Aviationku guud ahaanba, gaar ahaana shirkadaha diyaaraduhu (commercial airlines) aad iyo aad ayey ugu nugul yihiin masiibooyinka ka dhaca dunida, haday tahay Dagaal iyo colaado, xanuuno baaha, daadad, duufaano, iyo masiibo kasta oo aduunka saameysa. Tusaale ahaan, 20kii sannadood ee ugu dambeeyey aduunka waxa ka dhacay colaado, dagaalo, xaalado nabad gelyo darro, weeraro, cuduro faafay, daadad iyo tsunami, qiiq iyo volcano qarxay dhamaantoodna saameyn taban ayey ku yeesheen aviationka oo shirkado badan oo diyaaradeed ayaa kacay ama laalaabtay. Bal qaarkood aan xuso:-
- Sanadkii 2001da waxa ka dhacay dalka Maraykanka weeraro loo adeegsaday diyaarado ganacsi (commercial flights) kuwaas oo lala beegsaday goobo muhiim ah oo ku yaalay dalka Maraykanka sida Xaruntii Ganacsiga Aduunka (World Trade Centre) iyo Wasaarada Gaashaandhiga (Pentagon). Maadaama weeraradaas loo adeegsaday diyaarado, taasi waxay keentay inay dadkii ka cabsadaan ama ka maagaan inay diyaaradba raacaan. Waxa daba qabsi noqday Tareenadii iyo Busaskii waaweynaa ee magaalooyinka iyo dalalka xuduuda leh isaga kala bixi jirey. Shirkado diyaaradeed oo badan dawladahooda ayaa lacag ku kabay si aany u kicin, hase yeeshee shirkadihii itaalka yaraa ama aan dawladahoodu dhaqaale buuran haysan ama u hurin si loo badbaadiyo, iyaga kuwaasi hawada ayey ka baxeen.
- Sanadkii 2003da waxa dalalka Asia – Pacific ka dilaacay ka dibna aduunka ku faafay xanuunka Severe Acute Respiratory Syndrome (SARS) kaas oo shabaha xanuunkan hadda ee Corona virus. Wakhtigaa waxa yaraaday safarkii dadka ee diyaaradaha, waxaanay taasi keentay in shirkado badani laalaabtaan. Guud ahaan khasaaraha diyaaradaha ee aduunka soo gaadhay waxa lagu qiyaasay inuu ahaa $7 billion.
- Sanadkii 2004ta daadad ayaa ku soo rogmaday 18 dal oo ku yaala Southeast Asia iyo Southern Africa. Daadadkaas oo ay sababeen mawjadaha badda oo xoog leh oo ka dhashay dhulgariir badda hoosteeda ka dhacay, kuwaas oo qaatay qaybo badan oo ka mid ah dalalkaas. Goobaha daadaku saameeyeen waxa ka mid ahaa garoomada diyaaradaha, taas oo sababtay in duulimaadyadii diyaaraduhu istaagaan, diyaarado badani shaqada joojiyaan, khasaare dhaqaale oo badana soo gaadho.
- Sanadkii 2009ka waxa ka dilaacay dalka Mexico xanuun loo bixiyey Swine flu oo la sheegay inuu ka yimid doofaarada. Xanuunkaasi saamayn balaadhan ayuu ku yeeshay diyaaradaha aduunka, waxase uu si balaadhan u dhaawacay diyaaradaha laga leeyahay dalalka ku yaala Latin Amerika, halkaas oo ahayd xudunta uu ka soo faafay xanuunku.
- Sanadkii 2010ka volcano ayaa ka qarxay dalka Iceland. Qiiqii iyo Dambaskii ka soo baxayey waxa uu ku faafay dhamaan hawada sare ee dalalka Yurub, taasina waxay keentay in duulimaadyadii diyaaradaha la joojiyo arimo badqabka la xidhiidha awgeed, maadaama Qiiqa iyo Dambasku ay dhaawacayaan mishiinka diyaarada. Taasi waxay keentay in garoomadii diyaaraduhu noqdeen faaruq haawanaya. Wakhtigaa waxaan ka shaqaynayey airportka Bristol, waxaanu kubad ku dhex ciyaari jirney dhabihii (runwaygii) ay diyaaraduhu ka duuli/degi jireen. Khasaare badan ayaa gaadhay diyaaradaha Reer Yurub wakhtigaa.
- Sanadkii 2014ka cudurka Ebola ayaa ka dilaacay galbeedka Afrika. Dhamaan shirkadihii diyaaradaha ee laga lahaa galbeedka Afrika ama duulimaadyada ku tagi jirey way joojiyeen duulimaadyadii, taas oo khasaare maaliyadeed gaadhsiisay shirkado badan oo caalami ah.
- Imika waa Corona virus oo ka bilowday China kuna fiday aduunka. Wali waa xilli hore in la qiyaaso khasaaraha uu gaadhsiin karo shirkadaha diyaaradaha, hase yeeshee hay`ada ay ku bahoobeen badiba shirkadaha diyaaradaha ee loo yaqaan International Air Transport Association (IATA) waxa ay ku qiyaastay khasaarahaa $113 billion. Si kastaba ha noqotee, waxa cad in cudurkani uu yahay masiibadii ugu saamaynta badnayd ee ku habsata aviationka. Wasiirka Maaliyada ee dalka Maraykanka ayaa yidhi “saamaynta uu xanuunkani ku yeelanayo aviationku way ka xun tahay tii Sep 11 ay ku yeelatay”. Xarunta cilmi baadhista iyo daraasaadka aviationka ee loo yaqaan Centre for Aviation (CAPA) waxa ay sheegtay war dhiilo leh oo odhanaya “inta badan shirkadaha diyaaradaha ee ka jira aduunku way kacayaan ama masalafayaan marka la gaadho dhamaadka bisha May”. Gudoomiyaha IATA oo talo siinaya diyaaraduhu waxa uu kula taliyey inay shirkaduhu midoobaan si aanay u wada kicin.
Guntii iyo gabogabadii, xanuunkani oo dhamaanba noloshii aduunka saamayn taban ku yeeshay, wuxuu u muuqdaa inuu yahay “Handaraabkii” ugu adkaa ee ku dhaca aviationka.
Halkaa ha joogto maanta
Cabdikariim Cali Baarjeex
Aviation Consultant
Herer Aviation Solutions