Badhasaabka Awdal Oo Ka Waramay Qaabka Uu U Bilaabay Hawlaha Shaqo Ee Gobalkiisa

0
689

Picture1Boorama (Geeska)- Badhasaabka Gobolka ee Gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan ( Ramaax), oo hore u ahaa Badhasaabka Gobolka Sanaag, ayaa ka waramay kulano uu la yeeshay qaar ka mid ah Bulshada Gobolka Awdal, isaga oo ku tilmaamay inay yihiin dad nabada, horumarka iyo wanaaga jecel, isaga oo sheegay in meelaha qaar xaalad abuur laga dhigayo Xaalada Gobolka Awdal. Badhasaabka Gobolka Awdal  Maxamuud Cali Saleebaan ( Ramaax), oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika  ayaa sidoo kale ka waramay kulan uu Shalay la yeeshay Wariyayaasha ka hawlgala Magaalo Madaxda Awdal iyo kulan uu Maanta la yeelan doono Isu-duwayaasha Wasaaraddaha dalka ee Gobolka, waxa uu yidhi “Xaalada Gobolka Awdal, aad ayey u wanaagsan tahay, anigu kolay xilkii ayaan tirsaday, Dadka Gobolka Awdalna waa dad wanaagsan intii aanu ka kulanay, Bulshadoodana waanu is aragnay, waxaanad mooda in hadal haynu Caasimadda  ku badan tahay, oo waxaad mooda meelaha qaar inay xaalad abuur ka tahay,ee Gobolka Awdal waxa laga hadal hayaa horumar, nabad iyo wanaag, ayaa laga hadal hayaa” Badhasaabka Gobolka Awdal oo ka hadlaya kulan uu Maanta la yeelan dooono Isu-duwayaasha Gobolka Awdal ayaa yidhi “Hawl maalmeedkaygii rasimga ahaa in aanu qabsano ayaanu diyaar u nahay, Beri (Maanta), waxa aan la kulmayaa Isu-duwayaasha Gobolka Awdal, oo aanu balansanahay Maanta (Shalay), waxa aan la kulmay Weriyayaashii  Gobolka oo dhan ayaanu kulanay, waxa aan doonaya in Gobolka ku maamulno isku tashi iyo wax wada qabsi, aadna waa la ii soo dhaweeyey”. Badhasaabka Gobolka Awdal mar aanu wax ka weydiinay Weerarkii lagu qaaday isaga iyo Badhasaabka Sanaag ayaa yidhi “Inamo yar yar oo khaldamay ayey runtiii ahaayeen, talabadii xaqa ay u lahaayeena waa laga qaaday, madaama ay ilaa hadda Jeelkii ku jiraan, waxaana filayaa in si wanaagsan iskaga dhammaan doonto, waxaana filayaa in khaladkaasi uu tilmaan u noqdo Dhalinyarada kale.”