Badhasaabka Togdheer Oo Beeniyay Inuu Xilka Iska Casilay

0
631

Hargeysa (Geeska)-Guddoomiyaha Gobolka Togdheer Maxamed Ibraahim Aadan (Qabo) ayaa  Beeniyay oo waxba kama jiraan ku tilmaamay warar ay baahiyeen qaar ka mid ah warbaahinta oo  sheegaya inuu istaaqalad uu isku casilayo  u gudbiyay Madaxwaynaha Somaliland,waxaanu sheegay in wararkaasi xaqiiqada ka fog yihiin, wax alaale waxa ka jiraana aanay jirin.

1

Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Maxamed Ibraahim Aadan (Qabo), oo warbaahintu wax ka weydiisay waxa jira wararkan laga baahiyey ayaa ugu horeyn yidhi ”Waad mahadsantihiin warbaahintinan ila soo xidhiidhay lakiin waa nasiib daro in warbaahinta qaarkood ay faafiyaan warar been abuur ah oo aan sal iyo rad toona lahayn oo waxa mar dhawayd dhagahayga ku soo duulayay in Warbaahinta qaarkood qoreen inaan istaqaalad  u Gudbiyay Madaxwaynaha Somaliland taasina ma jirto, Warbaahinta daabacaysa taasi waxaan leeyahay waxay ku Tahay warbaahinta Somaliland dhabarjab wararkaasi been abuurka ah” Ayuu Yidhi Gudoomiye Qabo”

Badhasaabka Togdheer oo Warbaahinta waydiisay inuu ka gaws  inuu Xogahayaha hore iyo Xoghayaha cusub u kale wareejiyo  xilka kagana  maqan yahay magalada  Burco duudmo ayaa yidhi ”Anigu duudmo kagama maqni Magalada Burco ee waxaan ku maqanay hawlo shaqo oo aan ujooga Magalada Hargaysa xogahayaha  cusubna insha allah waa loo kale wareejin doona markaan imaado.”