Cabdiwahaab Daahir Khaliif
waxaa inagu soo fool leh doorashadii madaxtooyada somalialand oo dhici doonta insha AllAh 11/13/2017. dhamaan haldoorka iyo Aqoonyahanka somaliland waa inay ka foaadaan qabyaaladda aanay cidna ku raacin. Xaalada dalku maanta ku jiro waxay tahay xaalad kale guur ah dalkuna isbedal ayuu u baahanyahay waa in loo gurmado xaaladaha adag ee maanta dalka ka jira taasina waxaa lagaga bixi karaa waa isbedal . waxaan ugu baaqayaa dhamaan inta jecel horumarka in maanta halkan la taaganyahay hore Looga sii socdo waa inaan ka fogaano qabyaalad somaliland maanta way kasoo gudubtay wakhtigii lagu dooranlahaa qabyaalad maanta dalku waxa uu u baahan yahay in Dunida inteeda kale lagu soo xidho. iyo saaxiibadii somaliland ee inaga tagtay
somaliland waxay taagantahay wakhtigii dunida loo iib gaynlahaa. taasina waxay ku xidhantahay cida maanta aad doorataan mustaqbalka umadan waa inaad heshaan hogaamiye ku hogaamin kara aqoonta iyo waayo aragnimo diblamaasi.
xaalada dalku maraayo maanta waxaa wax ka bedali kara waa xisbiga waddani. Haday tahay sixir bararka. iyo shaqo la’aanta iyo dhamaan baahiyaha aasaasiga. waxaan u sheegayaa dhamaan inta jecel horumarka ee bulshada qaybaheeda kale duwan. Sida, madaxdhaqmeedka, culumada diinta iyo Aqoonyahanada qaybaheeda kale duwan waa in aanay marna ku dooran qabyaalad oo doortaan cida maanta bulshada somaliland waxay u baahantahay wax ka qabanaysa isku duubnideenana waa inaan ilaalinaa Nabad galyada somaliland wixii wax u dhimaya waa inaan meel uga soo wada jeedsanaa qaranimada iyo madaxbanaanida jamuuriyada somaliland.