Muqdisho(Geeska)-Maxamed Cisman Jawaari guddoomiyaha baarlamaanka Somaliya ayaa daboolka ka qaaday in raysal wasaaraha Somaliya uu kala wareegay xaruntii baarlamaanka, isla markaasna uu doonayo inuu xilka ka qaado.
Waxa uu xildhibaanada u soo jeediyay inay difaacaan golaha shacabka oo uu sheegay inuu ka madax banaan yahay fulinta, isla markaasna ay xildhibaanadu u diyaar garoobaan in ay doortaan hogaan cusub ama isaga ay soo celiyaan si ay difaac ka galaan faro galinta fulinta.
Waxaana uu sidan ku sheegay guddoomiye Jawaari shir karaa’id oo uu warbaahinta xalay kula hadlay gudaha Muqdisho”Saldhiga dawladu waa golaha shacabka, shacabka ayaa soo doortay oo codka shacabka ayuu ku hadlayaa haybada shacabka ayaana lagu ciyaarayaa,rayi ayaanu leenahay cod ayaanuna ku kala baxnaa, waxa hada dhacay oo aan aad iyo aad uga xumahay baarlamaanka oo ah laantii sharci dajinta oo ka madaxbanaan laamaha kale ay xukuumadii weerar ku soo qaartay oo mooshinkaas ay iyadu daba joogto, ujeedaduna ay tahay in aanu baarlamaankaaasi shaqayn, waxaanay sababtu tahay arimo anigu aan diiday inaan saxeexo oo ka hor imanaaya nidaamka mabda’a iyo amaanada naloo dhiibay, waana burburin lagu wado golaha shacabka kuwa mooshinka keenay iyo kuwa aan keeninba waxaan ku baraarujinayaa dhamaantood Jawaari waa qof kursiga qof ku dheg-dhagaaya ma ihi, lagumana soo barbaarin, xildibaanadiinu sida aad u dhantihiin burburka halaga ilaasho golahan.”
Jawaari oo hadlakiisa sii wataa waxa uu yidh”golahii shacabka xaruntiisii waxa la wareegtay xukuumada iyada ayaa ka qaaday dhamaan ciidankii joogay, oo ciidamo ka amar qaadanaaya laanta fulinta in meesha la keenay, haddii wax dhibaato ah ay ka yimaadaan waxaan cadaynayaa amniga iyo gudida joogtada ahitoona masuul kama nihin, baarlamaankii gacantayada kuma jiro waxa la waeeegay raysal wasaaraha, ayaa iska leh masuuliyadaas.”
Maxamed Cisman Jawaari guddoomiyaha baarlamaanka Somaliya oo mooshinka ku socda ka hadlaya iyo sida uu u fashilmay waxa uu yidhi”Mooshinkaasi waxa uu noqday 91 waxaana ka dhiman hal,sidaas daraadeed waa mooshin jabay, waxaan ogolahay in xildhibaanada mooshinka soo jeediyay halka ka dhiman inay ku soo darsadaan, si haybad leh loo soo dhigo, oo sanduuqa loo dhigo haddii ay kalsoonida la noqonayaan iyo haddii kaleba, ilaa inta golaha shacabka cid kale loo dooranayo ama aniga laygu soo celinaayo anigaa ka masuul ah.”