinta ka dhalanaysaa. Waxa aana wargeyska waraysi arrintan la xidhiidha siiyey kaaliyihii wasiirka maaliyadda Maraykanka Steward Levy.

Magaalada Brussels ee caasimadda dalka Beljem waxa ay fadhi u tahay xarun maamusha oo kaydisa xogta wareegga lacagaha adduunka, gaar ahaan xidhiidhada maaliyadeed ee dhex maraya bangiyada oo magaceeda rasmiga ahi yahay, ‘Society For Worldwide Interbank Financial Telecommunication’ laakiin loo soo gaabiyo xarfaha ereyada ugu horreeya oo isku darkoodu noqonayo ‘Swift’oo noqotay erey Ingiriisi ah oo macnihiisu ‘Degdeg/dhaqso’ yahay. Waxa aana shardi ah in xawilaadda lacagaha ee bangiyadu ay marto, haddii kale aanay bangiyadu awood u lahayn in ay isu xawilaan lacagaha.

Steward Levy waraysiga uu siiyey New York Times waxa uu ku qirtay in xaruntan xogkaydinta ‘Swift’ ay masuuliyiinta sirdoonka Maraykanka ee CIA iyo FBI iyo wakaalado kale oo sirdoon oo caalamiya u ogolaatay in ay daalacdaan xogaha la xidhiidha kumannaan kun oo ah lacago dunida la isaga xawilo.

Wargeyska New York Times, waxa uu barnaamijkan baadhista iyo la socoshada xogaha lacagaha isaga gudbaya bangiyada dunida ku tilmaamay in uu yahay isbeddel hor leh oo ku dhacay hannaankii caadi ahaan xukuumadda Maraykank ku heli kari jirtay diiwaanka iyo xogta maaliyadeed.

Wargeysku waxa uu intaas ku daray in masuuliyiinta wasaaradda maaliyadda Maraykanku markii ay ku kacayeen tallaabadan ay ku baadhanayaan xogta dadka bangiyada isticmaalaya, aanay wax rukhsad ah ka qaadan maxkamadda. Iyaga oo adeegsaday oo keliya fasaxyo iyo amarro maamul oo si ballaadhan ugu ogolaanaya in ay daalacdaan malaayiin diiwaan oo ku kaydsan shirkadda magaceeda loo soo gaabiyey Swift.

Wargeyska oo fashilinayey fadeexadaha shaqo ee la xidhiidha shirkadda ‘Swift’ ayaa ku masaalay ‘Neerfe’ waardiye ah oo 7800 oo bangiyo iyo shirkado maaliyadeed oo dunida ka jira u dira tilmaamo iyo amarro elektarooni ah oo la xidhiidha sida lacagta la isugu gudbinayo.

Shirkadda Swift waxaa iska leh in ka badan 2200 oo shirkadood iyo urur oo ay ka mid yihiin dhammaan bangiyada waaweyn ee ganacsiga iyo shirkadaha dillaalka ee adduunka ka jira, Sanduuqyada maalgashiga iyo Suuqyada saamiyada. ‘Swift’ waxa ay  maalin kasta fulisaa  qiyaas ah 11 Milyan oo hawlgal-xisaabeed ‘Transaction’ oo ah xawilaad iyo isu gudbin lacageed oo weliba badankoodu dalal iyo qaarado isaga gudbayaan.

Wargeyska New York Times waxa uu masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Maraykan ka soo xigtay in barnaamijka aynu kor ku soo xusnay ee ‘Swift’ waajibaadkiisa ugu muhiimsani ay tahay in uu la socdo xawilaadaha lacagaha dunida iyo in la helo diiwaannada muhiimka ah ee bangiyada dunida. Qaddarka lacagaha la isu xawilayo ee ay shirkadda ‘Swift’ maalin kasta la socoto ayaa lagu qiyaasayaa in ay gaadhayso 6 Tirilyan oo doolar oo isaga gudbaya bangiyada dunida, shirkada maaliyadda, suuqyada saamiyada, shirkadaha dillaalidda iyo shirkado kale oo badan. Waxa se ay masuuliyiintani qireen in hawsha la socoshada dhaqdhaqaaqa maaliyadeed ee dunidu ay si gaar ah xoogga u saaraysay dalalka la isku yidhaahdo Gacanta Carabta oo ah lixda dal ee Sucuudiga, Qatar, Imaaraadka, Cummaan, Kuweyt, Baxrayn.

In kasta oo nidaamyada xog raadineed ee Maraykanka iyo sirdoonnada dalalka waaweyni adeegsadaan aad u tiro badan yihiin, isuguna jiraan kuwo la og yahay iyo kuwo qarsoodi ah ama mararka qaarkood lagu tilmaamo sharcidarro, haddana masuuliyiinta Maraykanka ee u warramay wargeyska New York Times waxa ay qireen in barnaamijka ‘Swift’ uu yahay ka ugu ballaadhan uguna waxtarka badan sirdoon ahaan dadaallada iyo hawlgallada qarsoodiga ah ee ay ku raadiyaan la socoshada ilaha ay argagaxisadu dhaqaalaha ka hesho. Waxa ay sheegeen in barnaamijka ‘Swift’ uu ka madaxbannaan yahay xeerarka iyo shuruucda Maraykanka ee xukuumadda dalka ka mamnuucaya in ay la socoto diiwaannada iyo xogaha maaliyadeed ee shakhsiga ah.

Qaabka ay ku suurtogashay in shirkaddan Swift aanay qaban sharciyada ka yaalla dhowrsoonaanta xogta shakhsiga ah ee maaliyadeed waa qaabka xeeladaysan ee marka hore shirkadda loo sameeyey ama dawladaha looga diiwaangeliyey, waayo waxaa ‘Swift’ sharci ahaan loogu diiwaangeliyey in ay tahay shirkad ka shaqaysa boosta. Sidaa awgeed marnaba ma’ qaban karaan sharciyada loogu talagalay in lagu xukumo shirkadaha maaliyadda iyo bangiyada.

Warbixintan aadka u dheerayd ee uu wargeyska New York Times arrintan ka diyaariyey waxa kale oo uu ku sheegay in madaxweynaha Maraykanka George Bush bishii Sagaalaad ee sannadkii 2001 markii weerarradu ku dhaceen Maraykanka, uu soo saaray wareegto sharci oo uu wasaaradda maaliyadda ugu igmanayo in ay hoggaamiso dadaallada lagu joojinayo maalgelinta ay helaan kooxaha uu Maraykanku u aqoonsan yahay argagaxisada. Waxa uu wargeysku sheegay in madaxweyne Bush lala socodsiiyey barnaamijkan ‘Swift’ iyo in ku xigeenkiisii Dick Jenney uu si gaar ah ula socday hawlgallada CIA da ee arrintan la xidhiidha, iyada oo wakaaladda amniga qaranka Maraykankuna gacan farsamo ka geysatay hawshaas.

Wargeysku waxa uu caddeeyey in inkasta oo barnaamijkani uu sir aad loo adkeeyey ahaa, haddana ay masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Bush ay xogo sirdoon oo la xidhiidha dabagalka xogaha bangiyada ee ay dawladdu samayso u sheegeen xubno ka tirsan golaha Kongareeska iyo guddidii loo saaray baadhista weerarkii 11 sabtember.

New York Times waxa uu sheegay in golaha maamulka shirkadda Swift oo ka kooban 25 agaasime ay yihiin wakiilo ka yimaadda shirkadaha maaliyadda iyo bangiyada waaweyn ee dunida oo dhan. Iyada oo intii aan hawshan la gelinna wakiillada iyo shirkadaha ay ka socdaanba xog fiican laga siiyey, sida oo kale barnaamijkan maamulkiisa wax ku leh bangiyada dhexe ee Tobanka dal ee ugu waaweyn dalalka warshadaha ka horumaray ee dunida.

Markii New York times ay baahisay warbixintan fadeexadaysay barnaamijka ‘Swift’ iyo sida uu ku yimid, wasaaradda maaliyadda ee Maraykanku waxa ay qabatay shir jaraa’id oo socday 30 daqiiqo, kaas oo ay si fiican ugu qirtay jiritaanka iyo shaqada barnaamijka ‘Swift’. Wasiirkii maaliyadda ee maamulka Bush John Snow oo shirkaa jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay in uu aad uga xun yahay in wargeyska New York Times uu fashiliyey xogaha qarsoonaa ee la xidhiidhay barnaamijkan, waxa aana hadalladiisa ka mid ahaa, “Arrintani waxa uun ay caawinaysaa argagaxisada” Wasiir Snow waxa uu intaas ku daray, “Waxa aan ku faanayaa in la hirgeliyey barnaamij lagu basaasayo hawlaha bangiyada, si loola dagaalamo argagaxisada” waxa se uu wasiirku ku andacooday in aanay arrintani waxba u dhimayn qiyamka iyo sharciyadda, waxa aana hadalladiisa ka mid ahaa, “Si buuxda ayaa aan u ixtiraamayaa qiyamkayaga dimuqraadiyadda iyo dhaqankayaga sharci ee wanaagsan!”!!

Dhinaca kalana shirkadda Swift ayaa warmurtiyeed ay soo saartay ku sheegtay in ay ogolaatay qoraal sharci oo xafiiska dabagalka xisaabaha shisheeye ee wasaaradda lacagta ee Maraykanku ku waajibinayey shirkadda ‘Swift’ in ay siiso xogo gaar ah oo la xidhiidha xisaabaha iyo dhaqdhaqaaqa maaliyadeed ee dad gaar ahi leeyihiin. Warmurtiyeedku waxa uu intaas ku daray in shirkadda ‘Swift’ la siiyey dammaanad iyo ballanqaadyo hubaal ah oo la xidhiidha ilaalinta iyo sir ka dhigista xogaha ay ku bixisay qoraalkan sharci dartii.

Si kastaba ha ahaato ee arrintani fadeexad gilgisha ayaa ay ku noqotay madaxweyne Bush iyo tiirarkii xukunkiisa oo uu ugu horreeyo madaxweyne ku xigeenkiisa Dick Jenney oo isagu inta uu is xejin waayey warbaahinta Maraykan cambaarayn kulul u soo jeediyey, isla markaana ku qaaday weerar adag isaga oo diiddan fashilinta ay warbaahintu fashilisay barnaamijka basaasidda bangiyada ee ay fuliso xukuumadda Maraykanka oo ku marmarsoonaysay in ay dabagal ku samaynayso argagaxisada.

Dick Jenney waxa uu ku biiray masuuliyiinta waaweyn ee maamulka Maraykanka ee sida xun u weerarayey warbaahinta Maraykanka sababta fashilinta ay fashiliyeen barnaamijka sirta ahaa ee wasaaradda maaliyadda Maraykanku kula soconaysay lacagaha bangiyadu isu xawilaan iyaga oo marmarsiinyo ka dhiganaya la dagaallanka argagaxisada iyo joojinta lacagaha loo diro ururrada argagaxisada ah.

Wasiirka maaliyadda ee Maraykanka John Snow waxa uu ku andacooday in fashilinta sirtani ay qiimo tirtay sharaftii il muhiim ah oo ay dawladda Maraykanku xogta ka heli jirtay, isaga oo u jeeda in warbixinahani ay ceebaynayaan shirkadda Swift, waxa aanu ku dooday in cidda keliya ee arrintan ka faa’idaysanaysaa ay tahay argagaxisada. Dick Jenney ayaa isaguna dhinaciisa waxa uu si adag u weeraray warbaahinta, waxa aana hadalladiisa ka mid ahaa, “Arrinta murugada xoogga ah igu haysaa waxa ay tahay in qaar ka mid ah warbaahintu ay isu xil saartay in ay fashiliso barnaamij aad ugu muhiim ahaa amniga qaranka, arrintaasina waxa ay nagu adkaynaysaa gudashada waajibkayaga ahaa in aanu ka hortagno in weerarro kale mustaqbalka dhacaan”

Afhayeen u hadlay Guriga Cad ee Maraykanka oo isagana lagu magacaabo jiray Tony Snow ayaa yidhi, “Barnaamijka daalacashada xogaha ay hayso shirkadda Swift waxa aanu ku helnay xogo aad u muhiim ah oo nagu hagay unugyo argagaxiso oo gudaha Maraykanka ka jiray” Afhayeenku waxa uu intaas ku sii daray, “Tusaale ahaan barnaamijkani waa kii sannadkii 2003 nagu hoggaamiyey in aanu qabanno Xanbali, oo ahaa xagjire u dhashay dalka Indooneesiya oo ku eedaysan in uu ka dambeeyey weerarradii lagu qaaday jasiiradda loo raaxo tago ee Bali oo ku taalla dalka Indooneesiya, halkaas oo ay ku dhinteen 200 oo ruux” Barnaamijka ‘Swift’  waxa uu si rasmi ah ula shaqeeyaa barnaamijka baadhista xawilaadaha lacagaha ee bangiyada, oo ah barnaamij ay maamusho wakaaladda sirdoonka Maraykanka ee CIA, isla markaana ay dusha kala socoto wasaaradda maaliyadda ee dalkaasi. Laakiin masuuliyiinta wasaaradda maaliyadda ee Maraykanku waxa ay ku fashilmeen in ay shaaca ka qaadaan barnaamijkan kor-joogtaynta dhaqdhaqaaqyada maaliyadeed ee dunida, ama xitaa in wasaaradda maaliyaddu xogo la xidhiidha macaamilka maaliyadeed ee dunida ka hesho shirkadda Swift.

Bill Keller oo ah tifaftiraha fulinta ee wargeyska New York Times ayaa mar uu difaacayey eedaha dawladda Maraykan ugu soo jeedisay faafinta wararka la xidhiidha barnaamijka ‘Swift’ waxa uu yidhi, “Weli waxa aanu ku qanacsannahay in awoodda gaarka ah ee ay xukuumaddu u heshay gaadhista iyo daalacashada kaydkan macluumaadka ah ee aadka u weyn, oo ah kaydka macaamilooyinka maaliyadeed ee dunida, si kasta oo ay uga taxaddarto qaabka ay u isticmaalayso, haddana waa arrin muhiim ah oo mudan in dadka loo sheego” Keller waxa uu hadalkiisan ugu jawaabay wasaaradda maaliyadda oo isku difaacday in xogaha ay ka hesho Swift ka ay aad u ilaalinayso, siyaabo sharci ah oo koobanna uga faa’idaysanayso dhinaca amniga.

Barnaamijkan bilowgii waxaa Maraykanka gudihiisa si adag uga hor yimid xisbiga dimuqraaddiga oo markaas mucaaradk ahaa iyo ururrada u dooda xuquuqda rayidka, waxa aanay ku tilmaameen tallaabo ay xukuumadda Maraykanku ku kacday oo ka baxsan awoodaheedii sharciga ahaa ee ay ahayd in ay uga fasax qaadato golaha Kongareeska.

Dhinaca kalana wasiirka maaliyadda ee dalka Beljam, Laurette Onkelinx ayaa iyaduna soo farogelisay arrintan muranka badan ka dhalisay gudaha dalka Maraykanka isla markaana guuxa iyo shakiga ku abuurtay dhammaan dunida, wasiir Laurette waxaa furtay baadhitaan dhinacyo badan isugu jira oo lagu samaynayey barnaamijka basaasidda ah ee ay xukuumadda Maraykanku ku samayso hawl-maaliyadeedka dunida  iyada oo dhex maraysa shirkadda ‘Swift’ ee xarunteedu tahay dalka Beljam.

Wasiiraddu waxa ay sheegtay in aanay iyadu wax war ah ka haynin in uu jiro barnamaijkaas sirdoon. Taas oo laba sababood oo ay yeelan karto, labaduba khiyaamo ku yihiin xukuumadda Beljamka. Waa marka koowaad ee haddii macnuhu yahay in in dawladda Maraykanku ay hawlo basaasnimo la wadday shirkad ku taalla dalka Beljam haddana aanay ku wargelin dawladda, ay taasi noqonayso khiyaamo uu Maraykanku kula kacay dal ay saaxiib dhow yihiin oo xarun u ah midowga Yurub oo dhan. Waxa kale oo ay noqon kartaa in sirdoonka Beljam uu si hoose ula shaqaynayey sirdoonka Maraykanka, isaga oo aan fasax ka qaadan isla markaana ogeysiin xukuumadda dalka ka Talisa, taasina mar kale waa khiyaamo uu sirdoonka Beljam kula kacay xukuumadda ka talinaysay dalka. Wasiiraddu waxa ay sheegtay in sida dadka kale ee dunida ay warkan basaasidda dhaqdhaqaaqyada maaliyadeed ka maqashay uun warbixinta uu wargeyska New York Times ku sameeyey. Waxa aanay caddaysay in isla markii ay warkan maqahayba ay amar toos ah ku bixisay in sirdoonka dalka Beljam warbixin buuxda ka soo siiyo arrintan. Sida oo kale waxa ay magacowday guddi khubaro ah oo soo qiimeeya in tallaabadan ay shirkadda ‘Swift’ iyo sirdoonka Maraykan ka dhex sameeyeen dalka Beljam ay waafaqsantahay sharciyada iyo xeerarka dalka Beljam ee arrintani khusayso.

Markii arrintu halkan gaadhay waxaa muuqay in ay ceeb iyo fadeexad weyn u soo hoysay dawladda Maraykanka, Madaxweyne Bush oo u adkaysan waayey fadeexadda uu wargeyska New York Times baday maamulkiisa ayaa si ay cadho badani ka muuqato waxa uu weerar adag ugu qaaday wargeyska New York Times, isaga oo hab-dhaqankeeda ku tilmaamay “Wax Ceeb ah” oo uu wargeysku ku kacay. Bush waxa uu ku dooday in hawshan ay ku wargeliyeen golaha Kongareeska, isla markaana sharci ahaan wax u diidaya in ay ficilkan sameeyaan aanu jirin. Bush waxa uu ku dooday in sida keliya ee uu Maraykanku ku ogaan karo ficillada ay wadaan argagaxisadu ay tahay in la’ la socdo lacagahooda, ujeedada keliya ee ay arrintan ka lahaayeenna ay taas ahayd.

Ugu dambayntii nuxurka qormadani waxa uu ku soo ururayaa in lacagaha bangiyada kala duwan ee dunidu isu xawilaan ay xogteeda oo tifaftirani marto shirkadda ‘SWIFT’ ee xarunteedu tahay Beljam, sababta ay u maraysaana ay tahay in xogaha lacagahan oo ay ka mid tahay in macluumaad fiican laga helo cidda diraysa iyo cidda loo dirayo iyo sababta loo dirayo ay daalacdaan sirdoonka Maraykanku.