Badhasaabka Gobalka Togdheer Oo Xilkii La Wareegay

0
788

Picture4Burco(Geeska)-Badhasaabka cusub ee gobolka Togdheer Maxamed Muuse Diiriye ayaa xilkii kala wareegay Guddoomiyihii ka horeeyay ee xilka shaqadda iska casilay Md. Axmed Cumar Xamarji.
Munaasibad ay xilka kula kala wareegayeen labadan masuul oo ka dhacday xarunta maamulka gobolka Togdheer ayaa waxa ka qaybgalay Wasiir ku xigeenka arrimah guaha a Cismaan Garaad Soofe ,Maayiradda Burco iyo Berbera ,xubno ka mid ah Guddoomiyayaashii soo maray gobolka Togdheer ,Salaadiin ,Cuqaal iyo marti sharaf kale.
Badhasaabkii hore ee gobolka Togdheer Axmed Cumar X. Cabdilaahi Xamarje oo madashaasi ka hadlay ayaa sharaxaad ka bixiyay waxqabadkiisii mudadii uu gobolka Joogay waxaanu soo bandhigay waxqabad kala gadisan oo uu gobolkaasi ka fuliyay mudadii uu joogay. “ Waxaan gobolka joogay mudo sanad ah ,sanadkaa waxaanu gobolka ka fulinay mashaariico balaadhan kuwaasi oo ay qaarna hay’ado caalamiyi naga taageereen qaarna ay dadweynaha reer Burco iyo Xukuumadu wada fuliyeen ,waxaanan aad ugu mahad-naqayaa dadweynaha reer Burco iyo masuuliyiinta Laamaha Dawladda oo si weyn iila shaqeeyay.”

Mida kale waxa uu Mr Xamarje soo dhaweeyay Badhasaabka cusub ee gobolka Togdheer oo uu sheegay in uu gacan ka siin doono sidii uu u dardargalin lahaa hawsha loo xilsaaray.  Dhinaca kale, waxa xafladaasi ka hadlay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Togdheer Maxamed Muuse  Diiriye, kaasoo ka mahad celiyay sida diiran ee loogu soo dhaweeyay Gobolka “Reer Burco iskuma cusbin, inkasta oo aan xil ka soo qaban, hadana meelo badan kolay waanu iska aragnay, Burco waa hooyadii Somaliland oo waa halkii Somaliland lagu aasaasay”ayuu yidhi Maxamed Muuse Diiriye.

Wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha  Cismaan Garaad Soofe oo xafladaasi ka hadlay, ayaa dar-daraan iyo talooyin u soo jeediyay labada Masuul ee xilka isku wareejiyay, isagoo amaan balaadhan u jeediyay Badhasaabkii hore, kan cusubna ku soo dhaweeyay wada shaqayn iyo gacmo furan.

Cismaan Garaad Soofe ayaa sidoo kale dadweynaha Reer Burco u soo jeediyay inay soo dhaweeyaan Masuulka cusub ee Gobolka loo soo magacaabay, isla markaana la shaqeeyaan.

Wasiir Soofe, ayaa sidoo kale dadweynaha ugu baaqay inay ka waantoobaan kala qaybsanaanta “reer Burco waxaan u soo jeedinayaa inay soo dhaweeyaan Masuulka cusub, kii horena si wanaagsan u sagootiyaan, anniga laftaydu reer Burco ayaan ahaye, dhamaanteen waxa laynooga baahanyahay inaynu isku duubnaan muujino, oo aynaan kala qaybsanaan laynagu arkin”.

Waxa sidoo kale, Munaasibadaasi ka hadlay xubno isugu jira cuqaal, Siyaasiyiin , Xildhibaano, iyo Maayiradda Berbera iyo Burco, kuwaasoo Badhasaabka cusub ugu duceeyay inuu Ilaahay xilka u fududeeyo, kii horena ku bogaadiyay hawl-karnimadiisii shaqo iyo hufnaan Maamul.