Baashe Maxamed Iyo Cali Yuusuf: Laba Qodob Midkood Ayaa La Gudboon

0
611

Picture7Hargeysa(Geeska)-Muranka iyo doodaha ka taagan golaha wakiiladu waxay u muuqdaan inay u janjeedhaan dhinac aanay dani ugu jirin labada guddoomiye ku xigeen, waana sababta fududaysay in wax ka bedelka iyo kaabista lagu sameeyay xeer hoosaadka golaha wakiilada durduro lagu ansixiyo islamarkaana cod lagu muquuniyo cid kasta oo isku dayday inay ka hortimaado.

Wax ka bedelka iyo kaabista lagu sameeyay xeer hoosaadku waxa ay saamayn toos ah ku yeelatay labada guddoomiye xigeen Md. Baashe Maxamed Faarax iyo Md. Cali Yuusuf Axmed, kuwaas oo intii aan loo codayn xeerkaas ka baxay fadhigii golaha. Laakiin bixitaankoodu xataa saamayn kuma uu yeelan xildhibaanadii taageersanaa oo ka qayb galay codaynta, waxaana sidaas ku ansaxay xeerkaas oo sidoo kale dhinacyo kale saamayn ku leh. Ilaa maalintaas oo ahayd toddobaadkii horena labada guddoomiye xigeen waxa ay ka maqanyihiin fadhiyadii golaha, oo haddii ay iman lahaayeen ay fadhiisan lahaayeen laba kursi  oo yaalla kaabadda ka hoosaysa kii ay hore ugu barbaro fadhiisan jireen guddoomiyaha.

Maqnaanshahoodu marka laga tago in la isweydiiyo iyo inuu shaki abuuro, ka sakow ma leh saamayn kale, fadhigii golaha wakiiladuna wuxuu shalay u socday sidii caadiga ahayd, iyadoo ay xildhibaanadii taageersanaa labada guddoomiye-xigeena fadhiga ka qayb galeen.

Haddaba, marka ay sidaas tahay labada guddoomiye xigeen oo ah Baashe iyo Cali, laba qodob ayaa la gudboon:

Waa marka koowaad’e inay iska casilaan shirguddoonka oo ay ka mid noqdaan xildhibaanada golaha si caadi ahna uga qayb galaan hawlaha gole weynaha.

Iiyo qodobka labaad oo ah inay aqbalaan wax ka bedelka lagu sameeyay xeer hoosaadka oo ay fadhiistaan labada kursi ee loogu tallo galay ee cusub.

Labadan qodob oo ay midkood qaataan waxa ay sababi doontaa inay gaadhaan guulo aan imika muuqanin, tusaale ahaan, haddii ay is casilaan oo ay dhex fadhiistaan xildhibaanada ay saaxiibka yihiin waxa loo arki doonaa rag u hoggaansamay codka gole weynuhu qaaday, waxaanay soo ceshan karaan kalsoonida saaxiibadooda kale ee hadda ku dacwiyaya inay Baashe iyo Cali noqdeen laba tuke oo baalcad, kuwaas oo xukuumadda iyo KULMIYE ku dirqiyaya inay kala doortaan xildhibaanada golaha ugu jira ee xeerka ansixiyay iyo Baashe iyo Cali.

Sidoo kale, haddii ay xeerka sidaas ku aqbalaan oo ay fadhiistaan labada kursi ee loo sameeyay waxa ay heli karaan fursad ay dib ugu soo ceshan karaan shacbiyaddoodii golaha dhexdiisa, kana faa’idaysan karaan fursadaha ay u helayaan hoggaaminta golaha, haba noqoto marka uu guddoomiyuhu golaha ka maqan yahay ee.

Labadan jeerba labada guddoomiye ku xigeen ee awooddoodii la dhimay waxa ay fursad u heli karaan in ay golaha dhexdiisa ka heli karaan fursad ay ku xod-xotaan saaxiibbadooda ay isku xisbiga yihiin ee imika dhabarka u jeediyey iyo xataa kuwo kale kana raadsadaan cod u suurtogeliya in xeerkaas sidiisii mar kale dib loogu celiyo, ama ay golaha marsiiyaan xeerar kale oo iyaga u dan ah ama ugu yaraan ay ku aargoosan karaan.

Labada jeerba labada guddoomiye xigeen waxa ay ilaashan karaan karaamada ay hadda golaha ka dhex waayeen, waxa aanay u noqon kartaa xeelad ku dhisan dagaal-waa-gelin dambe oo ay ku muujin karaan awooddooda golaha iyo tamartooda siyaasiga ah.

Hase yeeshe haddii ay Baashe iyo Cali ku sii jiraan marxalada ay hadda ku sugan yihiin ee gooni socodka ka ah saaxiibbadooda 82ka ah, kuna sii socdaan is muujintii ay iyagu sida garka ah isugu dhoweynayeen aqallka dalka looga arrimiyo, waxa ay sii luminayaan xidhiidhkii ay la lahaayeen xildhibaanada ay xisbiga ka wada tirsanaayeen, waxa aanay ku sii ciiin doontaa daranyada goluhu ku hayo, oo u muuqata in ay qayb ahaan ka dhalatay hab-dhaqankii hore ee labada guddoomiye ku xigeen, iyo qaabkii ay kaga jawaabeen isku-shaandhayntii guddiyada golaha oo imika la fahmay in golaha badankiisu isku waafaqsanaa in ay dhacdo.

Ugu dambayntii haddii aanay labada guddoomiye-ku-xigeen hadda qaadin tallaabooyin xikmad ku dhisan oo siyaasi ah, ragga xisbigooda ee golaha kula jirana ay tusaan in ay iyaga la aragti iyo dhinac yihiin oo aanay guri kan ay ku jiraan ka baxsan ku haysan dugsi aanay saaxiibbadooda la qabin, waxa ay u noqon doontaa fursad ay ku soo ceshadaan sumcaddooda xildhibaannimo iyo guddoonnimo, haddii kale waxaa qasab noqonaysa in ay u diyaar garoobaan dagaal adag oo guul ay ka gaadhaan aanay hadda muuqan, haddii aanay maalmaha soo socda waayo cusub qarinayn