Awoodda Maskaxda Aadamuhu U Leedahay In Ay Xidhiidho Iyada Oo Kala Fog

0
762

Picture3Sidee Aad Ku Garan Kartaa In Qof Aan Kula Joogin Kugu Fikirayo? Waxaa soo ururiyey Kamaal A. Cali

Hargeysa (Geeska)- Waa hubaal in ay marar badan ku soo martay in aad si kedis ah u xasuusatay qof aanad muddo dheer arkin, kadibna qofkii aad xasuusatay uun aad aragto isla maalintii ama maalmihii dhowaa ee ku xigey!! Adiga oo u qaadan la’na aad ku qaabishay, “Maalin dhoweyd ayaan niyadda kugu hayey” iyo ereyo la macno ah.

Sidoo kale waxa aad marar badan isku aragtay shucuur ay niyaddaadu uun hoos kuugu sheegayso in wax aan caadi ahayni dhacayo, kadib adiga oo fahmi la’ aad is-illowsiisay, laakiin muddo gaaban kadib ay dhacday arrintii aad ka cabsanaysay, oo marka koowaad ee lagu sheego aad mooddaba in arrintan qudheedu ay mar horena dhacday iyada oo aan tan hadda waxba kaga duwanayn laakiin runtu ay noqoto in maanta ay ugu horreyso!

Dareenka noocan ah waxa ay cilmibaadhayaashu afka qalaad ku magacaabaan Telepathy oo ay ku qeexaan; fikirro iyo muuqaallo humaag ah oo guud ahaanba nooluhu ay is dhaafsadaan / wadaagaan iyaga oo aan adeegsanayn dareemayaasha caadiga ah ee shanta ah (Maqalkar, Aragga, Urta, taabashada iyo dhadhamada). Ama haddii aynu si kooban u nidhaahno waa laba qof oo maskaxdoodu ay wada hadasha ama xidhiidha iyaga oo aan meel wada joogin wax u dhexeeya oo ay isu-marayaanna aanu jirin. haddii aynu ku sheegno af aan cilmi ahayna waa in qofku uu garto ama akhristo afkaarta qofka kale maskaxdiisa ku jirta oo uu garto waxa uu niyadda ku hayo qofkaasi isaga qudhiisana afkaarta maskaxdiisa ku jirta uu qaabkaas oo kale ku gudbin karo” waxa aanay dadka qaar ku naanaysaan dareenka lixaad oo ay ku sii darayaan shanta dareen ee sida caadiga ah aadamuhu u leeyahay.

Maqaalkan oo uu afcarabi uu ka soo turjumay wargeyska Geeska Afrika waxa uu qoraagu aragtidan Telepathy ku xoojinayaa xujo diiniya, waxa aanu qoraalkiisan ku leeyahay, “Dadka is-jecel ayaa ugu badan kuwa leh awooddan ah in niyadda laga xidhiidho, waayo, ruuxda ayaa  isu-timaadda, sida uu Rasuulku (SCW) ku sheegay xadiis macnihiisu noqonayo, “Ruuxdu waa sida junuud la isu ururshay, inta iska garata ama iska fahamtaa waa ay isu-timaaddaa / midowdaa intii is-fahmi weydaana waa ay kala tagtaa)” Marka ay sidaas tahay, ee ay arwaaxdaas uu Nebi Muxammed (SCW) inoo sheegay isu timaaddo waxaa kor u kacaaya fursadda ah in ay arwaaxdaasi xidhiidho.

Dadka is-jecel ee uu dhex maro dareenkan aynu u bixin karno niyad-ka-xidhiidhka waxaa ka mid ah dadka isku qoyska ah, saaxiibbada aadka isu jecel, hooyada oo dareenta marka mid carruurteeda ka mid ah oo ka maqani uu dhib qabo, ama qof qoyska ka mid ah oo dareema in xubin qoyska ka mid ah geerideedu soo dhowaatay. Waxa aanay khubaradu aaminsan yihiin in xidhiidhka niyadda ee dadka qaraabada dhow ahi uu ka xooggan yahay inta badanna xaqiiqada uga dhowyahay dadka kale. tusaalayaasha aynu arrintan ku xoojin karno waxaa ka mid ah xidhiidhka niyadda ee sida caadiga ah loogu arko walaalaha mataanaha ah, oo ay dhacdo in ay mar wada bukoodaan xitaa iyaga oo masaafad dheer kala fog, isla markaana aan is xaal ogeyn, waxaa iyaguna dhacda in labada ruux ee mataanaha ah midkood uu niyadda geliyo in uu mataankiisu la soo xidhiidho ama xidhiidhaan, kadibna uu ku soo naxo mataankii uu niyadda ku hayey oo tusaale ahaan talefanka kala soo hadlay, arrintaas oo in badan dhacda.

Si kastaba ha ahaato ee macnuhu ma’aha in xidhiidhka maskaxda ay shardi u tahay in labada qof ay qaraabo ama ehel dhinaca dhiigga ah oo dhow yihiin, waayo waxaa in badan dhacda in ay niyadda ka xidhiidhaan ninka iyo xaaskiisu ama laba ruux oo saaxiibbo aad isu jecel ahi. Marka ay labada qof wada joogaan qudheeda waa la arkaa in ay maskaxdoodu xidhiidho, oo tusaale ahaan aad arkayso labada qof oo isku mar fikir wada helaya oo marka midi fikir ka hadlo ama war sheego uu ka kale odhanayo waaba isla fikirka aan niyadda ku hayey ama isla warka aan rabay in aan kuu sheego imika. Waxaa iyaduna dhacda in labada qof oo sheekaysanayaa ay mar keliya erey wada yidhaahdaan ama isku mar ay hadallo isku mid ah ku dhawaaqaan iyaga oo aan is ogeyn, arrimahaas oo dhami waxa ay qayb ka yihiin xidhiidhka maskaxeed ee aadamaha qaarkii dhex mara iyaga oo aan adeegsanayn hababka caadiga ah ee lagu xidhiidho, waana xidhiidhka aynu kor ku soo xusnay in khubarada cilmigu ay u yaqaannaan Telepathy oo ka kooban labada erey ee kala ah Tele macnaheedu fogaanta yahay, iyo Pathy oo macnaheedu yahay dareen ama u uur dabcid oo kale.

Inta badan xidhiidhka maskaxdu waxa uu dhacaa xilliyada ay labada qof midkood haysato xaalad degdeg ah ama khatar ama marka uu midkood si aad ah ugu baahanyahay kan kale, sida xilliyada masiibooyinku dhacaan, tusaale ahaan waxaa dhacda in laba qof oo aad u saaxiib ah uu midkood shil galo, kadibna saaxiibkii kale oo aan la joogin, uu niyadda ka dareemo in saaxiibkii xaalad aan caadi ahayn ku jiro, ama waxa dhacdaba in ay maskaxdiisu tusto humaag dhibi ka muuqato oo saaxiibkiina ku dhex jiro, haddii kale ugu yaraan waxa uu dareemayaa in isaga ay wax ka si yihiin, sidii wax naxsan, cadhaysan, warwarsan, ama shucuurta uu qofku dareemo marka dhiillo loo sheego.

Dadka oo keliya kuma koobna shucuurtan ah in niyadda labada noole ay xidhiidho ama in nooluhu uu sii dareemo shay aanu war ka haynin, xayawaanka qudhooda ayaa lagu arkaa, tusaale ahaan xayawaanka guri joogta ah sida bisadaha iyo eyda ayaa la arkaa in ay dareemayaan ruuxii rabbaystay dhib ku dhacday ama shucuur aan fiicnayn oo uu qabo. Tijaabooyin badan oo ay khubarada saynisku ku sameeyeen xayawaanno kala duwanna waxa ay ku xaqiiqsadeen in xayawaannada qaarkood maskaxdoodu awood u leedahay in ay sii saadaaliso masiibo dhacaysa, sida dhulgariirka, daadadka iyo masiibooyinka adduunka ka dhaca, tusaale ahaan waxa uu cilmiga xaqiijiyey in kalluunka, lo’da, eyda iyo bisaduhu ay leeyihiin awood maskaxeed oo sii saadaalin karta dhulgariirka saacado ka hor inta aanu dhicin, eyda waxaa in badan looga soo joogay in ay awood maskaxeed u leeyihiin in ay ogaadaan khatarta ku soo fool leh qofka rabbaystay, sidaa awgeed waxa aynu in badan warbaahinta ka maqalnaa xayawaanno ey u badan oo badbaadiyey ruuxii rabbaystay.

Marka ay khubaradu sii sharraxayaan xarakaadka lagu arko xayawaannadani marka ay dareemaan khatarta soo socotana waxa ay sheegeen in tusaale ahaan kalluunka la arko isaga oo si aan dabiici ahayn biyaha uga soo boodaya, bisdaha rabbaayadda ah waxaa la arkaa iyada oo guryaha ay jeclaayeen ee weligood ku soo noolaayeen ka ordaya oo jeclaysanaya in ay bannaanka tagaan oo fogaadaan sida oo ay baxsanayaan. Bakaylayaashu iyagu madaxa ay la dhacaan waxa ku xeeran, wax kasta oo uu yahay sida gidaarka iwm. Doofaarka ayaa isna ka mid ah xayawaannada leh awoodda maskaxeed ee ay ku sii dareemi karaan wax soo socda, marka ay khatari soo fool-leedahayna waxaa lagu yaqaannaa in ay qaniinyo iskula jeestaan oo midiba mid qaniino. La soco…