Baligubadle(Geeska)-Lix ruux ayaa dhaawacmay, qof kalena Alle haw naxariiste wuu geeriyooday, ka dib markii ay rasaasi shalay ka qaraxday askari ka tirsan Booliska magaalada Baligubadle ee gobalka Hawd oo ku sugnaa goob dadweyne ay abaartu haleeshay loogu qaybinayay timir mucaawino ah.
Dadka oo sugayay in timirta loo qaybiyo ayaa la sheegay in askariga ay xabado ka qarxeen, kuwaas oo sabab u noqday geerida Alle haw naxariiste Xikam Aw Cabdi Aadan Diiriye, waxaana uu dhaawac soo gaadhay lix oo kale oo uu midkood ku jiro xaalad culus.
Dadkan dhaawaca ah oo la keenay cisbitaalka guud ee Hargeysa ayaa kala ah
1. Mukhtaar Xasan Cabdi
2. Aadan Xasan Samatar
3. Xasan Maxamed Cali
4. Mukhataar Muxumed Guuleed
5. Xasan Aw Jaamac Aw Xirsi
6. Xasan Maxamuud Muxumed (Dhoolayare)
Maamulka magaalada Baligubadle ayaa sheegay inay baadhayaan qaabka falkaasi u dhacay.