Axmed Aw Geedi Oo Shaqadiisii Uga Tagay Maansadii Garba-diir Ee Uu Xukuumadda Ku Dhaliilay

0
991

Picture8Hargeysa(Geeska)-Iyadoo aanay toddoba maalmood ka soo wareegin maalintii Jimcihii ee uu Abwaan Axmed Aw Geedi, soo bandhigay maansada Garbo-Diir, ayaa waxay xukuumadda Somaliland culays saartay hay’adda Havoyoco ee uu ka shaqayn jiray, waxaanu culayskaasi sababay in Abwaanku shaqadiisii uu iska casilo si aanu u sahayan hay’adaas.

Abwaan Axmed Aw Geedi, ayaa qoraal kooban oo uu shalay soo saaray wuxuu ku sheegay inuu shaqada joojiyay, ka dib markii maansadaas uu tiriyay lala xidhiidhiyay hay’adda Havoyoco oo uu sheegay inaanay waxba kala soconin. Qoraalkaas shaqo ka tagista ah ee uu Abwaanku soo saaray wuxuu ku yidhi sidan: “Aniga oo ah Abwaan Ahmed Aw Geedi Maxamuud  waxa  aan dadwaynaha lasocodsiinayaa in aan ka tagay shaqadii HAVOYOCO aan u hayay laga bilaabo maanta oo ah 21 January 2014 sababaha hoose ku qoran awgood.

Sida dad badani la socdaan waxa aan dhawaan soo saaray maanso la magacbaxday  Garbo-diir taas oo ahayd fikirkayga gaar ah taas oo aanan cidna ku mataleyn fikirkooda urur iyo shaqsiyaad gaar ah midnaba

Midda labaad maansadan waxa lala xidhiidhiyey xafiiska aan ka  shaqeeyo ee HAVOYOCO oo runtii  aan waxba kala socon tirinta maansadan shaqana aan ku lahayn  haba yaraatee

Sidaa darteed waxa aan go’aansaday in aan ka tago shaqada aan u hayay xafiiska HAVOYOCO laga bilaabo taariikhda kor ku xusan si aan howlahayga gaar ka ah ugu madax banaanaado.”

Talaabadan ayaa muujinaysa sida loo baacsanayo cid kasta oo aragti kaga hortimaada xukuumadda Somaliland. Maansadaas uu Abwaanku soo bandhigay ayaa ah mid miisaan culus oo suugaaneed huwan, waxaanay dhaliilaysaa xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Siilaanyo.