Badhasaabka SOOL Oo Ka Hadlay Xaaladda Gobolka & Waajibaadka Saaran Xilligan Kala Guurka Ah

0
662

Hargeysa (Geeska) – Guddoomiyaha Gobolka Sool Cabdiqani Maxamuud Jiidhe, ayaa ka hadlay xaaladda Gobolkiisa, Doorashooyinka isku sidkan ee la muddeeyey inay sannadkan dhacaan iyo wakhtiga kala guurka ah ee lagu jiro waxaa kala gudboon ilaalinta hantida umadda, xilli uu Madaxweynuhu dhawaan siiyey Guddoomiyayaasha Gobolada masuuliyad ay ku ilaaliyaan Maayarrada kala duwan ee dalka.

Guddoomiyaha Gobolka Sool Cabdiqani Maxamuud Jiidhe, oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Gobolka Sool xaaladdiisu hadda aad bay u wacan tahay, marka loo eego dhinaca nabadgalyada, dhinaca horumarka iyo dhinaca kastaba, Shacabka guud ahaan ku dhaqan Gobolka Soolna, waa Shacab muwaadiniin ah, oo u dhashay Somaliland cid ka xigtaana ma jirto, si fiicana way iskugu diiwaangeliyeen Doorashooyinka sannadkan dhacaya, insha allaah dad badan oo ka soo jeeda Gobolka Sool ayaa codayn doona, xaaladda wanaagsan ee uu maanta marayo Gobolkuna ALLE sokadii waxaa sabab u ah Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, oo dedaal iyo juhdi badan ku bixiyey, Xukuumad ahaan iyo Gobol ahaana waxaanu mar kasta leenahay Shacabka reer Sool qaranimadiina Somaliland wax idinka wanaagsani ma jirto, ee iska ilaaliya cid kasta oo isku dayda inay idin khalado”.

Mar uu ka hadlayey wakhtiga kala guurka ah iyo waxaa uga meel yaala ilaalinta hantida ummadda ayuu yidhi “Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, dhiirigelin iyo wacyigelin islaax ah ayuu noo soo jeediyey, oo Shirkii uu noo qabtay wuxuu kaga xog warramay Doorashooyinkan la galayo sannadkan iyo ilaalinta hantida qaranka, awaamiirta uu Madaxweynuhu na siiyey sidooda ayaanu u fulinaynaa, oo Maayaradda iyo Goleyaasha Deegaankaba waanu ku ilaalinaynaa hantida ummadda, raalina kama nihin in hantida ummadda ee qaranka ka wada dhexeeya la lunsado, ama lagu takrifalo, xadiis ayaa ahaa qof walba waa masuul, waxaanu masuul ka yahay wixii la raaciyey, ee Maayarrada dalkana waxaan leeyahay is ilaaliya, akhiradiina ilaaliya, oo hantida ummadda iska ilaaliya, oo mar kasta daacadnimo ummadda ugu shaqeeya”. 

 

Geeska.net/Hargeisa Office