Baanka Dhexe Ee Magaalada Burco Oo Soo Af Jaray Maalmihii Loo Qabtay In Lagu Badalo Lacagta Giinbaarta Ah

0
1033

 

lacagHargaysa(Geeska)-Gudoomiyaha baanka dhexe ee Somaliland Md. Cabdi Dirir Cabdi ayaa shalay magaalada Burco kaga dhawaaqay laga bilaabo shalay  inay istaagtay badalaadii lacagtii giinbaarta ahayd ee dhawaan laga bilaabay badalaadeeda magaalada Burco.

 

Shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Burco gudoomiyaha baanku ayuu ku sheegay inay  istaagtay badalaadii lacagta giinbaarta ah ee laga badalayay gobalka Togdheer. Islamarkaana uu dhamaaday wakhtigii badalaada loogu talo galay, waxaanu sheegay in wixii ka danbeeya shalay aan la arki Karin cid isticmaalaysa lacagtii giinbaarta ahayd..

Sidoo kale waxa uu gudoomiyahu sheegay in gobalada hadhayna lacagtaasi laga wada badali doono, Hargaysa iyo Burco-na aan lagu arki doonin Doolar sixir kala duwan lagu sarifaayo, isla markaasna baanka Somaliland subaxii sixirka Doolarka jaangoyn doono.

Lacagtaasi la badalay ayaa uu gudoomiyaha baanku ku sheegay 19,800,000,000 (Sagaal iyo toban bilyn iyo sided boqol oo milyan) oo shilinka Somaliga ah. Waxaanu sheegay in xafladii xidhitaanka lagu qaban doono Hotel City Plaza ee magaalda Burco, lacagtaasina lagu wareejin doono guddi qaran oo madaxwaynuhu u saaray.

Gudoomiye Cabdi Dirir Cabdi ayaa ku tilmaamay badalaada lacgtaasi talaabo hore loo qaaday iyo inay xukumaadu Axmed Siilanyo ku guulaysatay balanqaadkii uu u balan qaaday bulsho waynta reer Togdheer.