Ramadaan Kariim, waa mar kale iyo dhigane caafimaad oo aynu ku faaqidayno saamaynta caafimaad ee balwaduhu keenaan iyo weliba sida aynu ugu sixi karno bishan barakaysan ee ramadaan.
Maanta waxa aynu gooni u milicsan doonaa sigaarka iyo dhibaatooyinka caafimaad ee ka unkama. Cabidda sigaar-ka ayaa ah mid halis weyn ku haysa caafimaadka aadamaha , hadeerna ka mid ah sababaha ugu badan ee loo dhinto. 2015 dalka Malaysia, waxa ay xaqiijiiyeen in dad ku dhaw 20,000 oo qof u geeriyoodeen masiibooyin ka farcamay sigaarka iyo wixii la hal maala. Sigaar marka aan ka hadlayo waxa aan u jeedaa maaha oo qudha sigaarka ee waxa ku ladhan badeecadda/shiishada iyo buuriga. Waxa la aaminsan yahay in badeecaddu ka dhib badan tahay sigaarka.
Sigaarka ayaa ka kooban maadooyin badan oo sun ku ah jidhkeena kuwaas oo keena dhibaatooyin kala duwan.
Maadada Nicotine ayaa ah mida keenta in uu qofku la qabsado isla markaana uu sigaarka joogteeyo isticmaalkiisa. Sigaarka ayaa ka kooban maadooyin badan kuwaas oo qaarkood kaba dhashaan gubashada warqada uu ku duuban yahay. Waxa la og yahay in ilaa 70 maado oo keeni kara cudurka kansarku ay ku jiraan tobacco-da/buuri-ga.
Maadada Tar ayaa iyana ah maado ku jirta sigaarka ama buuriga. Maadadan ayaa ah mid dhegdheg leh midabkeeduna yahay bunni taas oo ku dhagta ilkaha, cidiyaha iyo sambabada.
Carbon monoxide waa maado aan ur iyo dhadhan toona lahayn, hase ahaatee keeni karta mararka qaar ilaa heer dhimasho. Maadadan ayaa unugyada dhiiga ee cas kula tartanta Oxygen taas oo hoos u dhigta xadiga uu qaadi karo dhiigu isla markaana ka yaraato xubnihii jidhka aadamaha.
Formaldehyde & Acetaldehyde waa laba maado oo ay isku dhaw yihiin walxaha ay ka samaysan yihiin. Formaldehyde waa maado la xaqiijiyey in ay keeni karto kansarka dadka halka maadada Acetaldehyde ay ku keento kansarka xayawaanka lana tuhunsan yahay in ay ku keeni karto basharka. Si kastaba ha ahaatee labadan maado ayaa keena dhibaato soo gaadha dubka/maqaarka, indhaha, cunaha iyo hab-dhiska neefsiga.
Kuma soo koobi karno hal qormo dhibaatooyinka kala duwan ee laga mudan karo cabidda sigaarka, waxa aynu se soo qaadan doonaa xubnaha ugu muhiimsan iyo waxyaabaha uu ku keeno.
Cabitaanka sigaarka ayaa hagardaamo gaadhsiin kara maskaxda in kasta oo aan la haynin cilmi baadhisyo badan hadana waxa qaarkood xuseen in sigaarku hoos u dhigo hawlaha maskaxda sida go’aan qaadashada, garaadka qofka , xusuusta iyo in uu ragaadiyo barashda wax cusub. Waxa intaa lagu daraa in ay maskaxdu yaraato isla markaana ay ku dhacaan is bedelo kala duwan. Waxa lala xidhiidhiyaa in uu kor u qaado asaasaqa iyo cudurada ku dhaca maskaxda.
Sigaarka ayaa kor u qaada in dhiigu xinjiroobo taas oo keeni karta xaalado halis gelin kara nolosha qofka. Fibrinogen waa mid ka mid ah maadooyinka ka qayb qaata samaynta xijirta, maadadan ayaa la arkay in ay kor u kacdo dadka sigaarka caba isla markaana ay degdeg hoos ugu soo dhacdo marka uu qofku sigaarka joojiyo. Arrinta yaabka leh ayaa ah in ay qaadato muddo 5 sanno ah sida lagu xaqiijiyey cilmi baadhis ay soo saartay NPHS in ay la mid noqoto xadiga qofka aan sigaarka cabin. Xinjirawga ayaa keeni kara in uu wax yeello u geysto xubnaha jidhka ugu muhiimsan sida wadnaha taas oo uu qofku marar badan u geeriyoon karo. Sida oo kale sigaarku waxa uu wadnaha ku keenaa garaaca oo bata, dhiiga oo kaca, halbawlayaasha oo yaraada iyo wixii la hal maala.
Waxa aad caan u ah saamaynta baahsan ee sigaarku ku leeyahay sambabada aadmaha. Sigaarka ayaa xanniba hababka kala duwan ee ay isku difaacaan sambabadu taas oo keenta in ay ku uruuraan maadooyin sun ahi. Waxa mararka qaar qofku isku arkaa naqaska oo qabanaya taas oo sigaarku ku keeno in dhuumaha hawadu bararaan cidhiidhina noqdaan taasina ay keento in uu yaraado dariiqa ay marayso hawadu. Sigaarka ayaa keena dhaawac aan la mahadin oo ku yimaada kiishashka yar yar ee hawada dhiiga u gudbiya. Waxa jira cudur aad caan ugu ah dadka sigaar cabka ah oo loo yiqaano COPD kaas oo ah 3da cudur ee ugu dhimashada badan dalka maraykanka. Sigaar ka ayaa si gaar ah loola xidhiidhiyaa kansarka ku dhaca sambabada kaas oo ah mid halis weyn ku haya caafimaadka dunida.
Dadyawga sigaarka caba ayaa aad ugu nugul caabuqyada kala duwan sida oof ku soo noq-noqota. Waxa kale oo uu hoos u dhiga dhumucda lafaha, halka muruqyada qaar adkeeyo sidaana ay ku lunto hufnaanta shaqadii uu qaban lahaa. Balwadaha ayaa sida oo kale saamayn ku leh taranta aadamaha rag iyo dumarba.
Isla garanay oo lafa gurnay qaar ka mid halista sigaarka, hadaba ma uga faaidaysan karaa qof kasta oo leh balwadda sigaar cabidu in uu joojiyo balwadan soonka bisha ramadaan. Diraasad lagu sameeyey dalka Malaysia ayaa lagu la socday dadka caba sigaarka bisha ramadaan iyo ka dib. Waxa lala socday heerarka kala duwan ee maadada nicotine iyada oo la adeegsaday laba nooc oo baadhitaano ah . waxa la arkay in ay hoos u dhacday maadada nicotine ee ku jirta candhuufta iyo in la arkay in uu hoos u dhac ku yimi ku tiirsanaanta jidhka ee maadada nicotine. Marka ay maadadni hoos u dhacdo waxa uu si fudud qof ku isaga dayn karaa sigaarka, taasina waxa ay horseedi kartaa in uu ka badbaadi karo dhibaatooyinka sigaarka.
Caqligaaga marka aad adeegsato waxa kugu soo dhacaysa su’aal ah qofka dhawr iyo toban saac iyo ka badan soomanaa kana maqnaa sigaar ee aan cabbin, sidee ayaanu habeenkii uga maarmi karin?
Dadkeena sigaar cabka ahi waxa ay uga baahan yihiin bulshada intooda kale in lagu booriyo in uu sigaarka iska joojiyo ee aan laga bixin.
Waxa Diyaarisay Deeqa Aadan
Email: deeqadahab17@gmail.com