Is-dhaxaliddii Imbaraadooriyadaha iyo boobkii dhulka Waxaa soo ururiyey Kamaal A. Cali … Q:1aad
Hargeysa (Geeska)- In badan ayaa aynu warbaahinta kala duwan ee dibadda iyo gudahaba ka maqalnaa in dalka Maraykan uu yahay quwadda koowaad ee dunida maanta, dhinaca dhaqaalaha, awoodda maaliyadeed, cududda milateriga, tayada diblumaasiyadda iyo si guud dhismaha qarannimo ee maanta quwaddiisa cid kastaa ka marag kacayso.
Maraykan nidaamkiisa dawladnimo waa Jamhuuriyad Federaal ah oo ka kooban 50 gobol iyo degmooyin Federaal, haddii aynu dhinaca israacsanaanta dhuleed ka eegnana; Maraykan waxa uu ka koobanyahay 48 gobol oo dhul ahaan is raacsan iyo magaalada Washington DC ee xarunta u ah dalka, intaasi waxa ay dhacaan badhtamaha qaaradda woqooyiga Ameerika, dhulka baaxadda leh ee u dhexeeya dalalka Kanada iyo Mexico. Gobolka Alaska isagu waxa uu dhacaa woqooyiga-galbeed ee Woqooyiga Ameerika, halka gobolka Hawaii oo kontan tirada ka dhigayaana uu yahay jasiirado yaryar oo ku yaalla badhtamaha badweynta deggen (Baasifigga). Maraykan waa dalka afaraad ee dhul ahaan ugu weyn dunida oo dhan, dhinaca dadkana waa dalka saddexaad ee dunida ugu dadka badan. Haddii si kale loo dhigana waxaa uu ka mid yahay dalalka muwaadiniintoodu ay ugu kala duwanaanshiyaha badan yihiin dunida oo dhan, dhinaca isirka iyo dhaqanka, sababta ugu badan ee kala duwanaanshiyahaas isirka, midabka, dhaqanka iyo diinta ahina waxa ay ku timid dadka tirada badan ee sida joogtada ah muddada dheer ugu haajirayey dhulkan iyo dalkan oo sannad kasta sifo sharci ah u qaata dad uu dalkiisa ku deegaameeyo.
Intaasi waa xog muhiim ah oo ku saabsan dalka dunida maanta calanka u sida, laakiin jawaab shaafi ah uma noqonayso cidda doonaysa in ay wax ka ogaato sababaha loo malayn karo in ay gogol xaadh u ahaayeen in dalkani uu soo gaadho heerka uu maanta ka taagan yahay dunidan. Qormadan oo aynu ka soo ururinnay ilo kala duwan oo seeskooda koowaad uu yahay maqaalka, ‘Sidee uu Maraykan ku noqday dalka dunida ugu awoodda badan’ (How America became the most powerful country on Earth) oo uu qoray Max Fisher.
Tallaabooyinka uu Fisher ku doodayo in ay u gogol xaadheen awoodda Maraykan waxaa ka mid ah:
1. Dagaalkii gogol-xaadhka u noqday in Ingiriisku uu qabsado Maraykanka woqooyi: Qayb badan oo awoodda Maraykan maanta leeyahay ahi waxa ay ku timid baxaadda weyn ee bedka uu dalkaasi ku fadhiyo dhul ahaan, waxa uu ka mid yahay dalalka dunida oo dhan ugu waaweyn dhul ahaan iyo dad ahaan. Waa dal qani ku ah khayraadka dabiiciga ah iyo dadka oo dhaqaale ahaan lagu tiriyo in ay Raasamaal yihiin.
Xuduudda woqooyi ee dalka Maraykan ma’ay ahaan jirin sida ay maanta tahay, waxase sidan ka dhigay dagaalkii Faransiiska iyo Hindida, oo qayb haddana gaar uga soocan ka ahaa dagaalkii toddobada sano ee Yuurub. Dagaalkaas Hindida iyo Faransiisku waxa uu ku dhammaaday in Faransiisku uu dalalka Ingiriiska iyo Isbayn faraha uga qaado dhulkii ballaadhnaa ee qaaradda woqooyiga Ameerika uu ka haysan jiray. Hoos u dhicii muddo kadib ku yimid awoodda Imbaraadooriyaddii Isbaanishkuna waxa ay mar kale fursad siisay Imbaraadooriyaddii Ingiriiska oo dhulkii la wareegtay, aakhirkiina Maraykanka ayaa Ingiriiskiina kala sii wareegay.
2. Maraykanku waxa uu boobay dhulkii ay lahaayeen dadkii asal ahaan deegaanka u ahaa: Markii gobolladii ugu horreeyey Maraykanku ay ku dhawaaqeen madax bannaanidoodu waxa ay ahayd sannadkii 1776kii, laakiin maadaama oo ay xaqiiqo tahay in dunidu ay soo jirtay sannado aad uga badan intaas, waxa aynu dareemi karnaa in dawladnimadan casriga ah ka hor ay jireen dad asal ahaan deegaan u lahaa dhulka uu Maraykan dawladnimadiisa ka taagay.
Xilliyadii ay dhulkan soo gaadheen sahamiyeyaashii hore iyo gumaystayaashii reer Yurub waxa uu ahaa dhul ay ka buuxaan bulshooyin guun ah oo kala duwani. Haddii aanu Maraykan dadkaas ka eryi lahayn dhulkooda, kana mamnuuci lahayn inay yeeshaan nidaam is-maamul oo u gaar ah, waxaa aad suurtogal u ah in bulshooyinkaasi ay maanta ahaan lahaayeen dawlado qawmiyadeed kala duwan oo qarannimo buuxda haysta. Nasiib darro dawladii Maraykan ee dhisantay waxa ay dagaal ba’an ku qaadday dadkii dhulkan ay ka dhisantay lahaa. Si qasab ah ayaa maamulkii dhismay ee Maraykan uu dadkii dhulkan lahaa iyo dhulkoodiiba ku dhex milay bulshooyinkii kale. Arrinta ugu weyn ee dawladda arrintan u sahashayna waxa ay ahayd dadkan oo badow ka ahaa nolosha iyo dawladnimada casriga ah, aqoonta oo ku yarayd iyo dadkii oo markiiba lagala dagaalamay tarantii si aanay u badan, taasina ay keentay in ay ka tiro yaraadaan dadkii soo-galootiga ahaa ee gumaystuhu uu dhulkan ku soo buuxiyey.
Waxaaba jira dad badan oo ku dooda in saynisyahannadii gumaystayaashu ay dadkan ku sameeyeen baadhitaanno qarsoodi ah oo u caddeeyey in ay abuur ahaan u nugul yihiin xanuunno uu hargabku ka mid yahay, kadibna si ula kac ah dadkii loogu sii dhex daayey Fayrasyo dhalinaya cudurradan.
Ficilladaas foosha xun oo maanta ah waxa ugu badan ee ay dunida reer galbeedku ku faanaan la dagaallankeeda, sababna uga dhigtaan weerarrada iyo burburinta qaramo aad uga fog dhulkooda ayaa ahaa seeska lagu dhisay saamaynta awoodeed iyo saldanadda Maraykan ee maanta ka jirta woqooyiga qaaradda Ameerika, kadibna u sii gudubtay in uu noqdo dalka ugu awoodda badan dunida oo dhan.
La soco…