Bariga Afrika Oo Ay Cunto Xumaantii Abid Ugu Darnayd La Soo Deristay

0
1016

cunto

 

Sida ay sheegtay hay'ad Mareykan ah oo digniin ka sii bixisa abaaraha (Fewsnet), dalalka Itoobiya, Soomaaliya iyo Kenya waxey ku sugan yihiin xaalad cunto yaraan oo halis ah.

Hay'addan ayaa sheegtay in si degdeg ah loogu baahan yahay gargaar mucaawino oo ballaadhan "si loo badbaadiyo nolosha, loolana tacaalo nafaqadarada daran" ee ka jirta gobolka. Dhanka kale, hay'addani waxey tibaaxday in gargaarka bini'aadan ee haatan gobolka la siiyo "uunan ku fileyn."Warbixinta hay'adda Fewsnet waxey tilmaantay in Bariga Geeska Afrika "uu soo maray labo xili oo isku xiga oo uu roobki ka yareeyey intii caadiga aheyd, taasoo sababtay mid kamid ah sanaddadi ugu roobka yaraa tan iyo 1995."Hay'addu waxey intaa ku dartay in midhihi beeraha ay xumaadeen, islamarkaana qiimaha badarku uu wali aad u sareeyo.

"Tani waa tii ugu darneyd damaanadda cuntada degdega ah ee dunida maanta," ayey tidhi warbixinta hay'addan.Dowladda Kenya ayaa dhankeeda u aqoonsatay xaaladda cunto yaraan ee ka jirta dalkeeda inay tahay masiibo qaran.Abaaraha soo noqnoqda ee Geeska Afrika ayaa u baahan qorshe lagaga gaashaanto, si loo badbaadiyo nolosha shacabka sanad kasta u dhinta gaajada iyo biyo la'aanta.