Hargeysa (Geeska)- Danjire Baashe Cawil Cumar oo uu dhowaan madaxweyne Siilaanyo u magacaabay wakiilka Somaliland ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa waraysi dheer oo uu siiyey degelka internet ka ee Somaliland Sun oo afka Ingiriisiga ku baxa, arrimaha xiisaha leh ee uu kaga hadlay waxaa ka mid ah caqabadda ay ku keento soddognimada Madaxweyne Siilaanyo, jawaabta uu u hayo doodda soo noqnoqota ee ah in madaxweyne Siilaanyo aanu talada dalka gacanta ku haynin, aqoonta iyo waayo-aragnimadiisa ka caawin karta xilkan diblumaasiyadeed ee loo magacaabay iyo arrimo kale.
Waraysigan oo uu qaaday wariye Yuusuf M. Xasan oo uu Geeska Afrika afsoomaali u rogay, waa waraysigii u horeeyay ee uu toos u bixiyo, waxaa Md. Baashe la weydiiyey, Dhibta ay Somaliland dhexdeeda leedahay in aad noqoto wiil uu madaxweynuhu soddog u yahay? waxa aanu ku jawaabay, in ay caqabado badan leedahay, gaar ahaan marka la eego isaga oo aanay marka hore dad badani aqoon u lahayn shakhsiyaddiisa, isla markaana aan xil dawladeed haynin, taasina ay keentay in uu noqday qof si sahal ah cid kastaa uga hadli karto, sababta oo ah keliya in qoyska koowaad uu la xidid yahay.
Mudane Baashe waxa uu ku cawday in dadka qaar soddognimada madaxweyne Siilaanyo ay ka dhex arkaan soddognimada hoggaamiye kale iyo qof kale u dhexeysay, , “Waa nasiib darro, in dadka qaar ay doortaan in ay xaaladdaydan cid kale ka dhex arkaan, iyaga oo ka eegaya keliya xilka qofka ay inantiisu ii dhaxday (Siilaanyo)” ayaa uu yidhi isaga oo intaas ku daray in fiirada gaarka ah ee dadku u yeesheen oo uu sheegay in aanu mutaysan, isla markaana aanay muhiim ahayni ay ku keentay diiqad fara badan, laakiin uu haddana ka door biday in aanu arrimahaas isku mashquulin ee uu ku dhaqaaqo wax yaabaha kale ee uga muhiimsan noloshiisa. Isaga oo dhinaca kalana isku difaacay in guurkiisii inanta uu madaxweyne Siilaanyo dhalay uu ahaa mid ku yimid jacayl badhax-tiran oo aan ujeeddo kale lahayn, isla markaana uu ahaa 20 sano ka hor xil-qabashadii madaxweyne Siilaanyo, sidaa awgeed uu qalad u arko in la isku-xidho xididnimada ka dhaxaysa qoyska koowaad iyo xilka madaxweyne Siilaanyo u igmaday.
Si kastaba ha ahaato ee Danjire Baashe Cawil waxa uu caddeeyey in xilligii waxbarashada uu dhamaystay aanay marnaba qorshaha ugu jirin in uu siyaasadda galo, isaga oo si dadban u caddeeyey in ugu dambayntii sababta koowaad ee siyaasadda ku soo riixday ay ahayd soddogiisa madaxweynaha hadda ka ah Somaliland oo uu ka qayb galay u ol’olaynta xisbigiisa Kulmiye, “Markii aan joogay California oo ahayd qiyaastii 2002dii, waxa aan ku lug yeeshay u ol’olayntii xisbiga Kulmiye oo markaas uun lagu dhawaaqay, waxa uu ahaa xisbi siyaasi ah oo soddogay oo hadda madaxweynaha Somaliland ah, Md. Axmed Maxamed Siilaanyo uu aas-aasay isla markaana guddoomiye ka ahaa” ayaa uu yidhi Mr. Baashe Cawil oo ka waramayey markii ugu horreysay ee uu dhinaca siyaasadda u baydhay. Isaga oo intaas ku daray in markii dambana uu u guuray magaalada Nayroobi ee xarunta Kenya oo uu sheegay in uu xiisaynayey ganacsiga caalamiga ah, balse ay u dheerayd in uu sidoo kale ka helay fursad uu ku sii hayn karo dhabbihiisa siyaasadeed ee taageerista xisbiga soddogii, oo markaas ahaa xisbi mucaarad awood badan.
Md. Baashe Cawil oo sheegay in uu sannadkii 1972kii ku dhashay magaaladan Hargeysa, xilligaas oo uu aabihii Caawil ka tirsanaa masuuliyiinta baanka dhexe ee Soomaaliya faraciisii Hargeysa, waxa uu waxbarashadiisa oo cilmiga Kimistariga ah ku qaatay jaamacado ku yaalla dalka Ingiriiska, kadib shirkado dhinaca Kimisteriga ah oo ka dhisan Ingiriiska iyo Maraykanka ayaa uu la shaqaynayey muddo isku-dar ku dhow 9 sano.
Mar uu ka jawaabayey bal in xilka diblumaasiyadeed ee loo magacaabay uu aqoon ku filan u leeyahayna waxa uu sheegay in, haddii aanu aqoontii xilkan lahayn aanu qaateenba masuuliyaddiisa, isaga oo sheegay in shaqadiisii shirkadaha ee hore uu fursad u helay xilal masuuliyaddooda ay tahay in lala macaamilo haayado caalamiya oo kala duwan, kuwo gaar loo leeyahay iyo kuwo dawladeed labadaba, taasina ay siisay dareen diblumaasiyadeed, maadaama oo dibulmaasiyadda dunida maantu ay si isa-soo-taraysa ugu xidhan tahay dano dhaqaale iyo ganacsi, nidaamka cusub ee duniduna uu xoogga saaro diblumaasiyad labadaas ku dhisan, “Taariikhdaydaas awgeed, waxa aan ku kalsoonahay, si ballaadhanna u rajaynayaa, in aan leeyahay waxbarashadii iyo waayo-aragnimadii lagama maarmaanka u ahaa in aan maamulo caqabadaha ka hor iman kara masuuliyaddan iyo in aan buuxin karo, hawl diblumaasiyadeedkan muhiimka ah ee laga qabanayo dal istaraatiji ah (Imaaraadka)” ayaa uu yidhi. Ugu dambayntii Baashe waxaa la weydiiyey, maadaama oo uu ka tirsan yahay qoyska madaxtooyada, waxa uu kaga jawaabi karo wararka soo noqnoqday ee sheegaya in Madaxweyne Siilaanyo aanu gacanta ku haynin talada maamulkiisa. Waxa aanu ku jawaabay, “Waa caqli xumo inta badan ka timaadda siyaasiyiinta bilaa garaadka ah. Haddii aanu madaxweynuhu talada haynin, sida ay ku andacoonayaan, markaas yaa taladii haya? Anigu shakhsi ahaan aad baan ula yaabanahay in fikirka noocaas ah la isku maaweeliyo, innaga oo og, guulaha dhinac kastaba leh iyo horumarka dhaqan dhaqaale iyo siyaasadeed ee shantaa sano dalku ku gaadhay hoggaaminta madaxweyne Siilaanyo” isaga oo intaas ku sii daray in kasta oo aanay jirin hal-beeggii iyo farsamadii loo isticmaali kari lahaa in la xaqiijiyo qiyaasta rasmiga ah ee xisbiga Kulmiye xukuumaddiisa madaxweyne Siilaanyo hoggaaminaysaa ka dhabaysay ballan-qaadkeedii, laakiin uu isagu aaminsan yahay in boqolkiiba 85 laga fuliyey.
Baashe waxa uu ku dooday in inkasta oo aanay sax ahayn in laga doodo caafimaadka jidheed iyo maskaxeed ee qofka, iskaba daa marka uu qaran hoggaaminayo ee, haddana maadaama oo su’aashan wariyuhu weydiiyey uu si bilaa cabsi ah isaga oo aan ka war-war qabin in ay wax kaga soo noqdaan u caddaynayo, “In madaxweynuhu uu u caafimaad qabo si aan u dhigmin (Ka fiican marka la eego) da’diisa iyo dhawaaca uu daalka siyaasaddu ku keeno dadka tobannaanka sano ku soo jira. Waa aan hubaa in aad aragtay, isaga oo masaafad dheer ku dabbaalanaya xeebta Batalaale iyo sida joogtada ah ee uu safarro dhulka ah dalka daafihiisa oo dhan ugu maro jidadka aadka u xun (Rafka ah)” Isaga oo intaas ku daray in caafimaad qabkiisa maskaxeedna tusaale uu u yahay guulaha wax-qabad ee uu sheegay in madaxweyne Siilaanyo soo hooyey, sida waxbarashada oo tayadeedii tiradeediiba kor u kaceen, kadib markii uu keenay fikirka ah in lacagta laga daayo dugsiyada hoose, biyihii oo uu sheegay in uu ceelasha dawladdu leedahay ee laga cabbo dalka oo dhan gaadhsiiyey 150 ceel halka ay hore uga ahaayeen 50, xarumo caafimaad, waddooyinka oo ay ka mid tahay waddada 370 KM ah ee Ceerigaabo-Burco ee la wado iyo arrimo kale oo badan oo uu Baase sheegay in aan laga fisheen xukuumad madaxeedii fulinta ee la doortay aanu talada gacanta ku haynin, “Taas lidkeeda, waxa ay waxan oo dhami ku suurogaleen waa gacan ku haynta xooggan ee madaxweyne Siilaanyo uu ku maamulayo iyo isaga oo ah cidda masuuliyiinta uu doortay u igmanaysa hawlaha, igmashadaas ayaana dadka bilaa caqliga ah qaarkood ula ekaatay in uu kursigii darawalka ka maqan yahay” waxa aanu hadalkiisa ku soo gabogabeeyey, “Waa aan sii wadi karaa, laakiin waqtiga awgii, aan halkaas ku joojiyo.”